Monday, August 17, 2020

ARAGTI LA’AANTU WAA ILA MEERAYSO.


Hogaamiyuhu waa inuu yahay mid aragti leh. Aragtidiisu waa in ay tahay mid cad oo aan mugdi ku jirin. Waa in uu aragtidiisa dadka ka soo horjeeda iyo kuwa raacsanba ka iibin karaa. Aragtidaasu waa in ay ku qotontaa mabaadii. Mabadii’du waa inay yihiin kuwo masaalixda ummadda ku dhisan. Hogaamiyuhu waa inuu aratidaas mabaadiida ku dhisan ummadda ku hagaa.

Hadii aadan aragti lahayn hogaamiye ma tihid. Hadii aadan hogaamiye ahayn dawgu kuuma cadda, hadii aan dariiqu kuu caddayn ma taqaanid meel aad dadka u dareeriso. Hadii aadan labadaas midna hayn (Vision and Principle) waxaan shaki ku jirin inaad dawga seegayso xaaladdaaduna ila meerayso ku soo idlaanayso.

Aragtida ka sokow, hogaamiyuhu waa inuu yahay mid saamayn leh. Waa inuu taageerayaashiisa ku qancin karaa inay u raacaan meesha uu u socdo iyo barwaaqada ay kala kulmayaan. Hadii aadan labadaas midna hayn (Purpose and influence), waxaa hubaal ah inaad kaligaa is arkayso oo wax ku raaca aadan helayn.

John C. Maxwell oo ah qoraa iyo tababare hogaaminte ah wuxuu ku doodayaa: ‘The true Measure of Leadership is Influence–Nothing more Nothing less.’ Miisaanka dhabta ah ee Hogaamintu waa saamayn. Kamana yara kamana badna. Waa xaqiiq. Hadaan hogaamiyhu dadka uu madaxda u yahay iyo kuwa wax kala dhexeeyaan aanu mowqif kiisa ka iibin karin hogaamiye ma ahan.

Mar kale, hogaaminta iyo xilku isku mid ma ahan (Leadership and position are two different things). Qof kasta xil waa qaban karaa lakiin qof kasta hogaaamiye ma noqon karo hadaanu hogaamiye ahayn. Waa halkaa meesha ay ka guntanto.

Waxaan u baahanahay hogaamiye aragti leh, hogaamiye aragtidiisu mabda’ ku dhisan tahay iyo hogaamiye aragtidaas mabda’a ku dhisan dadka ku hagi kara.

Hadii la waayo hogaamiye noocaas ah dadku waxay u kala baxayaan kuwa hogaamiyahaas xun u raacaa meeshii uu ula bayro iyo kuwo ku diida, ka hara oo ka niyad jaba. Ugu danbayntii waxaa la isla soo ag fariisanayaa guul darro iyo kacmo maran.

Mohamed Baldho

 


 

Sunday, August 2, 2020

DHISMIHII PUNTLAND 22 SANO KA DIB: MAXAA LA GAARAY MAXAASE LAGA GAABIYEY.

DHISMIHII PUNTLAND 22 SANO KA DIB: MAXAA LA GAARAY MAXAASE LAGA GAABIYEY.

Maalin Axad ah, bishii Augus, sanadkii 1998, waa  markii ay rumowday riyadii dhismaha dowlad xubin ka noqon doonta dowlad federal ah oo Somalia ka dhalan doonta waana markii uu soo idlaaday hannaankii iyo habsami-u-socodkii dhismaha dowladda  aad maanta arkaysaan  ee Puntland State of Somalia. Berri oo ku beegan 1da August, waxaa la xusi doonaa 22 sano guuradii ka soo wareegtay maalintaas xasuusta mudan.

Si jiilasha mustaqbalku u ogaadaan inta aan sida dhow xaaladda Puntland ula soconna ay ugu caddaato, waxaan halkaan in yar dul istaagi doonaa geedi socodkii dowladnimada Puntland waxa laga  gaaray iyo waxa laga gaabiyey.

Maxaa la gaaray?

