Dadka ku nool gobolka Mudug gaar ahaan Puntland, waxay aamin san yihiin soona dhaweynayaan cid walba oo maamul iyo kala danbayn samaysanaysa. Waxay aaminsanyihiin nidaamka hoos ka dhis kur u dhis (bottom up approach). Waxay doonayaan nabad, horumar iyo xasiloni siyaasadeed.
Waxay doonayaan dowlad iyo midnimo
Soomaaliyeed. Waxay doonayaan Somalia oo gacmaha is qabsata, federal ah
maamulka iyo adeegyada dowladuna gaaraan deegaanada ka fog magaalooyinka. Marna
kuma talin qeybna kama qaadan dadkaan dhibka iyo burburka walaalaha
Soomaaliyeed.
Badalkeeda, dhanka konfurta Galkacyo
iyo wixi ka koonfureeya waxaa ka socda wax u muuqda in ay caqabad ku yihiin
inta kor ku xusan. Waxa qebyo qoraalka dastuurka cadaado lagu qoray in maamulka imaan doona uu xaduud la yeelan
doono konfurta gobolka Nugaal! http://www.codkamudug.com/daawo-sawiradagudiga-farsamada-maamul-usameenta-gobolada-dhexe-oo-bulshada-gaalkacyo-usoo-bandhigay-dastuurka-maamulka-uuyeelanayo-si-ay-uga-doodaan/ Waa riyo maalmeed aan dhib mooyee wax wanaag ah
u siyaadin doonin kuwa doortay in ay khalkhaliyaan nabadda iyo xasiloonida
mudada dheer lagu caano maalay iyagana la jecla in ay helaan mid la mida.
Waxaan oran lahaa dadka Soomaaliyeed
luggooyada ka daaya. Ha u horseedinana burbur iyo dagaal sokeeye oo hor leh.
Ogaada dadka aad xadkooda sheeganaysaan waxay tashadeen dowladna samaysteen 17
sano ka hor. Hadii la doonayo in xoog wax lagu qaatana horay u suurobi weyday
oo waan wada ognahay. Sheegashadiinu waa uun suurad xumeeyn nidaamka
federaliga ah ee lagu heshiiyey iyo qiil u raadin burburintiisa.
Waxaa nasiib darro iyo niyad jab ah,
in dadkii ka shaqeeyey burburkii, gumaadkii iyo xasuuqii umadda Soomaaliyeed
loo gaystay ay maanta mar kale u xiiso iyo hamuun qabaan in ay gaystaan wixii
dhacay wax ka sii xun. Waxaan dareen sanahay cidda nidaamkii Somalia burbursay,
hortaagnayd in ay dalka ka hirgasho dib u heshisiin iyo dowlad shaqeeysa ay
wali hormuud u yihiin maleegidda wixii ay gaysteen wax la mida.
Iminka waxa idiin furan in aad
doorataan wadada nabadgelyada ama wadada halaagga iyo burburka umadda
Soomaaliyeed. Hadii aad tan hore doorataan waan wada libaanayna dalkuna tartiib
tartiib ayuu u dhismi doona, hadiise aad qaadataan tan labaad wax aan hungo ahayn ka dhaxli maysaan waxayna hog dheer ku ridaysan in dalka nabad lagu soo
dabaalo.
Ugud danbayntii Galkacyo waa meeshii
Puntland laga dhisay, hadii ay meel kale aadaysana ma jiri doonto cid talada u
gaarasa. Wixii talo iyo wanaag ah ee ku saabsan maqaamka, horumarka iyo ku wada
noolaansha Galkacyo waan soo dhaweynayna, balse cidina yeysan isku dayin wax
aan waxba uga kor dhayn dadka aad madaxda u tihiina been ha u sheegina.
Wa billahi towfiiq
No comments:
Post a Comment