Xiriirka Puntland iyo Federalka
Tan iyo intii ay talada qabatay xukuumadda Madaxweyne Abdiweli Ali Gaas waxaa jirtay is weydiin ku saabsan nooca iyo habka uu u shaqeeyo xiriirka u dhexeeya dowladda Puntland iyo federalka. Waxaan marna heer fiican gaarin xiriirkii u dhexeeyey xukuumaddii Madaxweyne Farole iyo xukuumadihii isaga danbeeyey federalka.
Ka dib doorashadii Puntland
08/01/2014, waxaa si qabow ku bilowday xiriir cusub oo dhex mara Puntland iyo
Federalka. Xiriirkaasu wuxuu meeshii ugu xumayd gaaray kolkii dowladda
federalku bilowday yagleelidii maamulka gobolada dhexe. Dadka Mudug dagen qeyb
ka mida waxay ka midyihiin Puntland oo maamul la dhisteen 1998 dii. Waxaana
xusid mudan in Madaxweynaha Puntland ee haatan uu ka soo jeedo gobolka Mudug.
Waxaan qoraalkaan ku eegi
doona aniga oo dhacdooyinka uun iftiiminaya heerarkii uu soo maray xiriirka
Puntland iyo federalka laga soo bilaabo hindisidii dhismaha maamulka Galmudug
iyo saamaynta uu ku yeeshay dagaalkii Galkacyo.
Dhismihii Galmudug
30/07/2014 Waxaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis dhigayey in maamul
midaysan loo sameeyo gobolada Mudug iyo Galguduud. Yagleelidda maamulkaas wax
talo ah lagama siin dadka iyo xukuumadda Puntland midkoodna.
01/08/2014 Puntland iyada oo ka ashtakoonaysa ku daridda gobolka Mudug oo
dhan, waxay xiriirka u jartay xukuumadda Xamar. Shir deg-deg ah oo ay wada
yeesheen Golaha wasiirada Puntland ayaa laga soo saaray in Puntland qaadacday
heshiiska maamulka loogu samaynayo gobolada Galgaduud iyo Mudug. Madaxweyne
Gaas ayaa 15 Cisho u qabtay Masuuliyiinta Puntland u dhashay ee ku jira
Xukumadda dhexe ee Somalia, xubnaha baarlamaanka iyo xubintii ugu jirtay
guddiga dastuurka inay iska soo xaadiriyaan Garowe.
Go’aanka Puntland soo saartay wuxuu ka koobna,
iyadoo Puntland tixraacaysa qodobada dastuuriga ah ee la jabiyey 7 qodob,
waxaana ka mid ahaa:
1. In Puntland kasoo hor-jeedsatay heshiiskii
maamulka loogu sameynayey goblolada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka
Soomaaliya.
2. In ay aad uga xun tahay ka qayb-galka shirka ee
xubnihii ka socday beesha calaamka.
3. In ay nasiib-darro tahay in madaxdii sare ee
dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor-imanaya dastuurka,
iskana hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah.
20/08/2014 Dowladda Puntland markii ay wada
tashi qoto dheer la yeelatay xubnihii ay uga yeeratay Xamar waxay soo saartay
war murtiyeed ay ku xaqiijinayso inay xiriirkii dowladda federalka kala dhexeeyey
goysay (1)
10/10/2014
Waxaa
magaalada Garowe soo gaaray RW hore mudane Abdiweli Sh Ahmed oo markaas khilaaf
kala dhexeeyey madaxweynaha Somalia si uu wada hadal ula furo xukuumadda
Puntland. (2)
14/10/2014
Xukuumaddii
RW Abdiweli Sh Amed iyo Puntland waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban 14
qodob ayna ka mid tahay in cidda maamulka gobolada dhexe loo dhisaya ay tahay
Galguduud iyo koonfurta Mudug oo kaliya, lagana wada hadlo arrimaha kale ee la
isku hayo sida dhamistirka dastuurka, dhismaha ciidan qaran, heshiiyadii horay
loo galay iyo qeybsiga deeqaha caalamiga ah, waxaana lagu dhawaaqay in
khilaafkii la soo afjaray.