Puntland waxay noqotay dowlad  dhammaystiran oo leh dhammaan hay’adihii dowlad lahaan jirtay. Marka laga reebo saddexda gacmood  ee dowladda, sida fulinta, xeer dajinta iyo caddaaladda oo markiiba tallaabsaday, hadana waxaa dhismay hay’adihii kale ee dowliga ahaa. Waxaa la dhisay ciidankii booliiska oo aan dadka Puntland arag muddo sideed sanadood ah, waxaa la yagleelay ciidankii daraawiishta, waxaana la  sugay amnigii  deegaanada Puntland. Waxaa la dhisay caddaaladdii iyo maxkamadihii oo ay ku jiraan kuwii shacabka iyo kuwii ciidamada qalabka sida. Waxaa dib u habayn iyo soo noolayn lagu sameeyey saldhigyadii booliska, xabsiyadii danbiilayaasha lagu xiri jiray iyo ciidankii asluubta ee u xilsaarnaa haynta iyo ilaalinta maxaabiista. Waxaa la abuuray ciidankii la dagaalanka kooxii xaalufiyey badda deeganada Puntland isla markaasna ku daadin jiray haraaga sunta iyo qashinka la iska soo fogeeyo. 

Waxaa la hirgeliyey hay’adihii canshuurta  waxaa dib  loo camiray bangiyadii laga guuray waxaana la abuuray hay’addii shaqaalaha rayidka ah. Waxaa si joogta ah loo bilaabay bixinta mushaarooyinka iyo adeegyada shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan ee Puntland. Waxaa la banneeyey guryihii dowladda ee dadkii soo qaxay hoyga u noqday, waxaa la burburiyey goobihii dowladda ee sharci darrada lagu dhistay iyo wadooyinkii la xirtay.

Puntland waxay ka hirgashay guud ahaan shanti gobol ee Puntland lagu dhisay, degmooyinkoodii iyo degmadii Buuhoodleh. Puntland waxaa laga hirgeliyey maamulkii gobolada iyo kii degmooyinka oo lixdii bilood ee ugu horreeyseyba hanaqaaday. Puntland waxay noqotay dowlad shaqaynaysa, leh hay’ado garsoor, bixisa mushaar joogto ah, waxaana la bilaabay raadinta dowlad Soomaaliyeed oo federal ah. 

Ugu danbayntii Puntland waxay ku guulaysatay inay hormuud u  noqoto dowlad mar kale Somalia dib uga dhalata, taas oo fariisata kuna shaqaysa madaxdooyadii Somalia. Dhammaan qodobada aan kor ku soo xusay, waxaa la gaaray shantii sano ee ugu horraysay jiritaanka dowladnimada Puntland.

Puntland horay ayey u sii socotay. Waxaa  la sii xoojiyey hay’adihii dowladda ee curdanka ahaa, waxaana la qabyo tiray intii wax ka dhimanaayeen. Waxaa dib u habayn lagu sameeyey dastuurkii Puntland waxaana loo qaaday afti ergo dadweyne. Puntland waxaa  ka hirgalay nidaamka dimuqraadiyadda waxayna maanta joogtaa inuu hogaaminayo madaxweynihii 6aad ee ay yeelato.

Puntland waxaa ka hirgalay horumar laga sameeyey dhanka kaabayaasha dhaqaalaha, iyada oo ay ka hirgaleen labo garoon diyaaradeed oo caalami ah iminkana ay socoto dekeddii  labaad ee abid ka hirgasha deeganada Puntland. Waxaa Puntland si qumman uga hirgalay nidaamka UN Joint Programme on Local Governance ee loo yaqaan JPLG oo ka shaqeeya nidaaminta iyo horumarinta magaalooyinka waaweyn iyo qebyo ka mida degmooyinka laamiga ka durugsan. Waxaa si weyn u dhismay magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland iyaga oo ka fa’iidaystay nabadda iyo dowladnimada ku dhisan hannaanka hoos ka dhis kor u dhis ee Puntland ka hirgalay.

Puntland waxaa ka dhismay isbitaalo waaweyn oo isugu jira kuwa dowladdu gacanta ku hayso iyo kuwo si gaar ah loo  leeyahay. Waxaa si weyn kor ugu kacay nidaamka waxbarashada Puntland iyadoo Somalia inteeda kale tusaale u noqotay. Sanad walba iskuulada hoose/dhexe iyo sare waxaa ka soo baxa tobanaan kun oo  arday.  Waxaa Puntland ka hirgalay jaamacado waaweyn oo 10 kor u dhaafaya, kuwaas oo tartan  xooggan kula jira jaamacadaha dunida soo koraysa.

