Thursday, July 30, 2015

Soo dhaweynta Faroole iyo dareenka dowladda Gas



Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) waa Madaxweynihii Puntland ee ka horeeyey  xilkana ku wareejiyey Madaxweynaha iminka talada haya Abdiwali M Ali Gas. Faroole shalay ayuu dalka dib ugu soo noqday isaga oo ka maqna muddo sanad iyo bar ka badan. Waxa gegidda diyaaradaha ee Garowe ku soo dhaweeyey boqolaal qof oo ubadan dadweynaha Garowe iyo  qeybo kale oo isugu jira xubno xukuumaddiisa hore ka tirsana uuna ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenkii Cabdisamad Ali Shire oo marka aad eegto sida ay isku garab socdeen magaaladana ugu dhex lugeeyeen aad ugu ekayd xilligii ay talada hayeen.

Waxaa oo si weyna uga dhex muuqday soo dhaweynta Faroole Gen Muhyidiin Ahmed oo dhawaan ka soo galay gadood ciidan kuna soo xarooday qorshe uu ka soo shaqeeyey Ra’isal Wasaare CCC. Waxa kale oo soo dhaweynta qeyb ka ahayd inkastoo ayan si fiican uga dhex muuqan xukuumadda hada jirta wasiiro ka mid ah iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga ka yimid kuwaas oo xiisa gaar ah lahaa.

Walow uu Faroole Madaxweyne hore yahay xaqna u leeyahay ilaalinta amnigiisa iyo soo dhaweyn xushmadaysan, hadana waxaa shalay muuqatay soo dhaweyn siyaasadaysan. Tusaale ahaan marka aad eegto baraha internetka ay ku leeyihiin qaybo ka mida dadkii soo dhaweyey, hadaaqa iyo hadalada in badan oo bulshada ka mida waxa loo fasiran karay in ay fariin adag u dirayeen xukuumadda Gas laguna muujinayey in aysan dalka gaarsiin halkii laga filayey amaba markii hore looga tagay.

Hadaan u soo laabto hadalkii Madaxweyne Faroole oo sida uu sheegayba dalka u yimid tacsi qoys, hadana wuxuu ku cel celiyey in aanu shar wadin wax dhib ahna la socon. Madaxweyne Faroole  wuxuu sheegay in uu wax wanaagsan ka tagay wax wanaagsanna rajaynayo inuu dalka kala kulmmo. Wuxuu kale oo sheegay in uu sixi doono wixii awoodiis ah ee uu sixi karo.

Iyadoo aan meesha laga saari karin hadalka Madaxweyne Faroole iyo socdaalkiisuba in aanay siyaasad ka saan la’ayn, hadana waxaa iska cad in ay jiraan xoogag kale oo siyaasadeed kuwaas oo ka fa’iidaysanaya safarkiisa si ay fariin adag ugu diraan xukuumadda

Mareegta uu sida gaarka ah u leeyahay Madaxweyne Faroole waxay sheegtay, in xukuumaddu saxaafadda dowladda ka joojisay in ay dadka ka haqab tirto soo dhaweyntii Madaxweynaha hore taas oo dhanka kale muujinaysa dareenka aan fiicnayn ee xukuumaddu ka qabto imaansha Faroole. Eeg lifaaqaan oo ingiriis ku qoran. http://www.garoweonline.com/page/show/post/3238/somalia-puntland-bars-media-from-covering-expresidents-hero-welcome-home hada jirta.

FG. Xuquuqda Sawirka, Ducale waxaana ka soo qaatay baraha internetka

Dhammaad



No comments:

Post a Comment