16/04/2015
Madaxweyne
Hasan Shiek Mohamud ayaa si rasmi ah uga furay degmada Cadaado shirkii maamul u
samaynta Mudug iyo Galguduud wuxuuna ergooyinkii shirka ka qeyb galayey u
sheegay inay soo dhistaan maamul ay u wada dhanyihiin. (3)
14/06/2015 waxaa la ansixiyey
xuduudda maamulka Galmudug oo lagu sheegay in dhankeeda waqooyi yahay degmada
Burtinle ee gobolka Nugaal.
14/06/2015
Mudaharaadyo
waaweyn ayaa ka dhacay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland kuwaas oo
looga soo horjeedo madaxda sare ee dowladda federalka iyo ergayga gaarka ah ee
qarmada midoobay u qaabilsan Somalia, waxaana mar kale circa isku sii shareeray
xiriirkii laba dhan ee Puntland iyo federalka.
04/07/2015
Waxaa
si rasmiya loo doortay mudane Abdikarim Huseen Guleed inuu noqdo Madaxweynaha
Galmudug. (4)
12/07/2015
Baarlamaanka
Puntland oo dood dheer ka yeeshay khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo
maamulka Puntland, ayaa soo saaray go’aammo ka kooban shan qodob, waaxana ka
mid ahaa: In
dastuurka lixda saxiix leh iyo Xoghayaha guud ee QM oo makhraati ka ahaa uu
yahay dastuurka rasmiga ah, in xeerarka baarlamaanka federaalku ansixiyay
ee aan laga tashan Puntland aysan sharci ahayn iyo inaysan sharci ahayn saddexda
guddi ee kala ah:
A.
Gudiga
dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Somalia
B.
Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
C.
Gudiga
Xuduudaha iyo Arimaha Federaalka iyo qodobo kale oo muhiim ah. (5)
Hanaanka
doorashada 2016
Hanaanka doorashada 2016 ku
wuxuu bilowday iyadoo sida kor ku xusan aanu wanaagsanayn xiriirka labad
dhinac. Puntland waxay horaantiiba qaadacday in ay ka qeyb gasho shirkii ka
dhacay Xamar 29-30 Luulyo.
29-30/07/2015 Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shirkii
madaxda sare ee Somalia kaas oo looga hadlayey hanaanka doorasho ee sanadka
2016 ka iyado aanay Puntland ka qeybgelin. (6)
29/07/2015
Isla maalintaas
Puntland waxay soo saartay qoraal ay ku qaadacayso shirka Xamar iyo in aanay
qusayn wixii ka soo baxa. (7)
31/07/2015
Dowlada
Puntland waxay soo saartay qoraal ay ku diidan tahay wixii ka soo baxay shirkii
madaxda sare ee ku soo dhammaaday Muqdisho, iyadoo ku sababaysay dastuurkii oo
lagu xadgudbay. (8)
04/08/2015
War
saxaafadeed ay soo saartay Puntland, waxay soo dhaweysay wixii ka soo baxay
shirkii madasha wada tashiga ee ka
dhacay Muqdisho 29-30 bishii luulyo. (9)
21/09/2015
Dowladda
Puntland waxay shuruud la’an uga qeyb gashay shirkii Xamar ka furmay, iyadoo ay
halkaas gaareen wafti balaaran oo isugu jira, xukuumadda, Baarlamaanka iyo
xubno ka socday bulshada rayidka. (10)
21/09/2015 Waxay
dowladdu soo saartay war saxaafadeed lagu yiri “Dawladda Puntland iyadoo
ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay
go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka” (11)
Shirkii
talagelinta
Ka dib shirar dhawr mar
Moqdisho ka dhacay oo looga hadlay hanaanka doorashada soo socota iyo sida ugu
haboon ee lagu geli karo, waxaa maamul goboleedyada loo qeybiyey ergo 150
dowlad walba
16-17/11/2015
Shirkii
wada tashiga hanaanka doorashada 2016 ayaa lagu qabtay lix magaalo oo Puntland
ah iyadoo magaalo walba ay ka soo qeyb galeen ergo gaaraysa 100 qof isku darkana
ka dhigaysa 600 oo ergay, ka dib markii dowladdu ku gacan sayrtay qoondadii la
siiyey oo hayd 150 qof. Ergadii waxay is
aqlabiyad leh u cadeeyeen in ay ka soo horjeedaan nidaamka 4.5 ayna doonayaan
nidaamka degmooyinka (12)
18/11/2015
Wasiirka
Arrimaha gudaha dowladda federalka mudane Abdirahman odowa oo waraysi siiyey
TVga Somali channel ayaa sheegay in 600 ee Puntland ay ka dhigan yihiin, waxna
aanay ka badalayn qoondadii la siiyey dowlad goboleeyada kale oo ahayd 150. (13)
Dagaalkii
Galkacyo.