Puntland waxay yeelatay shirkado isgaarsiineed kuwooda caalamka ugu fiican iyada oo laga helo adeegyo lagu kaaftoomay kuwaas oo isugu jira adeegyo dhanka telefoonada gacanta ah iyo internet xawaarihiisu sarreeyo. Puntland waxaa ka hirgalay shirkado biyo galineed iyo kuwo korantada dhaliya iyadoo wax weyn ka bedelay noloshii dadweynaha iyo baahiyihii  ka jiray deegaanadii gaariwaaga loo yaqaanay. 

Waxaa Puntland dhexdeeda si weyn u kobcay dhaqaalihii kaalinta dhexe waxaana abuurmay shaqooyin lagala soo baxo nolol  maalmeedka. Waxaa la gaaray horumar weyn oo shacabka Puntland ay hormuud u yihiin.

Maxaa la gaabiyey?

Walow ay jiraan duruufo adag oo guud ahaan dalka Somalia soo wajahay, Puntlandna ay duruufahaas saamigeeda ka qaadatay, hadana Puntland ma gaarin himiladii loo dhisay iyo hankii weynaa ee loo qabay. Badi horumarada aan kor ku soo xusay, wuxuu ku yimid dadaalka iyo kartida shacabka Puntland ee looga bartay inay meel cidlo ah inta wax ka abuuraan tusaale u noqdaan dadka Soomaaliyeed. 

 Shantii gobol iyo degmadii Buuhoodle ee Puntland lagu dhisay, maanta waa sagaal gobol iyo degmooyin 60 kor u dhaafaya. Waxaa dadka reer Puntland isweydiinayaan inta dowladda Puntland gacanteeda ku jirta oo ay si toos ah u maamusho.

Puntland oo ku dhisan nidaamka federalka ama hoos ka dhis kor u dhis, waxaan weli si xooggan uga hirgelin riyadii ahayd daadejinta maamulka. Waxaa  jira gobo iyo magaalooyin muhiim ah oo magac ahaan ka tirsan Puntland welise aan maamulku u daadegin.  

Marka la eego halka Puntland ay ku taal oo ah meel istaatigi u ah ganacsiga, socdaalka iyo nabadgelyada aduunka, Puntland kama aysan fa’iidaysan fursaddaas. Puntland oo maanta ahaan lahayd Singapore tii Africa, dadkeedu weli waa ka baahan yihiin khayraadka bad iyo berriba ceegaaga.

Walow dowladda cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Deni ay dadaalayso, hadana Puntland waxaa si weyn u curyaamiyey musuqmaasuq la iska xalaashaday xoolihii umadda, taas oo hoos u dhigtay kalsoonidii shacabka iyo fursadihii ay dadka Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah maalgashi uga samaynsan lahaayeen gudaha Puntland.

Inkastoo iminka ay socoto, hirgelintii nidaamkii xisbiyada badnaa, taas oo la filayo in looga xoroobo odayaasha dhaqanka oo siweyn ula dagay hannaanka soo xulista golayaasha dowladda, sida Golaha Wakiilada iyo kuwa deegaanka, hadana Puntland waxaa ka dhacay musumaasuq si weyn u aafeeyey hannaankii doorashada ee Madaxweynaha iyo kuwii golayaasha deegaanka ee Puntland.

Waxaa Puntland gudaheeda ka abuurmay kooxo xoogsato ah, oo lafta iyo maqaarka maamulka kala dhex galay, kuwaas oo ka qunsada danahooda gaarka ah si weynna u musuqmaasuqay mashaariicdii horumarineed ee Puntland ka fushay ama ka fuli lahayd, iyagoo qeybo ka mida gabi ahaanba afka u dhigtay oo fashiliyey.

