Dekedda Bosaso
Dekedda
Bosaso waa halbowlaha dhaqaalaha Puntland. Waxa ka fa’iidaysta shucuub
farabadan sida gobolada dhexe, koonfurta Somalia iyo bariga Ethiopia. Dekedda
Bosaso waxaa la dhisay sideetamaadkii, wixii dhismeheeda ka danbeeyeyna ma
helin dayactir weyn iyo dib u qaabayn lagu sameeyo, si ay u noqoto mid daboosha
baahida weyn ee loo qabo. Dekedda Bosaso waxay ku taal goob strategic oo aad
muhiim ugu ah gadiidka badda. Waxay kulmisa, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo
Kanaalka Suez.
Heeshiiska P&O
Lixdii
April 2017 xukuumadda Puntland waxay heshiis la gashay shirkadda dekedaha
maamusha ee laga leeyahay dalka isku tagga imaaraadka Carabta oo magaceeda la
yiraahdo P&O Ports. Eeg
horseedmedia
Maxay tahay shirkadda dekedda la
wareegtay?
P&O
Ports waxaa iska leh dowladda imaaradda Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka
Carabta. Sida lagu sheegay bogga shirkaddu leedahay, waxay samaysa maalgelin
iyo adeegyo gaar ah. Adeegyada ay shirkaddu bixiso waxaa ka mida maalgelinta
dekedaha, adeegyada dekedaha la xiriira, nidaamka containerka, kala wareejinta
badeecadaha iyo dejinta iyo xanaanaynta badeecadaha kala gooshaya.
Muxuu ku saabsan yahay heeshiisku?
Sida aan ka soo xigtay bogga shirkaddu
internetka ku leedahay, waxay shirkaddu ku guulaystay heeshiis ku siman muddo
30 sano ah oo ay kala saxiixdeen Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Abdiweli
Mohamed Ali iyo Maamulaha Shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxaana xafladda
saxiixa lagu qabtay magaalada Dubai. Eeg bogga Shirkadda
Dhismaha
mashruucu wuxuu noqon doona dhismaha 450m oo ah meesha ay maraakiibtu ku
xirtaan, 12m oo hoos u qodan iyo 5 hectare oo kayd ah. Waxaa maalgelin iyo
casriyeyn lagu samaynaya sida heshiisku dhigayo qaybta ITda iyo saldhigga
maamulka iyo fududaynta adeegyada dekedda. Waxay shirkaddu sheegaysa in
danyarta dekedda ku dhex nool loo samayn doono dibuh dejin hadiiba ay dhacdo in
goobta laga raro.
Fa’iidooyinka heshiiska.
Marka
laga yimaado shaqo abuurka tooska ah ee mashruuca laga helay, waxaa
fa’iidooyinka ka mida:
1. Shaqo abuur guud oo Bosaso iyo gobolka oo dhan ah.
2. Ceelal biyood mashruucu qodayo oo dadka iyo duunyaduba
ka helayaan biyo nadiif ah.
3. Adeegga caafimaadka guurguura
4. Abuuris Warshado kaluunka diyaarsan dhoofiya (Fish
processing factories)
5. Abuurid goobo adeeg wax kala gudbin (Free Zone)
6. Diyaarin adeeg daryeel bulsho.
Gabagabo
Hadii
sida ku cad bogga ay shirkaddu leedahay ama xukuumadda Puntland ay shacabka u
sheegtay xaalku ku dhammaado, mashruucaan wuxuu fa’iido weyn u yeelan doona
horumarinta iyo isku filaanshaha ganacsiga shacabka Puntland iyo guud ahaan
kuwa Somalida ee ku xiran adeegyada dekeddu bixiso. Waxy dekeddu awood u
yeelanaysa in ay marti geliso ganacsi balaaran, maraakiib waaweyn iyo systemka
container ka. Ganacsatada Puntland oo in badan cabasho ka muujiyed xukuumadihii
kala duwanaana ku eedeeyey inaanay dekedda waxba ka qaban, waxay ka raysan
doonaan ku tiirsanaanta dekedo kale.
No comments:
Post a Comment