Monday, August 31, 2015

Hawlgalka Galkacyo iyo saamaynta uu shacabka ku yeeshay.


Horudha:
22/08/2015 waxa bartamaha magaalada Galkacyo ka bilowday hawlgal ballaaran oo loogu magacdaray qorshaynta iyo dib u habaynta magaalada.  Waxaa si gaar ah bartilmaameedku ahaa xaruntii baanka ee gobolka, gurigii gobolka iyo in ay gacanta dowladda ku soo laabtaan dhammaan xarumihii dowladdii hore kuwaas oo in ka badan 25 sano ku jiray gacanta shacabka


Waxaan guud ahaan soo dhaweynaya qorshaha dib u soo celinta bilicda magaalada, furidda waddooyinkii xirmay iyo bixinta wadooyin cusub oo magaaladu yeelato. Waxaan kale oo aan ku talin lahaa in magaalada loo sameeyo biyo mareeno si looga baaqsado cudurada iyo nadaafad darrada ay sababaan biyaha maagalada dhex fariista xilli roobaadka.
Guud ahaan shacabka Galkacyo way soo dhaweeyeen hal abuurka dowladda wayna u dhega nuglaadeen baaqii ahaa banaynta xarumahaas, waxayna si hanbalaalaq iyo kala carar leh uga gurteen alaabtoodii goobihi la duminayey. Sidoo kale waxaa shacabka lagu aamaanay rabitaanka waxqabad dowli ah oo gobolka ka hirgala iyo martigelintii fiicnayd ee ay u sameeyeen ergadii ka qeyb gashay shir weynihii dhacay.
Khaladaadka dhacay
Saacado ka dib markuu Madaxweynuhu soo galay magaalada wuxuu magacaabay saddex guddi oo uu ka midyahay kan uu u xilsaaray bilicda magaalada iyo hantida dowladda. Run ahaantii guddigu ma ahayn mid aqoon ahaan iyo khibraad ahaanba isku miisaaman waxaadna mooda in ay mararka qaarkood lahaayeen ujeedooyin iska hor imaanaya.
Guddigaas aniga oo ku aamanaya waxyabaha wanaagsan ee ay qabteen hadana waxaa ka mid ahaa khaladaadka ay galeen:
·        Guddiga iyo dowladda hoose midkoodna ma soo bandhigin sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan, sidoo kale shaqadii dowladda hoose waxa  la wareegay xubno guddiga ka mid ah.

·        Guddigu ma samayn qorshe magaalo (Town plan) kaas wata naqshadii iyo habka ay doonayeen in ay magaaladu u ekaado hawlgalka ka dib.
·        Guddigu ma samayn la tashi bulshada gobolka sidoo kalana uma soo bandhigin qorshaha haduuba jiray iyo sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan
·        Dadka laga duminayey xarumaha ganacsi ama deegaan lama siin waqti ku filan oo ay ku baneeyaan ama hantidooda ku uruursadaan
·        Waxaa la dumiyey xarumo dowladeed oo aysan jirin sabab cad oo loo dumiyey maadaama ay dhisme ahaan ahaayeen kuwo adag dowladduna siyaabo kale uga faa’iidaysan kartay, hadii loo baahdana dayactir yar u baahna.
·        Waxa in badan shacabku ka cabanayaan in la dumiyey ama la calaamadiyey guryo ganacsi ama deegaan oo leh sharciyad dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bixisay ama ka hor kuwaas oo aan ku fadhiyin wado, hor ool xarun dowladeed guddiguna sharixi karin sababta loo dumiyey
·        Waxa aad u hoosaysa wada shaqaynta ka dhaxaysa guddiga dhexdiisa iyagoo marar badan ku murma iskuna khilaafa hawlmaalmeedkooda, taasna waxa sabab u ah guddiga oo aan qorshe guud dejin ee taa badalkeeda ku hawlgala hadba waxa subaxaa horyaal.
·        Waxa jira xubno si gaar ah uga soo dheereeyey guddiga kuwaas oo mararka qaarkood ka xoogbadiya guddiga intiisa kale iyo dowladda hoosaba.
·        Mararka qaarkood go’anka guri lagu duminayo wuxuu ka go’a dhalinta calaamadinaysa iyagoo isku qabsada calaamadi kan iyo mayee ka daa oo hadii mid ku adkayso sidaas lagu dumiyo hanti qofeed iyadoo aan sharciyad iyo qurxin magaalo midna loo eegin.
·        In aan waxba laga qaban wadooyinkii xirnaa ee ay ahayd horaantiiba in wax laga qabto, indhihii dowladdana lagu jeediyey meelo aan bilicda iyo wadooyinka midna wax u dhimayn.
·        Shacabka oo ka dacwoonayey in aan hab cadaalad ah wax loo wadin iyadoo meelaha qaar ka hordhisan xarun dowlo ama waddo aan wax laga qaban.
·        Naafooyin iyo dad jilicsan oo meelihii ay ku noolaayeen dowladdu ka saartay ama dumisay oo aan wax qorshe ah loo samayn.

Waxayaaba ka dhalan kara:


·        In kalsoonida shacabku ay dowladdooda ku qabaan dhunto kuwaas oo markii hore si hididiilo iyo wanaag leh u soo dhaweeyey hawlgalka dowladda
·        In dad shacab ah oo aan wax lug ah ku lahayn ku habsashada hantida dowladda lagu xadgudbo hantidoodiina sidaa lagu dumiyo waliba iyagoon waxba kala bixin.
·        In fashil ku yimaado hawlgalkii dowladda maadaama uusan qorshe fadhiya lahayn dadka iyo xukuumadduna iska horyimaadaan
·        In dadka qaarkood ka horyimaadaan hawlkgalka marka ay arkaan in aan guddigu hab cadaalad ah iyo hab qorshaysan midna wax ku wadin

Gunaanad:
Ugu danbayntii, xukuumadda, dolwadda hoose iyo guddiga loo xilsaaray dib u qaabaynta magaaladu waxay u baahan yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda, sidoo kalana ay ka dhigaan nidaamkooda mid isku xiran. Waxaa muhiim ah in xaafadaha magaalada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada talada wax laga siiyo, sidoo kalana lala socodsiiyo waxa ay dowladdu ka damacsan tahay xarumaha la banneeyey iyo sababta loo dumiyey kuwa la dumiyey. Waxa su’alo ka imaanayaan qofwalbana ay tahay inuu isweydiiyo goobaha la dumiyey ma dib baa loo dhisaya oo shacabka ayaa looga fa’iidaynaya mise waxa jira qorshayaal kale oo dowladda wali u qarsoon?

Dhammaad
Mohamed Abdi Baldho