Sunday, April 12, 2015

http://www.wupr.org/2014/04/18/the-new-face-of-somalia/ 
XOOGGA DALKA.

Maanta waa maalintii la unkay ciidanka xoogga dalka Somaliyeed. Waa maalin qiimo badan in la xasuustana mudan. Dhanka kale waa maalin murugo oo dalkeenii uu burbursanyahay lana daala dhacayo dhibaatooyin dhinacyo badan. 

Maanta waxaan xasuusan doona farxaddii asaaska xooga iyo difaacii dalka loo soo maray, sidoo kale waxaan xasuusan doona murugadii iyo halaagii dalka ka dhacay walina ka jiro. Waxaan xasuusnaan doona afganbigii military iyo wuxuu dalka dhaxalsiiyey oo dhib iyo dheefba lahaa. Waxaan xasuusnaan doona qiyamkii iyo qiimihii ciidanka Soomaaliyeed dunida kulahaa iyo sidii loo cisayn jiray, waxaan kale oo xasuusnaan doona sidii ay uga qeyb qaateen burburkii dalka ka dhacay uguna biireen beelihii ay ka soo jeedeen. Waxaan xasuusnaan doona kartidoodii iyo aqoontoodii sare, waxaan kale oo xasuusnaan doona askari labisan astaantii xooga dalka oo hadana dadkiisii dhibaataynaya.


Waxaan hada goob jog ka nahay banaanshaha ciidan Soomaaliyeed oo umadda u adeega. Waxaan kale oo arkayna rajo wanaagsanna ka qabna ifafaalo soo kabasho iyo dib u amaamud aan kalsooni ku qabo in ay maruun sharaftoodii iyo karaamadoodii ciidan soo ceshan doonaan. 

Waan u hanbalyeynaya dadkii ciidanka ahaan jiray, kuwa hada jira iyo kuwa mustaqbalka ku biiridoonama. Hanbalyo.