Saturday, May 16, 2015

Gobanimadu waa guul


15 dhalin yaro ah, ay yarayd hawl-fududaynta  ay haysteen waxay u istaageen ujeedo weyn wayna ku guulaysteen. Walow dadka ay u adeegayeen ay ahaayeen isku af, diin iyo dhaqan hadana waxaa marwalba jirtay xaraaradda qabyaaladda gumaystuhuuna taas wuu dhiiri gelinyey si uu u qaybiyo dabadeedna u xukumo, iyaguse waa ka gudbeen caqabadaas.

Ma haysan shahaadooyin waaweyn, tignoolagiyadda wax sahasha ma jirin, malahayn gadiidk casriga ah kaas oo u sahla fulinta qorshohooda. Isgaarsiini ma jirin haday jirtana looma ogolayn. Waxay isticmaali jireen xoolaha ilaahay dalkaan ku manaystay sida awrta, dameerada iyo fardaha.

Dadka Somalidu meel walba ha joogaane gacanbaa la siiyoo, waa la sooray, xoolahaa la siiyey garab iyo gaashaanba waa loo noqday. Iyagu qabiil ma lahayn oo meel bay iska dhigeen dadkoodana waa ka waaniyeen.  Waxay wax walba ka hor mariyeen ujeedadoodii  wayna gaareen, waan hellay xornimadii siday ahaydse ugama fa’iidaysan iyagiina uguma abaal gudin.

Hadaba maxaan SYL ka baran karna?

1.      Yeelasho ujeedo weyn iyo gaariddeed
2.      Ku gaarista ujeedadaada hab nabad ah
3.      Midnmo iyo isku tanaasul
4.      Ka hormarin danta guud tan gaarka ah
5.      Is jeclayl iyo isku quurid
6.      Necbaanshaha cadowga Somalida iyo waxyaabo kale oo badan.


Dhalinta manta waxay haystaan dhammaan intii u fududayn lahayd gaaristay haday ujeedo yeeshaan. Waxay leeyihiin aqoon, waxay haystaan isgaarsiin casri ah, waxay haystaan gaadiid waxaase ka maqan hamigii iyo ku dhicidii. Ma jirto gool aan godad ka sokayn waase xallin kartaaye xalli. Aamin naftaada, isku kalsoonow, yeelo hiigsi iyo cid aad ku dayato SYL waxay kuu noqon karta calaamad aad hiigsato.  Waxay ahaayeen koox ku dayasho mudan ee ku dayo.

Gabogabo

Kuma filla SYL oo kale xaflado la qabto 15 ka May. Waxay u baahantahay in la la qoro taariikhdoodii, la baro ubadka lana dhigo maxfadyada qaranka wax loogu kaydiyo. Waan ognahay burburka dalka ku dhacay walina ka jira balse hadii aan hadda la isku dayin goorma ayaa la isu dayin. Waa la jooga waqtigii la isku dayi lahaa.

Mohamed Abdi

No comments:

Post a Comment