Wednesday, October 18, 2017

Waa Maxay dowlad?



Dowlad waa koox dad ah oo si rasmiya oo awoodi ku dheehantahay u maamula, dal, state ama gobol,qorshaynta, hagidda iyo fulinta hawlaha dowladdaana gaar la noqday.


Dowlad goboleedyadu ma dowladba?

Haa, dowlad goboleedyadu waa dowlad, oo waxay hayaan shaqadii dowladda, waxayna ku sifoobeen dhammaan tilmaamaha ay leedahay dowladi marka laga reebo madaxbanaani.

Ma loogu yeeri kara dowlad?

Haa, dhammaan wadamada qaatay hanaanka federalku waxay isticmaalaan magaca dowlad. Riix https://en.wikipedia.org/wiki/State_governments_of_the_United_States ama http://www.ap.gov.in ama https://timesofindia.indiatimes.com/topic/Government-of-Maharashtra-GR

Wadamada Federalka qaatay waxay ku kala gedisan yihiin magaca loogu yeero masuulka dowladdaas ugu sareeya: Sida India Chief Minister, Maraykan iyo Kenya Gudoomiye (Governor), Ethiopia iyo Somalia Madaxweyne (President) iyo qaar kaloo badan. Ogow in jaamacado badan masuuliyiintooda loogu yeero Madaxweyne.

Maxaa ku qoran dastuurka ku meel gaarka ah ee Somalia?

Waxaa ku qoran dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka.

Sidaas daradeed, waxba minco kuma fadhido dadka ku doodaya Puntland dowlad ma ahan. Hadii aanay Puntland dowlad ahayn maxaad ugu yeeri lahayd oo kale? Xata hadii aad tiraahdo dowlad goboleed, wali waxaad isticmaalaysa dowlad, gobola wuxuu leeyahay micnayaal badan.

Si aad uga bogoto nidaamka federalka fadlan akhri qoraalkaan. https://horseedmedia.net/2017/10/11/soomaaliya-iyo-federaalka-waa-maxay-federaal-maqaal/


Mohamed Baldho

Friday, October 13, 2017

Dekedda Bosaso iyo P&O



Dekedda Bosaso
Dekedda Bosaso waa halbowlaha dhaqaalaha Puntland. Waxa ka fa’iidaysta shucuub farabadan sida gobolada dhexe, koonfurta Somalia iyo bariga Ethiopia. Dekedda Bosaso waxaa la dhisay sideetamaadkii, wixii dhismeheeda ka danbeeyeyna ma helin dayactir weyn iyo dib u qaabayn lagu sameeyo, si ay u noqoto mid daboosha baahida weyn ee loo qabo. Dekedda Bosaso waxay ku taal goob strategic oo aad muhiim ugu ah gadiidka badda. Waxay kulmisa, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suez.

Heeshiiska P&O
Lixdii April 2017 xukuumadda Puntland waxay heshiis la gashay shirkadda dekedaha maamusha ee laga leeyahay dalka isku tagga imaaraadka Carabta oo magaceeda la yiraahdo P&O Ports. Eeg horseedmedia

Maxay tahay shirkadda dekedda la wareegtay?
P&O Ports waxaa iska leh dowladda imaaradda Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka Carabta. Sida lagu sheegay bogga shirkaddu leedahay, waxay samaysa maalgelin iyo adeegyo gaar ah. Adeegyada ay shirkaddu bixiso waxaa ka mida maalgelinta dekedaha, adeegyada dekedaha la xiriira, nidaamka containerka, kala wareejinta badeecadaha iyo dejinta iyo xanaanaynta badeecadaha kala gooshaya.

Muxuu ku saabsan yahay heeshiisku?
 Sida aan ka soo xigtay bogga shirkaddu internetka ku leedahay, waxay shirkaddu ku guulaystay heeshiis ku siman muddo 30 sano ah oo ay kala saxiixdeen Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Abdiweli Mohamed Ali iyo Maamulaha Shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxaana xafladda saxiixa lagu qabtay magaalada Dubai. Eeg bogga Shirkadda

Dhismaha mashruucu wuxuu noqon doona dhismaha 450m oo ah meesha ay maraakiibtu ku xirtaan, 12m oo hoos u qodan iyo 5 hectare oo kayd ah. Waxaa maalgelin iyo casriyeyn lagu samaynaya sida heshiisku dhigayo qaybta ITda iyo saldhigga maamulka iyo fududaynta adeegyada dekedda. Waxay shirkaddu sheegaysa in danyarta dekedda ku dhex nool loo samayn doono dibuh dejin hadiiba ay dhacdo in goobta laga raro.

Fa’iidooyinka heshiiska.
Marka laga yimaado shaqo abuurka tooska ah ee mashruuca laga helay, waxaa fa’iidooyinka ka mida:
1.    Shaqo abuur guud oo Bosaso iyo gobolka oo dhan ah.
2.    Ceelal biyood mashruucu qodayo oo dadka iyo duunyaduba ka helayaan  biyo nadiif ah.
3.    Adeegga caafimaadka guurguura
4.    Abuuris Warshado kaluunka diyaarsan dhoofiya (Fish processing factories)
5.    Abuurid goobo adeeg wax kala gudbin (Free Zone)
6.    Diyaarin adeeg daryeel bulsho.


Gabagabo
Hadii sida ku cad bogga ay shirkaddu leedahay ama xukuumadda Puntland ay shacabka u sheegtay xaalku ku dhammaado, mashruucaan wuxuu fa’iido weyn u yeelan doona horumarinta iyo isku filaanshaha ganacsiga shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Somalida ee ku xiran adeegyada dekeddu bixiso. Waxy dekeddu awood u yeelanaysa in ay marti geliso ganacsi balaaran, maraakiib waaweyn iyo systemka container ka. Ganacsatada Puntland oo in badan cabasho ka muujiyed xukuumadihii kala duwanaana ku eedeeyey inaanay dekedda waxba ka qaban, waxay ka raysan doonaan ku tiirsanaanta dekedo kale.


Mohamed Abdi Baldho
Email: baldho@gmail.com  Twitter: @m_baldho Skype: mbaldho