Monday, July 6, 2015

Jahadiiba iga halowdoo jid aan u baxaanan hayn!


Guud ahaan xaaladda Somalia ay ku sugan tahay ma ahan mid ka farxinaysa muwading kasta oo jecel in uu arko wadankiisa oo nabad ah cagtana saaray wadadii dib u soo kabashada iyo horumarka. Marka aad dib u eegto dhacdooyin dhawr ah oo dalka soo wajahay asbuucyadii la soo dhaafay ayna ugu weynayd jabkii ciidanka Burundi, banayntii AMISOM degaano muhiim ah, kala xiriir furashada dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dhammaan arrimahaas waxay ku tusinaysa in xukuumadda Hasan Sh Mohamud uu gabalkeedu sii dhacayo.
Maanta, waxay baarlamaanka federalku ansixiyeen laba guddi oo kal ah guddiga xuduudaha iyo kan doorashoooyinka. Waa laba guddi oo muhiim u ah dowladnimada dalka, dib u heshisiin iyo soo kabasho qaran Somaliyeed.
Waxa muuqata in magacaabista guddiyadaan aan loo marin wado is qancin iyo wada tashi, ansixintooduna ay u dhacday sidaas si la mid ah. Puntland iyo Jubaland labaduba waa ka horyimadeen Koonfurgalbeedna ma hubo in ay ku qanacsanyihiin.
Marka laga eego muhiimadda shaqada guddiyadaan looga fadhiyo halbeeggooda kowaad waa kalsoonidda cidda ay u garqaadayaan. Guddi cid gaar ah magacaabatay uma garqaadi karaan dad colaadi ka dhaxayso waxna isku haysta. Hadii arrinka dalku sidaas u sahlan yahay sheekaduba halkaas ma soo gaarteen.
Dhanka kale marka aad eegto xukuumadda uu Hasan Shiekh garwadeenka ka yahay, waxaad mooda in ay iska dhaga tirayso xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta dibna aysan u daraasayn marxaladihii la soo maray oo ay joob joog u ahaayeen. Si ula kac ay ayey qas iyo qalaalaso uga abuureen Gobolka Mudug iyada oo si dhab ah u og xasaasiyadda ka jirta.
Tusaale ahaan Galmudug oo loola jeedo Mudug iyo Galguduud, waxaa qalalaaso ula kac ah la dhexdhigaya dad walaalo ah oo daris wanaag ku noola muddo dheer oo dalka nabad la’ani ka jirtay. Hadii loola jeedo Galguduud iyo Koonfurta Mudugna waa sharci darro maadaama dastuurku farayo laba gobol iyo wax ka badan. Bal xujadaas adigu fur!
 Hadii dowladda federalka ay dhab ka tahay wajahidda iyo wax ka qabashada xaalka Mudug waxay u dayn lahayd reer Mudug in ay xallistaan iyaduna ku gacan siiso. Markaa ama Mudug meel bay isku raaci lahayd ama waxa soo bixi lahaa in loo sameeyo maqaam gaar ah sida dunidaba uga dhacda in meelaha qaarkood la siiyo maqaam gaar ah. Mudug inteeda badan waxay wax ka dhisatay Puntland muddo laga joogo 17 sano walina diyaar bay u tahay in ay ka sii mid ahaato.
Marka aad eegto guud ahaan arrimaha kor ku xusan waxa kuu soo baxaysa xil kasnimo la’aanta iyo qar iska tuuridda maamulka Madaxweynane Xasan Sheekh waana mid aan wadanka meella gaynayn.
Dhamaad

Mohamed Abdi


No comments:

Post a Comment