Puntland oo u gudbaysa hannaankii xisbiyada badnaa weli kama hirgelin maxkamaddii dastuuriga ahayd oo ah mid aad muhiim u ah xaakimna u noqon lahayd murannada ka abuurmay ama ka abuurmi doona hay’adaha dowladda dhexdooda.

Marka la eego sida ay u wada shaqeeyaan, hay’adaha dowladda sida fulinta, xeerdajinta iyo xaakimadu, Puntland waxaa muddo dheer caadi ka ahayd isku dhexmilanka hay’adahaas, oo aan marna daah furnaan iyo dimuqraadiyad buuxda la gaari karin inta hal meel laga wada maamulayo.

Talo soo jeedin.

Waxaa hubaal ah in xukuumadda Madaxweyne Deni qaaday wadiiqo ka duwan tii ay qaadi jireen madaxdii iyo maamuladii ka horreyey, isla markaasna uu sanadkiisii 1aad ku dhiiraday hirgelinta nidaamka curdanka ah ee xisbiyada badan, kaas oo iminka Puntland ka bilowday. Haddaba waxaan u soo jeedin lahaa Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa talooyinkaan hoose:

  1. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waa in ay sida ka muuqataba ka dhabeeyaan hirgelinta nidaamka axsaabta badan, kaas oo ku dhisan hufnaan iyo daahfurnaan aysanna dhag jalaq u siin kuwa maamulkiisa ka tirsan oo nidaamkaas jallaafooyinka u dhigaya.
  2. Si ay u caddaato in xukuumaddu daacad ka tahay yagleelidda nidaam dimuqraadi ah oo hufan oo Puntland ka hirgala, waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa in la dhiso maxkamaddii dastuuriga ahayd.
  3. Si musuqa gaamuray ee cid walba ka xoog batay xidida loogu siibo, waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa in la dhiso guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa (Anti-Corruption Commission). 
  4. Si dadka reer Puntland meel ay joogaanba u helaan adeeg dhow oo hufan, waxaan xukuumadda usoo jeedinayaa in la xoojiyo nidaamka hoos ka dhis kor u dhiska ah iyo daadejinta maamulka ilaa heer tuulo.
  5. Waa in xukuumaddu xoojisayaa oo tayeysiisaa hay’adda masiibooyinka dabiiciga ah si looga tabaabushaysto abaaraha soo noqnoqda loogana hortago fatahaadda daadadku sababaan isla markaasna biyaha roobka looga fa’iidaysto.
  6. Waxaa aduunka iyo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntlandba qireen maragna ka yihiin in si xad dhaaf ah oo naxariis darro ah loo daldasho khayraaadka badda ee Puntland, iyadoo loo adeegsado maraakiibta jariifka ah ee dunida laga xaaraantinimeeyey, hadaba waxaa  looga fadhiyaa dowladda Puntland sidii ay ula tacaali lahayd masiibadaas qaran, uga soo saari lahayd xeerar adag isla markaasna loola dagaalami lahaa burcad badeeddaas.
  7. Dowladdu waa in ay abuurto wadiiqooyin looga fa’iidaysanayo khayraadka badda isla markaasna shaqo abuur loogu samaynayo da’yarta iyo xoogsatada Soomaaiyeed.
  8. Xukuumadda Puntland waa in ay abuurta jawi suurta gelinkara bixinta adeegyada dadweynaha ee aasaasiga ah si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka ee ahayd wax ka qaad waxna ku celi.
  9. Dowaladda Puntland waa in ay maal, maskax iyo muruqba ku bixiso xoojinta dowlad Soomaaliyeed oo federal ah oo dimuqraadi ah, taas oo meesha ka saaraysa in mar kale ay dalka ka dhacdo in si khaldan loo adgeesado awoodda dowladda laguna wax yeeleeyo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
  10. Dowladda Puntland waa in ay xaqiijisaa inay si buuxda gacanteeda u soo galaan shanti gobol iyo degmadii Buuhoodle ee Puntland lagu dhisay si himiladii Puntland u rumowdo loona xaqiijiyo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed.

 

Dhammaad

 

Mohamed Baldho

Waa aqoon yahan bartay culuumta siyaasadda iyo dhaqaalaha oo ku nool dalka UK wuxuuna falanqeeya si weynna ula socda siyaasadda Somalia.