Thursday, July 30, 2015

Hanaanka kala guurka 2016-ka iyo Hardanka saamilayda



Guddoonka golaha wakiiladda dowladda federaliga ah ee Somalia waxaay soo saareen go’an ay isla qaateen sida ku cad qoraalkooda hay’adaha federaliga ah, kaas oo looga dooday go’anna looga gaaray doorashooyinkii ku astaysna in ay dalka ka dhacaan sanada 2016. Go’anka golayaasha dowladdu wuxu ku soo aaday iyadoo maalin ka dib uu shirweyn ka furmay magaalada Xamar. Fur lifaaqaan si aad u hesho go’anka baarlamaanka.  http://somali.raxanreeb.com/2015/07/goaan-ka-soo-baxay-guddoonka-baarlamaanka-soomaaliya-ee-doorashada-2016-ka-akhri/
Madaxweynaha, xukuumadda iyo baarlamaanka midkoodna ma oran dalka doorasho ka dhici mayso balse waxaay ku adkaysteen in aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Iyada oo arrinkani yahay mid dalka muhiimad gaar ah u leh hadana wada tashi iyo munaqisho ku filan lagalama samayn go’amadaan masiiriga ah ciddi ay quseeysay oo dhan, lagumana casumin dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka.
Hadalka wakiilka xoghayaha guud
Dhanka kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay arrimaha Somalia u qaabilsan Nicholas Kay, wuxuu sheegay in ay dalka ka dhacayso doorasho ka duwanaan doonta middii sanadka 2012 dalka ka dhacday. Waxuu carabka ku dhuftay in la isla qiray marna inaysan dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod wuxuuse taa badelkeeda sheegay in nuuc doorasho ah ay dalka ka dhici doonto. Eeg hadalka Kay http://somali.raxanreeb.com/2015/07/nicholas-kay-soomaaliya-waxaa-ka-dhaceysa-2016-ka-doorasho-ka-duwan-midii-2012-dhacday/
Dareenka dowlad goboleedyada
Puntland iyo Jubba land oo labaduba saamiley xoog iyo miisnba ku leh siyaasadda, amniga iyo danaha Somalia midkoodna ma tagin shirka Xamar ka socda xiriirka iyaga oo dowladda federalka ka dhexeeyana wuxuu maraya meeshii ugu hoosaysay. Puntland waxa gaar u ah inay ku dhawaaqday shirweyne looga xaajaysto geedisocodka iyo hanaanka ugu haboon ee dalka doorasho uga dhici karto.  Eeg lifaaqaan si aad u aragto hadalka Puntland arrinkaas ka soo saartay. http://horseedmedia.net/wpcontent/uploads/2015/07/PUNTLAND%E2%80%99S-POSITION-ON-THE-HLPF-MEETING-HELD-IN-MOGADISHU-ON-THE-29-OF-JULY-2015-PDF.pdf  Jubbaland iyana waxay muujisay diidmo taa la mid ah.
Doorashada iyo 2016-ka
Hadaan doorashada u soo laabto, qof walba oo siyaasadda iyo ammaanka Somalia xog ogaal u ah si dhowna ula socda wuu dareen san yahay in aanay doorasho hal qof iyo hal cod (one man one vote) dalka ka dhici karin. Waxa jira noocyo badan oo doorashooyin oo dunidu isticmaasho, waxaase is weydiin leh habka ugu macquulsan ee dhinacyada ay dheeshu ka dhaxayso ku wada qanci karaan, ugu yaraan wax uun wada raali galiya dhinacyadaas dalka uga dhici lahayeen.
Wadooyinka Furan:
1.      In waqtiga loo dheereey baarlamaanka iyo xukuumadda hada shaqeeya si ay dalka u gaarsiiyaan doorasho rasmi ah, taas oo aan mujtamaca inta badan, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka iyo beesha caalamka midna u cuntamayn
2.      In baarlamaanka waqtiga loo kordhiyo ka dibna la doorto madaxweyne asna uu xukuumad soo dhiso. Tan laftigeeda way ka dabacsan tahay tii hore balse iyaduna waxay u egtahay mid aan la aqbali karin.
3.      In la soo xulo ergo ku miisaaman habkii kuwii ansixisay dastuurka ku meel gaarka ah loo soo xulay dabadeedna ay doortaan barlamaan, baarlamaankaas uu doorto madaxweyne, madaxweynuhuna uu xukuumad soo dhiso.
4.      Talada afraad waa in la soo xulo ergo dabadeedna ay iyagu madaxweynaha doortaan.
5.      Waxaa jiri kara habab kale oo aanan meesha ka saari karin.
Dhankii loo dhigaaba iyo mid walba oo qodobadaan la qaataba waxay fulideedu ku xiran tahay hadba sida ay ugu qancaan saami layda siyaasadda Somalia. Sida ay tanaasul dhexdooda ah u sameeyaan iyo sida ay ugu naxaan dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

Dhammaad

No comments:

Post a Comment