Waxaa magaalada Galkacyo ka
dhacay dagaalo aad u xun. Dagaaladaas oo isku dar ay ku dhinteen kontameeyo qof
tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxay ka bilowdeen wado 120 mr ah. Dagaaladaas
waxaa ku barakacay sida QM sheegtay in ka badan 42 kun oo qoys halka dadka
intiisa badan aaminsan yihiin in tiradu intaas aad uga badan tahay, waxaa ku
burburay hanti badan, waxaa xirmay iskuuladii iyo goobihii gancsiga ilaa iyo
iminka waxaa jira dad aan guryohoodii ku soo laaban oo banaanada daadsan.
Dad badani waxay qabaan in muranka wadadaas
hab silmiya lagu xallin karay dagaalla laga baaqsan karay. Sidoo kale in badan
waxay aaminsan tahay in dagaalkaasu ahaa mid siyaasadeed oo aad uga duwana
dagaalo marar hore magaalada ka dhacay.
Waxaad mooda in Puntland
aanay gaarin ujeedkii dagaalkaas la sheegay in loo galay oo ahayd in wadadaas
wax laga qabto, halka la aamin san yahay Galmudug in ay dagaalkaas u gashay in
ay Puntland ka hesho ixtiraam iyo aqoonsi la mid ah kan ay ka heshay maamulada
kale ee Somalia ka jira. In badani waxay qabtaa in Galmudug gaartay ujeedkeedii.
Ugu danbayn labada maamul
waxay kala saxiixdeen heshiis, waxayna ugu danbayntii iyaga oo gacmaha is
haysta isku raaceen shirka hiigsiga hanaanka 2016 ka. Waxa wax u dheceen sidan:
22/11/2015
Waxaa
magaalada Galkacyo ka qarxay dagaalkii 1aad dagaalo is xig xigay oo magaalada
ka dhacay. (14)
22/11/2015
Puntland
waxay soo saartay war saxaafadeed dagaalka ku saabsan. (15)
24/11/2015
Odayaasha
iyo ganacsatada labada dhan waxay isla gaareen heshiis qabyo ah oo dhigaya in
xabad joojin rasmiya lagu dhawaaqo, in ciidamada la kala durkiyo iyo in wada
hadal la isaga yimaado waxyaabaha la isku hayo.
24/11/2015
Labada
dhanba waxay bilaabeen in ciidamo xoog leh magaalada ku soo daabulaan, taas oo
sababtay in ay qaxaan badi dadkii ku noolaa magaalada.

29/11/2015
Puntland
waxay Federalka ku eedaysay dagaalka Galkacyo, iyadoo nasiib darro ku
tilmaantay in wixii qaranka ka dhexeeyey ciidan iyo qalabba si masuuliyad darro
ah loo adeegsaday loogana fa’iidaystay hurin colaadeed iyo wax yeelaynta
Puntland. (16)
29/11/2015 PM CCC, Madaxda Jubbaland, ISWA, iyo wafti ballaran oo ay hogaaminayaan
ayaa ka kala dagay Galkacyo iyo Garowe si ay nabad ugu soo dabaalaan xaaladda
Galkacyo. Isla maalinkaas waxaa Galkacyo soo gaaray madaxweynaha Galmudug Abdikarin
Hussien Guled.
