Tuesday, September 8, 2015

Daabacadda shilinka iyo dareenka shacabka



Suuqyada magaalooyinka waa weyn ee Puntland waxaa laga dareemay kunka shilin Soomaaliga ah ee cas kaas oo la sheegay in ay daabacatay xukuumadda Puntland laguna daabacay dalka gudihiisa. Waxa la sheegaya in dowladdu laba ujeedo ka leedahay daabacadda shilinka kuwaas oo kala ah:
1.      In ay soo buuxiso booskii u baneeyey shilingkii baaba’ay kaas oo uusan jirin sida la sheegay bangi dhexe oo soo buuxiya lacagta siyaabaha kala duwan suuqa uga baxday, aakhirkiina sababtay in ay dalka lacag yaraani soo food saarto.
2.      Waxa kale oo xukumadda culays uga yimid bixinta mushaharooyinka ciidamada, shaqaalaha iyo adeegyada dowladda taas oo iyana ay xukuumaddu doonayso in ay daboosho.
Dooda xukuumadda
Xukuumaddu waxay ku doodaysa in soo daabacadda lacagtaan ay keentay baahi dhab ah oo ka jirta dhanka shilinka iyo xukuumaddi ama bankgii dhexe ee Somalia oo isagu masuul ka ahaa soo daabicidda, siyaasadda iyo meel marinta lacagta uu ku guul darraystay inuu soo daabaco lacag, sidaa daraadeedna ay xukuumadda Puntland iyadu masuuliyaddaas qaadatay.
Banka dhexe ee Somalia
Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somalia mudane Bashir Isse oo isagu ah madaxa ugu sareeya nidaamka lacagta Somalia, wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Puntland in ay baal martay nidaamka caalamiga ah ee u degsan lacagta aduunka iyo kan Soomaaliga ahba, sidoo kalana ay jabisey dastuurka Federalka oo Puntland qeyb ka tahay. Wuxuu kale oo mudane Bashir sheegay in bankiga dhexe ee Somalia iyo hay’adda lacagta aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IMF ay ku hawlan yihiin sidii Somalia daynta looga dhaafi lahaa loona soo daabici lahaa lacag rasmi ah oo uu dalku yeesho. Halkaan ka eeg hadalka gudoomiyaha. http://www.garoweonline.com/page/show/post/3575/somalia-central-bank-criticizes-puntland-over-counterfeit-currency
Qiimaha dollarka iyo saamaynta lacagta cusub
Qiimaha dollarku wuxuu ahaa mudooyinkii danbe mid fadhiya dhawrsanadoodna wuxuu u dhexeeyey halka dollar ee Maraykanka ah 22 ila 22.5 kun shilinka Soomaaliga ah. Waxa mar hore suuqyada sarrifka laga dareemay isbedel ku yimid qiimaha dollarka oo kor u kacay lana filayo bilaha soo socda inuu sii kordho.
Xuduudaha Puntlad iyo lacagta soo galaya
Waxaa jira xogo rasmi ah oo sheegaya in marhoraba shaqsiyaad gaar ah oo ku dhaqan deegaano Puntland ka baxsan ay bilaabeen daabacadda lacago faalso ah aadna ugu eg tan xukuumaddu soo daabacatay. Waxa kale oo hubaal ah in aanay xukuumaddu gacanta ku wada hayn xuduudaha Puntland hubinna karin in aanay lacagtaasu soo gelin gudaha. Gaar ahaan waxaan lacagtaas laga ilaalin karin gobolka Mudug oo isagu qeybsan xuduud dheerna la leh deeganada konfurta Somalia.
Danyarta iyo dollarka
Waxaa sidii horayba u dhacday sanadihii 2006 ilaa 2008 la saadaalinaya in khalkhal xoogleh ku yimaado badeecadaha daruuriga ah iyo quud maalmeedka. Arrinkaasu wuxuu si weyn u saamayn doona danyarta iyo inta tabarta daran ee aan awoodin in ay dollar wax ku iibsadaan amaba helaan.
Xukuumadihii hore ee Puntland:
Xukuumaddii ugu horaysay ee Puntland way soo daabacday lacagta Soomaaliga ah iyadoo xilligaas loo qabay baahi mug weyn sida hadaba jirta, balse lacagtaas laguma daabicin dalka gudihiisa dowlad dhexe oo la aqoonsanyahayna dalka kama jirin. Xukuumaddii ku xigtay waxay iyadu lacag ku daabacday dalka gudihiisa, waxaa dabacaddaas ka dhashay burbur dhaqaale iyo kacdoon shacab ugu danbayntiina waa la joojiyey. Xukuumaddii ugu danbaysay iyadu ma soo daabicin lacagtaas, mar ayse isku dayday waxaa ka hor yimid diidmo qayaxan wayna joojisay isku daygaas. Waxaa isweydiin mudan, arrimahaas lagu joojijay in lacag la daabaco meesha ma ka bexeen mise wali waa jiraan?
Sharciyadda lacagta:
Xukuumadda Puntland, iyo tan federalka ah ee Somalia, labaduba waxay isku waafaqsan yihiin in masuuliyadda daabacadda lacagta uu bankiga dhexe leeyahay. Dastuurka Puntland qaybtiisa shanaad, xubintiisa 2aad, qodobka 111aad xarafaha b iyo t waxaa ku cad in awoodda hirgelinta siyaasadda lacagta iyo daabacadda uu leyahay bankiga dhexe. Hadaba waxa dhankaas Puntland ka soo wajahaya caqabad sharci iyo sidii ay mashruucaan ugu qancin lahayd hay’adaha sharciga.
Gunaanad
Waxaa marag ma doonto ah in loo baahanyahay lacag shilin Soomaali ah oo cusub. Waxaase isweydiin mudan habka ugu haboon ee lagu heli karo lacag sharci ah, hadiiba gudoomiyaha bankiga dhexe uu lacagtaan sharci darro ku tilmaamay. Waa jawaabta laga wada eegayo dhanka xukuumadda Pl iyo baanka dhexe ee Somalia labadaba. Waxa xukuumadda Pl si gaar ah looga eegaya, sidii ay ugu damaanad qaadi lahayd shacabkeeda oo kolkii horaba la liitay dhaqaalaha oo hooseeya, in aan culays dhaqaale oo horleh fuulin.

Mohamed Abdi Baldho

Dhammaad