Horudha:
22/08/2015 waxa bartamaha magaalada
Galkacyo ka bilowday hawlgal ballaaran oo loogu magacdaray qorshaynta iyo dib u
habaynta magaalada. Waxaa si gaar ah
bartilmaameedku ahaa xaruntii baanka ee gobolka, gurigii gobolka iyo in ay gacanta
dowladda ku soo laabtaan dhammaan xarumihii dowladdii hore kuwaas oo in ka
badan 25 sano ku jiray gacanta shacabka
Waxaan guud ahaan soo dhaweynaya
qorshaha dib u soo celinta bilicda magaalada, furidda waddooyinkii xirmay iyo
bixinta wadooyin cusub oo magaaladu yeelato. Waxaan kale oo aan ku talin lahaa
in magaalada loo sameeyo biyo mareeno si looga baaqsado cudurada iyo nadaafad
darrada ay sababaan biyaha maagalada dhex fariista xilli roobaadka.
Guud ahaan shacabka Galkacyo way soo
dhaweeyeen hal abuurka dowladda wayna u dhega nuglaadeen baaqii ahaa banaynta
xarumahaas, waxayna si hanbalaalaq iyo kala carar leh uga gurteen alaabtoodii
goobihi la duminayey. Sidoo kale waxaa shacabka lagu aamaanay rabitaanka
waxqabad dowli ah oo gobolka ka hirgala iyo martigelintii fiicnayd ee ay u
sameeyeen ergadii ka qeyb gashay shir weynihii dhacay.
Khaladaadka dhacay
Saacado ka dib markuu Madaxweynuhu soo
galay magaalada wuxuu magacaabay saddex guddi oo uu ka midyahay kan uu u
xilsaaray bilicda magaalada iyo hantida dowladda. Run ahaantii guddigu ma ahayn
mid aqoon ahaan iyo khibraad ahaanba isku miisaaman waxaadna mooda in ay
mararka qaarkood lahaayeen ujeedooyin iska hor imaanaya.
Guddigaas aniga oo ku aamanaya
waxyabaha wanaagsan ee ay qabteen hadana waxaa ka mid ahaa khaladaadka ay
galeen:
·
Guddiga
iyo dowladda hoose midkoodna ma soo bandhigin sida ay doonayaan in ay magaalada
wax uga qabtaan, sidoo kale shaqadii dowladda hoose waxa la wareegay xubno guddiga ka mid ah.
·
Guddigu
ma samayn qorshe magaalo (Town plan) kaas wata naqshadii iyo habka ay doonayeen
in ay magaaladu u ekaado hawlgalka ka dib.
·
Guddigu
ma samayn la tashi bulshada gobolka sidoo kalana uma soo bandhigin qorshaha
haduuba jiray iyo sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan
·
Dadka
laga duminayey xarumaha ganacsi ama deegaan lama siin waqti ku filan oo ay ku
baneeyaan ama hantidooda ku uruursadaan
·
Waxaa
la dumiyey xarumo dowladeed oo aysan jirin sabab cad oo loo dumiyey maadaama ay
dhisme ahaan ahaayeen kuwo adag dowladduna siyaabo kale uga faa’iidaysan kartay,
hadii loo baahdana dayactir yar u baahna.
·
Waxa
in badan shacabku ka cabanayaan in la dumiyey ama la calaamadiyey guryo ganacsi
ama deegaan oo leh sharciyad dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bixisay ama ka
hor kuwaas oo aan ku fadhiyin wado, hor ool xarun dowladeed guddiguna sharixi
karin sababta loo dumiyey
·
Waxa
aad u hoosaysa wada shaqaynta ka dhaxaysa guddiga dhexdiisa iyagoo marar badan
ku murma iskuna khilaafa hawlmaalmeedkooda, taasna waxa sabab u ah guddiga oo
aan qorshe guud dejin ee taa badalkeeda ku hawlgala hadba waxa subaxaa horyaal.
·
Waxa
jira xubno si gaar ah uga soo dheereeyey guddiga kuwaas oo mararka qaarkood ka
xoogbadiya guddiga intiisa kale iyo dowladda hoosaba.
·
Mararka
qaarkood go’anka guri lagu duminayo wuxuu ka go’a dhalinta calaamadinaysa
iyagoo isku qabsada calaamadi kan iyo mayee ka daa oo hadii mid ku adkayso
sidaas lagu dumiyo hanti qofeed iyadoo aan sharciyad iyo qurxin magaalo midna
loo eegin.
·
In
aan waxba laga qaban wadooyinkii xirnaa ee ay ahayd horaantiiba in wax laga
qabto, indhihii dowladdana lagu jeediyey meelo aan bilicda iyo wadooyinka midna
wax u dhimayn.
·
Shacabka
oo ka dacwoonayey in aan hab cadaalad ah wax loo wadin iyadoo meelaha qaar ka
hordhisan xarun dowlo ama waddo aan wax laga qaban.
·
Naafooyin
iyo dad jilicsan oo meelihii ay ku noolaayeen dowladdu ka saartay ama dumisay
oo aan wax qorshe ah loo samayn.
Waxayaaba ka dhalan kara:
·
In
kalsoonida shacabku ay dowladdooda ku qabaan dhunto kuwaas oo markii hore si
hididiilo iyo wanaag leh u soo dhaweeyey hawlgalka dowladda
·
In
dad shacab ah oo aan wax lug ah ku lahayn ku habsashada hantida dowladda lagu
xadgudbo hantidoodiina sidaa lagu dumiyo waliba iyagoon waxba kala bixin.
·
In
fashil ku yimaado hawlgalkii dowladda maadaama uusan qorshe fadhiya lahayn
dadka iyo xukuumadduna iska horyimaadaan
·
In
dadka qaarkood ka horyimaadaan hawlkgalka marka ay arkaan in aan guddigu hab
cadaalad ah iyo hab qorshaysan midna wax ku wadin
Gunaanad:
Ugu danbayntii, xukuumadda, dolwadda
hoose iyo guddiga loo xilsaaray dib u qaabaynta magaaladu waxay u baahan yihiin
in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda, sidoo kalana ay ka dhigaan
nidaamkooda mid isku xiran. Waxaa muhiim ah in xaafadaha magaalada iyo guud
ahaan bulshada ku dhaqan magaalada talada wax laga siiyo, sidoo kalana lala
socodsiiyo waxa ay dowladdu ka damacsan tahay xarumaha la banneeyey iyo sababta
loo dumiyey kuwa la dumiyey. Waxa su’alo ka imaanayaan qofwalbana ay tahay inuu
isweydiiyo goobaha la dumiyey ma dib baa loo dhisaya oo shacabka ayaa looga
fa’iidaynaya mise waxa jira qorshayaal kale oo dowladda wali u qarsoon?
Dhammaad
Mohamed Abdi Baldho
No comments:
Post a Comment