Wednesday, July 1, 2015

Maxaan ku xasuusana 1da Luulyo?



1da Luulyo waa maalin ku weyn dadka Soomaalida. Waa maalintii ay xornimada qataday qaybtii la oran jiran Italian Somaliland. Waa maalintii ay midoobeen labadii goobood ee ay kala haysteen gumaystaha Ingiriiska iyo Talyaanigu. Dad badan way ka murugoodaan maqalka maalintaas waxayna u arkaan in aan dalku ka fa’iidaysan fursaddaas qaaliga ahayd ee in badani u hureen naftoodii iyo maalkoodiba.

Wallow badi mujtamacu xornimada doonayeen, iyadoo aysan jirin wax xornimo ka qaalisan marka islaanimada laga reebo hadana waxa jiray kuwo Soomaali ah oo u arkayey in gumaystuhu dalka sii joogo Soomaliduna aanay ahayn kuwo is maamuli kara. Ra’yigaas in badanba maanta u guuxay!

Dhanka kale waxa jira dad ku dooda xuska maalinta iyo habka loo weyneeyo in aanu ahayn mid ka wada tarjumi kara dareenka dadka iyo wayahoodii kala duwana xilligii gobanimo doonka iyo kolkii la helay ka gadaalba. Waxay dadkaasu ku doodayaan in xaflado la qabta iyo heeso la qaada aanay wax weyn ka tarayn taariikhda umadda balse ay haboonaan lahayd in ay dadku arkaan wixii ay u halgamayeen kuwii geeriyoodayna ubadkoodu goostaan mirihii ay aabayaashood beereenk. ka sheekaynta taariikhdii halgamayaasha iyo dhib iyo dheef wixii la soo maray Iyana waa arrin kale oo muhiimaddeeda lahaan lahayd.

Isku soo duuboo Somalia oo ka mid ahayd dalalkii xornimada Africa ugu horqaatay maantana u dabaal degaysa 55 guradii maalintaas qiimaha badnayd, ma aanay helin wixii ay gayday dadkeeduna wuxuu ku kala firdhay daafaha dunida iyagoo aanan haysan xushmadda iyo karaamada asaagood ku naaloodaan ayna ugu horayso ammaanka, dhawrista sharafka mudaadinka, codaynta iyo doorashada madaxtooda. 55 sano ka dib dadku ma haystaan xornimo dhaqaale, mid siyaasadeed, wax barasho iyo mid aayo ka talin toona.

Waxaan jeclaan lahaa in aan u dabaal dego xornimo buuxda, ciid iyo calan camiran,  leh xuquuq qof ahaaneed, dhaqaale, waxbarasho, iyo hiigsasho horumar. Waxaan marlabaad idiinku hanbalyeynaya xornimo sharaf leh iyo in aan isku taagno helidda xornimo aan gayno.

Alla Mahad leh.


Mohamed Abdi

No comments:

Post a Comment