Thursday, May 14, 2015

Dadnimadu waa sharaf


Wakiilka xoghaya guud ee Somalia Nicholas Kay wuxuu dhawaan ka dhawaajey macquulnimada ciidan ka socda AMISOM oo Puntladn la geeyo. Walow la oran karo arrimo siyaasadeed kama marna hadalka wakiilku hadana wuxuu cuskaday arrimo ammaan. In ka badan labaatan kun ciidan AMISOM ah ayaa koonfurta Somalia jooga. Waxaa kale oo la sheega in ay dalka joogaan ciidamo aan la cayimin oo ka socda dalal kale oo shisheeye.

Ciidanka intaa le’eg meelaha ay joogan ammaan la isku hallayn karo kuma soo dabaalin. Puntland waxay leedahay ciidan hanan kara ammaanka hadii dib u habayn lagu sameeyo, la qalabeeyo lana siiyo xuquuqda ay mudanyihiin.

Xukuumadda Dr Gaas iyo dadka Puntland si isku mid ah ayey ugu gacan sayreen suurtagalnimada warkaas, waxaase is weydiin leh ujeedad  .ka danbaysa hadalka Kay.

Dad badani waxay aamin sanyihiin in ay jiraan xoogag dowladda federalka ka mid ah, Cabdi Qaybdiid iyo dad fikirka ku raacsan in ay in badan ku taamayeen in Galkacyo la keeno ciidan AMISOM ah. Kooxaasu waxay aaminsan yihiin hadii Galkacyo ciidan AMISOM ah la keeno in ay siyaasaddeeda iyo awoodeeda maamul gacan ku yeelanayaan gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale Konfurta Mudug iyo dowladda Federalkuba waxay aaminsan yihiin in la dhiso wax la yiraahdo Mudug iyo Galguduud. Waxay u muuqataa siyaasadda ka danbaysa AMISOM hala keeno inay hordhac u tahay fiditaanka maamulka dhismi doona oo dadka deegaanada Puntland aanay aqbali doonin.

Hadii la tayeeyo ciidanka Somalida gobolkasta ha joogaane waxaa xaqiiqo ah in ay ka dhiiranyihiin kana waxqabad wanaagsanyihiin kuwa AMISOM. Maxaa loo tayeyn la’yahay ciidanka Somalida si ay u xoojiyaan amniga ka jira meelaha aan AMISOM joogin? waa su'al jawaab u baahan.

Dhawaan Puntland iyo dowladda federalku waxay isla garteen ciidan ilaa saddex kun ah Puntland in loo qoondeeyo  daryeelkoodana federalku la wareego. Waxaa kale oo la isla aqbalay dhismaha ciidan qaran oo dalka oo dhan ka hirgala hawshiisiina way ka bilaabatay Xamar. Hadaba waxaan oran lahaa dadnimadu waxay ku jirta in maamul iyo shacabba iyagu sharafkooda ilaashadaan maankoodana ka saaraan in cid kale qaban doonto wax ay iyagu qaban waayeen.

Mohamed Abdi



No comments:

Post a Comment