Wednesday, April 15, 2020

Qof gaajaysan iyo guriga joog #Covid19




Cudurka #Covid19 waa tijaabadii ugu adkayd ee dunida soo food saarta tan iyo dagaalkii labaad ee dunida (WWII). Madaxda aduunku waxay awooddoodii oo dhan isugu geeyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen yaraynta dhibaatada nafeed iyo dhaqaale burbur ee cudurkanu reebay. Waxay si joogto ah wacyigelin u siiyaan shacabkooda, iyaga oo uga xog warama hadba meesha wax marayaan, tallaabooyinka ay qaadeen ee ay tahay in la fuliyo iyo gurmadka iyo gargaarka dowladuhu shacabkooda u fudiyaan.

Dalka Somalia oo 30 sano aanay dowladnimo shaqaysaa ka jiran, waxaa aad u burburay kaabayaasha caafimaadka. Dakhaatiirta Soomaalidu waxay isugu jiraan in gabowday iyo dhalinyaro dedaalaysa balse khibradoodu yartahay aanna haysan tas-hiilaad caafimaad oo ay ugu babac dhigi karaan cudurkaan khatarta badan. Taasu waxay sababtay sida meelo badan oo dunida ka dhacday in shaqaalihii caafimaadku noqdaan dhibanayaasha kowaad ee xanuunkaan.

Waxaa kale oo xujo iyo xaalad adag ka taagan tahay, qaab nololeedka bulshadeena oo si walba u diidan inuu la jaanqaado amarada maamulada dalka ka jira iyo talooyinka bahda caafimaadka. Waxaa jira dhaqaale xumo baahsan, iyada oo dadka intooda badan ku tiirsan yihiin soo dhacsiga nolol maalmeedkooda. Taasu waxay meesha ka saartay guryaha jooga oo ruux gaajaysan guri kuma jiri karo. Ma jirto dowlad gargaar dhaqaale bixin karta oo dadku ku tiirsanaan karaan. Dhanka kale qeybo badan oo bulshada ka mida ma awoodaan inay faraha dhaqdaan, waayo ma haystaan biyo ay ku dhaqaan oo waxayba la’yihiin kuwo ay cabbaan saabuunta lagu faraxashana warkeeda daa. Dhaqanka Soomaalida reer magaalka ah, wuxuu ina baray isku dhex milan bulshada iyaga oo wax walba wadaaga, haba ugu horrayaan maasaajidda, madaarista, iskuulada, mukhaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Mar hadii dhaqan dhaqaalaha soomaalidu aanu la jaanqaadi karin xaaladaha lagu maarayn karo ka hortagga iyo faafidda xanuunkaan dilaaga ah, waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed inay raacaan talooyinkaan inta karaankood ah:

  1. Raac talooyinka bahda caafimaadka iyo maamulada dalka ka jira.

  1. Isku day hadaad heli karto inaad faraha dhaqdo adiga oo saabuun isticmaalaya.

  1. Marka aad wax iibsanaysaan kala fogaada ugu yaraan labo mitir.

  1. Joojia salaanta gacanta oo adeegso tan islaamka.

  1. Isku day inaad sanka xiratid adiga oo isticmaalaya cimaamaddaada ama khamaarkaaga.

  1. Ku dadaal inaad lacagta mobile kaaga ku bixisid intii suuragal ah.



Mohamed Baldho