Sunday, June 14, 2015

Riyo maalmeedka cadaado


Dadka ku nool gobolka Mudug gaar ahaan Puntland, waxay aamin san yihiin soona dhaweynayaan cid walba oo maamul iyo kala danbayn samaysanaysa. Waxay aaminsanyihiin nidaamka hoos ka dhis kur u dhis (bottom up approach). Waxay doonayaan nabad, horumar iyo xasiloni siyaasadeed.
Waxay doonayaan dowlad iyo midnimo Soomaaliyeed. Waxay doonayaan Somalia oo gacmaha is qabsata, federal ah maamulka iyo adeegyada dowladuna gaaraan deegaanada ka fog magaalooyinka. Marna kuma talin qeybna kama qaadan dadkaan dhibka iyo burburka walaalaha Soomaaliyeed.

Badalkeeda, dhanka konfurta Galkacyo iyo wixi ka koonfureeya waxaa ka socda wax u muuqda in ay caqabad ku yihiin inta kor ku xusan. Waxa qebyo qoraalka dastuurka cadaado lagu qoray in  maamulka imaan doona uu xaduud la yeelan doono konfurta gobolka Nugaal! http://www.codkamudug.com/daawo-sawiradagudiga-farsamada-maamul-usameenta-gobolada-dhexe-oo-bulshada-gaalkacyo-usoo-bandhigay-dastuurka-maamulka-uuyeelanayo-si-ay-uga-doodaan/ Waa riyo maalmeed aan dhib mooyee wax wanaag ah u siyaadin doonin kuwa doortay in ay khalkhaliyaan nabadda iyo xasiloonida mudada dheer lagu caano maalay iyagana la jecla in ay helaan mid la mida.

Waxaan oran lahaa dadka Soomaaliyeed luggooyada ka daaya. Ha u horseedinana burbur iyo dagaal sokeeye oo hor leh. Ogaada dadka aad xadkooda sheeganaysaan waxay tashadeen dowladna samaysteen 17 sano ka hor. Hadii la doonayo in xoog wax lagu qaatana horay u suurobi weyday oo waan wada ognahay. Sheegashadiinu waa uun suurad xumeeyn nidaamka federaliga ah ee lagu heshiiyey iyo qiil u raadin burburintiisa.

Waxaa nasiib darro iyo niyad jab ah, in dadkii ka shaqeeyey burburkii, gumaadkii iyo xasuuqii umadda Soomaaliyeed loo gaystay ay maanta mar kale u xiiso iyo hamuun qabaan in ay gaystaan wixii dhacay wax ka sii xun. Waxaan dareen sanahay cidda nidaamkii Somalia burbursay, hortaagnayd in ay dalka ka hirgasho dib u heshisiin iyo dowlad shaqeeysa ay wali hormuud u yihiin maleegidda wixii ay gaysteen wax la mida.

Iminka waxa idiin furan in aad doorataan wadada nabadgelyada ama wadada halaagga iyo burburka umadda Soomaaliyeed. Hadii aad tan hore doorataan waan wada libaanayna dalkuna tartiib tartiib ayuu u dhismi doona, hadiise aad qaadataan tan labaad wax aan hungo ahayn ka dhaxli maysaan waxayna hog dheer ku ridaysan in dalka nabad lagu soo dabaalo.

Ugud danbayntii Galkacyo waa meeshii Puntland laga dhisay, hadii ay meel kale aadaysana ma jiri doonto cid talada u gaarasa. Wixii talo iyo wanaag ah ee ku saabsan maqaamka, horumarka iyo ku wada noolaansha Galkacyo waan soo dhaweynayna, balse cidina yeysan isku dayin wax aan waxba uga kor dhayn dadka aad madaxda u tihiina been ha u sheegina.

Wa billahi towfiiq