Friday, July 28, 2017

Libaaxi Punjab.




68 da jirka reer Pakistan ee mar loo yaqaanay libaaxi Punjaab, wuxuu ahaa nin aad qani u ah isla markaasna hormuud u ahaa ganacsiga dhanka warshada ee dalka Pakistan. Waxaa intaa usii dheerayd inuu ahaa siyaasi aan la loodin karin. Wuxuu soo noqday Ra’iisal Wasaaraha dalka Pakistan laba jeer oo hore balse waxaa dhiciseeyey hamigiisa siyaasadeed talaabooyin uu dhanka khaldan u qaaday iyo eedaymo musuqmaasuq, kuwaas oo galaafay xilkiisii Ra’iisal Wasaaranimo.

Markii 1aad ee uu xilka RW nimo  qabto waxay ahayd 1990, waxaase lagu eedeeyey musuqmaasuq ay qoyskiisu galeen, kaas oo uu xilkiisii ku waayey.

Waxaa mar labaad xilka RW loo doortay sanadkii 1997, isagoo waqtigaas amray in la tijaabiyo qumbuliyadda wax gumaada ee nuclearka, taas oo loo bixiyey qumbuladii Islaamka isla markaasna Pakistan ku soo biirisay dalalka haysta hubka khatarta ah.


1997 waxay fooda is dareen Gudoomiyihii Maxkamadda Sare (Chief Justice) Shah, ka gadaal markii maxkamadda Sare ay isku dayday in ay dhagaystato dacwad ku aadanaynyd wax ka bedel lagu sameeyey dastuurka dalkaas taasoo uu hormuud ka ahaa Mr Sharif. Madaxweynihii wadanka  oo la oran jiray Farooq Leghari, ayaa arrinta soo dhexgalay asaga oo dhinaca saaray Mr Shah balse RW sharif wuxuu ku khasbay labadoodiiba in ay is casilaan asaga oo ka fa’iidaysanaya aqlabiyaddii xoogganayd ee uu Baarlamaanka ku lahaa.

Sidoo kale RW Sharif wuxuu legday xilkiina ka qaaday taliyhii ciidanka Gen Jehangir Karamat asaga oo ku bedelay Gen Pervesh Musharraf.

Nasiib darro, RW Sharif waxay mar kale fooda is dareen Gen Musharraf oo asagu soo xushay isaga oo maanka ku hayey inuu noqon doono wiilkii uu barbaarsaday. Dagaal hoosaad muddo bilo ah socday ka dib, Sharif wuxuu  xilkii ka qaaday Gen Musharraf oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Pakistaan wuxuuna amray diyaarad shacab oo ay lahayd PIA numberkeeduna ahaa PIA flight PK 805 oo ka soo duushay dalka Sri Lanka kuna jeeday dalka Pakistaan, ayna saarnaayeen ugu yaraan 190 qof oo uu ku jiray Gen Musharraf kuwaas oo u badna dadshacab ah iyo arday in loo diido inay soo cagadhigato meel ka mida dalka Pakistaan. Waa markii ugu horeeysay taariikhda ee RW dal, asaga oo dhulka jooga, uu afduubo diyaarad laga leeyahay dalkiisa ayna saaranyhiin Shacabkiisii iyo taliyihiisii ciidanka.

Arrinta xiisaha leh ee uu Gen Musharraf ku qoray bookgiisa “In the Line of Fire” waxay ahayd markii ciidamada Pakistan ay diyaariyeen isla markaasna fuliyeen inqilaab military kuna amreen diyaaraddii siday Gen Musharraf inay soo cagadhigato magaaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Sharif waa la xiray, la maxkamadeeyey laguna xukumay 14 sano oo xabsi ah, waxaase arrinta soo dhexgalay dowladda Sacudiga oo ku qancisay Gen Musharaf, inuu Shariif u ogolaado inuu dalka sacuudiga si masaafurisa ugu noolaado.

Shariif, waxuu ku soo laabtay dalka Pakistan 2007, asaga oo ka qayb qaatay doorashadii markaa socogay, balse xisbigiisu wuxuu galay kaalinta 2aad. Shan sano ka dib, ayaa mar 3aad Sharif loo doortay RW wuxuuna xilkaas hayey ilaa iyo maanta 28/07/2017 oo ay maxkamadda sare ku dhawaaqday xukun ah inuusan jago siyaasadeed dalka ka qaban karin. Mr Shariif ma dhumin kaliya inuu sii ahaado RW balse wuxuu dhuminaya inuusan xildhibaan sii ahaan karin iyo inuusan sii hogaamin karin xisbigiisa PMLN.

Mohamed Baldho.