Saturday, July 4, 2015

Doorashada Guuleed


Abdikarim Hussien Guled oo soo noqday wasiirkii arrimha gudaha iyo kii Amniga ee dowladda Hasan Shiek ayaa hada loo doortay xilka Madaxweynaha shirkii ka socday Cadaado. Wuxuu ku guulaystay 49  isagoo ka guulaystay la tartamihii ay isku soo hareen wareegga saddexaad 40 cod kaas oo asna horay u ahaa Madaxa Sirdoonka ee dowladdii Sheikh Shariif Sh Ahmed.

Waxa shirka soo camiray wasiirada dowladda Federalka oo ay ka midyihiin Odowa iyo Caynte. Waxa kale oo ka soo qayb galay odayaasha beelaha hawiye.  Waxa iyana fadhiyey siyaasiyiin  saamayntooda lehWaxaa iska muuqatay in Wasiirada dowladdu cidiyaha ku dagaalameen si ay Mr Guuleed usoo saaraan, taas oo aad moodo in ay ku guulaysteen. Waxa si cad u muuqatay in hardangku u dhexeeyo Damjadiid iyo Alla Sheekh oo iska dhaxlay xukunka dalka. 

Cabdi Qaybdiid oo isagu u haraaday dhismaha maamulkan kuna taamayey in xuduudka Galmudug laga dhigo xadka Nugaal ayaan isagu soo hoyin guul la taaban karo, walow oo markii danbe ku faylay kooxda Cabdikarim.

Sida aan horayba u sheegay dowladda Federalku waxay shirkaan galisay waqti, dhaqaalo iyo juhdi aad u fara badan. Waxa ugu weyn ee la oran karo way ka leedahayna waa in ay la shir tagto 2016 ka in ay baahisay maamulkii dalka, soo dhistay qeyb ka mida dowladihii qeybta ka noqon laha dowladda federalka ah iyo ujeedada ugu weyn oo ah in ay hesho jaal siyaasadeed oo ku garab istaaga  hanashada xukunka dalka mar labaad.

Isku soo duubo Abdikarim H Guled waxa hortaal hawl aad u baaxadweyn oo ay ka mid tahay, nabadaynta beelaha dega Galguduud iyo Konfurta Mudug, qaadista isbaarooyinka sharcidaradda ah, ammaanka, abuurista ila dhaqaale iyo tan ugu weyn oo ah qancinta iyo la xaajoodka Ahlu Sunna Wal Jameeca oo iyaguna horaantii asbuucaan Madaxweyne ku doortay caasimadda Galguduud ee Dhuusa Mareeb. Waxa kale oo xujo weyn ku noqon doonta inuu dadka uu madaxda u yahay ka dhaadhiciyo inuusan xukumin Mudug ee halka loo doortay ay tahay Galguduud iyo Konfurta Mudug.


Waxaan u rajaynaya maamulkaas dhismay nabad, horumar iyo daris wanaag.

Mohamed Abdi

No comments:

Post a Comment