Friday, February 10, 2017

Guushii Farmajo


Somalia waxay dooratay Madaxweyne cusub, Mohamed Abdullahi Farmajo. Ma ahan markii ugu horaysay ee Farmajo uu ka soo dhex muuqdo saaxada siyaasadda Somalia, waxay ahayd markii Ra’iisal wasaare loo magacaabay sanadkii 2010 kii.
Intii Farmajo uu Ra’iisal wasaaraha ahaa oo ahayd mudd kooban wuxuu soo dhisay xukuumad kooban oo lagu tilmaamo in ay ahayd mid tayo wanaagsan. Wuxuu noqday Ra’iisal wasaare la soo baxay siyaasad cusub oo u muuqatay inay tahay mid wadaninimo (Nationalist policy), wuxuu si weyn uga hor yimid nidaamkii 4.5 asaga oo muujiyey inaanu nidaamkaas u qalmin dadka Somalida, sidoo kale wuxuu  muujiyey in siyaasadaha ay dowladaha dariska ah Somaia kula dhaqmaan aanay ahayn mid u cuntanta. Farmaajo wuxuu cod dheer ku sheegay inuu beesha caalamka kula xisaabtamayo dhaqaalaha magaca Somalia lagu bixiyo iyo sida loo maamulo. Wuxuu amray ha’adaha caalamiga ah iyo Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa inay usoo guuraan dalka gudihiisa. Waxay tahay in la sheego in ururka Al-shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho intii uu Farmaajo Ra’iisal wasaaraha ahaa taas oo u ahayd guul uu ku faano xilligi ololaha doorashadiisa.
Heeshiiskii Kampala
2011 kii heshiis ka dhacay Kampala, dalka Uganda, kaas oo lagu soo ebyey nidaamkii tubta kumeel gaarka (Road map) Somalia looga saarayey, xukuumaddiina waqti loogu kordhiyey, ayaa si lama filaan ah looga taqalusay mudane Farmajo. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhawaa Farmajo,  markii hore waa diiday inuu heshiiskaas aqbalo, balse culays ka yimid urur goboleedka IGAD ayaa meesha looga saaray. Eryiddaas farmaajo wuxuu ku kasbaday kalsooni badan oo shacbiyadeed iyada oo magaalada Xamar laga mudahaaraaday taageero weyna loo muujiyey. Doorashadii 2012kii, Farmaajo wuxuu u tartamay xilka Madaxweynaha Somalia kumase guulaysan isaga oo kaalin aad u hoosaysa galay.
Guushii Farmaajo
Iyadoo maskaxda lagu hayo dedaalo dhawr ah oo lagu aamaanay xukuumaddiisii xilligi yaraa ee uu Ra’iisal wasaaraha ahaa, qaabkii xilka looga qaaday oo aanay shacabka Somalida badankiisu ku qancin, faragelintii dowladaha darisku ay ku sameeyeen doorashada iyo hab dhaqankii maamul goboleedyada oo aan la jeclaysan, Musuq maasuqii xukuumadihii dalka soo maray oo laga daalay iyo iyaga  oo ku guul daraystay in ay amniga wax ka qabtaaan, waxay u sahashey Farmaajo inuu si lama filaan ah ku guulaysto noqdana madaxweyne loo hanweyn yahay.
Dabaal daggii
Dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Somalia waxaa looga dabaal degay si aan wali loo arag oo ku cusub saaxadda siyaasadda ee dalka. Waxaa si laabyleh looga dabaal dagay magaalada Xamar iyadoo ciidamadii ammaanka iyo dadweynihii ay iska ilaalin jireen is dhex galeen iyagoo la fuulay gadiidkii ciidanka. Somalida ku nool dalalka dibadda ayaa iyaguna si weyn u dabaal degay.
Maxaa laga baran kara doorashadaan
Walow doorashadaan ay lahayd tilmaamo cusub oo u gaar ah, hadana shacabka Soomaaliyeed, waxay culays ku saareen baarlamankii ay soo doorteen in ay sameeyaan is bedel siyaasadeed. Doorashadaan waxay muujisay;
·      In Somalidu dowlad u baahantahay.
·      In aan reer loo eegin qofka dadku dantooda ka dhex arkaan.
·      Waxay dowladaha darisku barteen in Somalia wali noshahay oo damiir u harsan yahay cidda ay iyagu rabaana dooran karaan.
·      Waxaa si wanaagsan loo bartay in lacag la bixiyo qofkii aan la doonayn aanay waxba ka dhigi karin.
·      Waxay dad badan oo Somali ah gaar ahaan dhalinta dareemeen rajo Somalinimo iyo in qaranimadoodii dib u soo laaban karto.
Maxaa laga filaya Madaxweynaha cusub
Farmajo looma dooran xafiiska aqalka cad ee Maraykanka ama dowladaha horay u maray, ee waxaa loo doortay xafiis dal ay daashadeen dagaalo sookeeye, urur diimeedyo ku xiran aragti shisheeye, tahriib dhalin yaradii dalku ku dhammaadeen, musuqmaasuq meel walba halakeeyey, abaaro ku dhuftay goboladii dalka kuwaas oo dad iyo duunyaba wax yeeleeyey. Dowlado shisheeyo oo ay ugu horeeyaan kuwa dariska ah oo dano gaar ah oo kala duwan Somalia ka leh. Ugu yaraan Madaxweynaha waxaa laga filaya inuu wajaho dhammaan qodobadaas kor ku xusan ugana jawaabo sida ugu macqoolsan ee mid walba u gaar ah.

Ugu danbayntii hawsha ugu culus ee madaxweynaha cusub hortaal, waa siduu u maamuli lahaa rajada iyo filayashada dadka oo aad u sarayso, taas oo dhanka kale caqab noqon karta hadii aanu sida ugu macquulsan u wajihin.

Dhammaad.

Mohamed Abdi Baldho