01/12/2015 Madaxda federalka oo uu Ra’asal wasaaruhu hogaaminayo, madaxda Punltnad,
Jubbaland, ISWA iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa kulan uga furmay
garoonka diyaradaha Galkacyo.
02/12/2015 Waxa mar kale shir ka dhacay garoonka waxaana shirkaas ka soo baxay
heshiis ay dhinacyadu saxiixeen oo dhigaya: In xabadda la joojiyo, cidamada la
kala qaado, barakacayaasha la soo celiyo iyo in la galo wada hadal aan wax
shuruud ah ku xirnayn. (17)
03/12/2015 Waxaa mar kale magaalada ka qarxay dagaal la isku adeegsaday hubka
noocyadiisa kala duwan dhaliyeyna dhimasho dhaawac iyo barakac hor leh, sidoo
kalana ay hanti badan ku burburtay. (18)
04/12/2015 Mar kale waxaa lagu kulmay garoonka diyaadaha waxayna madaxdii ka soo
qeyb gashay isla xaqiijiyeen hirgelinta heshiiskii ka koobna afarta qodob ee
dhinacyadu saxiixdeen.
05/12/2105 Madaxda labada dhan iyo dowladda federalka oo fududaynaysay waxay isaga
gudbeen magaalada labadeeda dhan waxayna si kal iyo laab ah iskula qireen inaan
mar danbe loo ogolaan in magaalada dagaal ka dhaco. (19)
07/12/2015 Wafti ballaran oo ka kooban maamul goboleedyada iyo dowladda federalka oo
uu hogaaminayo RW CCC ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Galkacyo iyagoo ku
sii jeeda magaalada Xamar si ay halkaas uga qeyb galaan shirka madasha wada
tashiga hanaanka doorashada 2016-ka. (20)
07/12/2015 War saxaafaddu qortay waxaa lagu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka
Puntland yiri “Dowlada Puntland marna ma aqbali doonto nidaamka 4.5 hadii lagu
saleeyo doorashada soo socotana in Puntland ay dadkeeda talada ku soo celin
doonto”, wuxuuna nidaamkaan ku tilmaamay mid xaaraan ah oo horseeday inuu dalku
dib u laabto. (21)
Gunaanad
Anigoo ka xun dheerarka qormadaan oo runtii ay ii suurageli wayday in aan
intaas ka soo yareeyo, waxaan ku soo dabraya su’aalo aan jeclaan lahaa in
akhristuhu is weydiiyo ama jawaab u helo. Maxaad ku sifayn lahayd xiriirka
federalka iyo Puntland? Dhismihii Galmudug iyo dgaalka Galkacyo? Muxuu ku salaysna dagaalkii Galkacyo? Maxaa loo galay mase la
baajin karay? Madaxeyne Hasan saamaynt intee le’eg buu ku lahaa dagaalkii Glk? goorma
ayuu ka hadlay muxuuse ka yiri? Sidee Pl u maamushay dagaalkii Glk, ma isleedahay
si ka haboon ayaa jirtay? Xukuumadda Pl side u xaliisay go’aankii baarlamaanka? Shirkii wada tashiga Puntland qabatay ee hanaanka doorashada 2016 ka Puntland ma ku adkaysan doonta aragtida shacabkeeda hadii 4.5 la keeno?
Tixraac
9.
http://www.puntlandvision.com/2015/08/06/press-release-the-government-of-puntland-state-of-somalia-welcomes-the-ministerial-high-level-partnership-forum-meeting-of-29-30-july-2015-held-in-mogadishu/
11.
http://puntlandi.com/warsaxaafadeed-mowqifka-dowladda-puntland-ee-shirka-wadatashiga-qaran-aran-ee-geedi-socodka-doorashada-2016/
13.
http://muqdishotv.com/?p=8320
http://www.lafweyne.com/2015/11/19/wariye-jaamac-deperani-oo-lagu-xiray-garowe/