Somalia waxay
dooratay Madaxweyne cusub, Mohamed Abdullahi Farmajo. Ma ahan markii ugu
horaysay ee Farmajo uu ka soo dhex muuqdo saaxada siyaasadda Somalia, waxay
ahayd markii Ra’iisal wasaare loo magacaabay sanadkii 2010 kii.
Intii Farmajo uu
Ra’iisal wasaaraha ahaa oo ahayd mudd kooban wuxuu soo dhisay xukuumad kooban
oo lagu tilmaamo in ay ahayd mid tayo wanaagsan. Wuxuu noqday Ra’iisal wasaare la
soo baxay siyaasad cusub oo u muuqatay inay tahay mid wadaninimo (Nationalist policy),
wuxuu si weyn uga hor yimid nidaamkii 4.5 asaga oo muujiyey inaanu nidaamkaas u
qalmin dadka Somalida, sidoo kale wuxuu muujiyey in siyaasadaha ay dowladaha dariska
ah Somaia kula dhaqmaan aanay ahayn mid u cuntanta. Farmaajo wuxuu cod dheer ku
sheegay inuu beesha caalamka kula xisaabtamayo dhaqaalaha magaca Somalia lagu bixiyo
iyo sida loo maamulo. Wuxuu amray ha’adaha caalamiga ah iyo Jimciyadda
quruumaha ka dhaxaysa inay usoo guuraan dalka gudihiisa. Waxay tahay in la
sheego in ururka Al-shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho intii uu Farmaajo
Ra’iisal wasaaraha ahaa taas oo u ahayd guul uu ku faano xilligi ololaha
doorashadiisa.
Heeshiiskii Kampala
2011 kii heshiis
ka dhacay Kampala, dalka Uganda, kaas oo lagu soo ebyey nidaamkii tubta kumeel
gaarka (Road map) Somalia looga saarayey, xukuumaddiina waqti loogu kordhiyey,
ayaa si lama filaan ah looga taqalusay mudane Farmajo. Sida ay xaqiijiyeen ilo
wareedyo ku dhawaa Farmajo, markii hore
waa diiday inuu heshiiskaas aqbalo, balse culays ka yimid urur goboleedka IGAD
ayaa meesha looga saaray. Eryiddaas farmaajo wuxuu ku kasbaday kalsooni badan
oo shacbiyadeed iyada oo magaalada Xamar laga mudahaaraaday taageero weyna loo
muujiyey. Doorashadii 2012kii, Farmaajo wuxuu u tartamay xilka Madaxweynaha
Somalia kumase guulaysan isaga oo kaalin aad u hoosaysa galay.
Guushii Farmaajo
Iyadoo maskaxda
lagu hayo dedaalo dhawr ah oo lagu aamaanay xukuumaddiisii xilligi yaraa ee uu Ra’iisal
wasaaraha ahaa, qaabkii xilka looga qaaday oo aanay shacabka Somalida
badankiisu ku qancin, faragelintii dowladaha darisku ay ku sameeyeen doorashada
iyo hab dhaqankii maamul goboleedyada oo aan la jeclaysan, Musuq maasuqii
xukuumadihii dalka soo maray oo laga daalay iyo iyaga oo ku guul daraystay in ay amniga wax ka
qabtaaan, waxay u sahashey Farmaajo inuu si lama filaan ah ku guulaysto noqdana
madaxweyne loo hanweyn yahay.
Dabaal daggii
Dhammaan
magaalooyinka waaweyn ee Somalia waxaa looga dabaal degay si aan wali loo arag
oo ku cusub saaxadda siyaasadda ee dalka. Waxaa si laabyleh looga dabaal dagay
magaalada Xamar iyadoo ciidamadii ammaanka iyo dadweynihii ay iska ilaalin jireen
is dhex galeen iyagoo la fuulay gadiidkii ciidanka. Somalida ku nool dalalka
dibadda ayaa iyaguna si weyn u dabaal degay.
Maxaa laga baran kara doorashadaan
Walow
doorashadaan ay lahayd tilmaamo cusub oo u gaar ah, hadana shacabka Soomaaliyeed,
waxay culays ku saareen baarlamankii ay soo doorteen in ay sameeyaan is bedel
siyaasadeed. Doorashadaan waxay muujisay;
·
In Somalidu dowlad u baahantahay.
·
In aan reer loo eegin qofka dadku dantooda ka
dhex arkaan.
·
Waxay dowladaha darisku barteen in Somalia wali
noshahay oo damiir u harsan yahay cidda ay iyagu rabaana dooran karaan.
·
Waxaa si wanaagsan loo bartay in lacag la bixiyo
qofkii aan la doonayn aanay waxba ka dhigi karin.
·
Waxay dad badan oo Somali ah gaar ahaan dhalinta
dareemeen rajo Somalinimo iyo in qaranimadoodii dib u soo laaban karto.
Maxaa laga filaya Madaxweynaha cusub
Farmajo looma
dooran xafiiska aqalka cad ee Maraykanka ama dowladaha horay u maray, ee waxaa
loo doortay xafiis dal ay daashadeen dagaalo sookeeye, urur diimeedyo ku xiran
aragti shisheeye, tahriib dhalin yaradii dalku ku dhammaadeen, musuqmaasuq meel
walba halakeeyey, abaaro ku dhuftay goboladii dalka kuwaas oo dad iyo duunyaba wax
yeeleeyey. Dowlado shisheeyo oo ay ugu horeeyaan kuwa dariska ah oo dano gaar
ah oo kala duwan Somalia ka leh. Ugu yaraan Madaxweynaha waxaa laga filaya inuu
wajaho dhammaan qodobadaas kor ku xusan ugana jawaabo sida ugu macqoolsan ee
mid walba u gaar ah.
Ugu danbayntii
hawsha ugu culus ee madaxweynaha cusub hortaal, waa siduu u maamuli lahaa
rajada iyo filayashada dadka oo aad u sarayso, taas oo dhanka kale caqab noqon
karta hadii aanu sida ugu macquulsan u wajihin.
Dhammaad.
Mohamed Abdi
Baldho
No comments:
Post a Comment