Wednesday, April 15, 2020

Qof gaajaysan iyo guriga joog #Covid19




Cudurka #Covid19 waa tijaabadii ugu adkayd ee dunida soo food saarta tan iyo dagaalkii labaad ee dunida (WWII). Madaxda aduunku waxay awooddoodii oo dhan isugu geeyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen yaraynta dhibaatada nafeed iyo dhaqaale burbur ee cudurkanu reebay. Waxay si joogto ah wacyigelin u siiyaan shacabkooda, iyaga oo uga xog warama hadba meesha wax marayaan, tallaabooyinka ay qaadeen ee ay tahay in la fuliyo iyo gurmadka iyo gargaarka dowladuhu shacabkooda u fudiyaan.

Dalka Somalia oo 30 sano aanay dowladnimo shaqaysaa ka jiran, waxaa aad u burburay kaabayaasha caafimaadka. Dakhaatiirta Soomaalidu waxay isugu jiraan in gabowday iyo dhalinyaro dedaalaysa balse khibradoodu yartahay aanna haysan tas-hiilaad caafimaad oo ay ugu babac dhigi karaan cudurkaan khatarta badan. Taasu waxay sababtay sida meelo badan oo dunida ka dhacday in shaqaalihii caafimaadku noqdaan dhibanayaasha kowaad ee xanuunkaan.

Waxaa kale oo xujo iyo xaalad adag ka taagan tahay, qaab nololeedka bulshadeena oo si walba u diidan inuu la jaanqaado amarada maamulada dalka ka jira iyo talooyinka bahda caafimaadka. Waxaa jira dhaqaale xumo baahsan, iyada oo dadka intooda badan ku tiirsan yihiin soo dhacsiga nolol maalmeedkooda. Taasu waxay meesha ka saartay guryaha jooga oo ruux gaajaysan guri kuma jiri karo. Ma jirto dowlad gargaar dhaqaale bixin karta oo dadku ku tiirsanaan karaan. Dhanka kale qeybo badan oo bulshada ka mida ma awoodaan inay faraha dhaqdaan, waayo ma haystaan biyo ay ku dhaqaan oo waxayba la’yihiin kuwo ay cabbaan saabuunta lagu faraxashana warkeeda daa. Dhaqanka Soomaalida reer magaalka ah, wuxuu ina baray isku dhex milan bulshada iyaga oo wax walba wadaaga, haba ugu horrayaan maasaajidda, madaarista, iskuulada, mukhaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Mar hadii dhaqan dhaqaalaha soomaalidu aanu la jaanqaadi karin xaaladaha lagu maarayn karo ka hortagga iyo faafidda xanuunkaan dilaaga ah, waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed inay raacaan talooyinkaan inta karaankood ah:

  1. Raac talooyinka bahda caafimaadka iyo maamulada dalka ka jira.

  1. Isku day hadaad heli karto inaad faraha dhaqdo adiga oo saabuun isticmaalaya.

  1. Marka aad wax iibsanaysaan kala fogaada ugu yaraan labo mitir.

  1. Joojia salaanta gacanta oo adeegso tan islaamka.

  1. Isku day inaad sanka xiratid adiga oo isticmaalaya cimaamaddaada ama khamaarkaaga.

  1. Ku dadaal inaad lacagta mobile kaaga ku bixisid intii suuragal ah.



Mohamed Baldho



Wednesday, October 18, 2017

Waa Maxay dowlad?



Dowlad waa koox dad ah oo si rasmiya oo awoodi ku dheehantahay u maamula, dal, state ama gobol,qorshaynta, hagidda iyo fulinta hawlaha dowladdaana gaar la noqday.


Dowlad goboleedyadu ma dowladba?

Haa, dowlad goboleedyadu waa dowlad, oo waxay hayaan shaqadii dowladda, waxayna ku sifoobeen dhammaan tilmaamaha ay leedahay dowladi marka laga reebo madaxbanaani.

Ma loogu yeeri kara dowlad?

Haa, dhammaan wadamada qaatay hanaanka federalku waxay isticmaalaan magaca dowlad. Riix https://en.wikipedia.org/wiki/State_governments_of_the_United_States ama http://www.ap.gov.in ama https://timesofindia.indiatimes.com/topic/Government-of-Maharashtra-GR

Wadamada Federalka qaatay waxay ku kala gedisan yihiin magaca loogu yeero masuulka dowladdaas ugu sareeya: Sida India Chief Minister, Maraykan iyo Kenya Gudoomiye (Governor), Ethiopia iyo Somalia Madaxweyne (President) iyo qaar kaloo badan. Ogow in jaamacado badan masuuliyiintooda loogu yeero Madaxweyne.

Maxaa ku qoran dastuurka ku meel gaarka ah ee Somalia?

Waxaa ku qoran dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka.

Sidaas daradeed, waxba minco kuma fadhido dadka ku doodaya Puntland dowlad ma ahan. Hadii aanay Puntland dowlad ahayn maxaad ugu yeeri lahayd oo kale? Xata hadii aad tiraahdo dowlad goboleed, wali waxaad isticmaalaysa dowlad, gobola wuxuu leeyahay micnayaal badan.

Si aad uga bogoto nidaamka federalka fadlan akhri qoraalkaan. https://horseedmedia.net/2017/10/11/soomaaliya-iyo-federaalka-waa-maxay-federaal-maqaal/


Mohamed Baldho

Friday, October 13, 2017

Dekedda Bosaso iyo P&O



Dekedda Bosaso
Dekedda Bosaso waa halbowlaha dhaqaalaha Puntland. Waxa ka fa’iidaysta shucuub farabadan sida gobolada dhexe, koonfurta Somalia iyo bariga Ethiopia. Dekedda Bosaso waxaa la dhisay sideetamaadkii, wixii dhismeheeda ka danbeeyeyna ma helin dayactir weyn iyo dib u qaabayn lagu sameeyo, si ay u noqoto mid daboosha baahida weyn ee loo qabo. Dekedda Bosaso waxay ku taal goob strategic oo aad muhiim ugu ah gadiidka badda. Waxay kulmisa, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suez.

Heeshiiska P&O
Lixdii April 2017 xukuumadda Puntland waxay heshiis la gashay shirkadda dekedaha maamusha ee laga leeyahay dalka isku tagga imaaraadka Carabta oo magaceeda la yiraahdo P&O Ports. Eeg horseedmedia

Maxay tahay shirkadda dekedda la wareegtay?
P&O Ports waxaa iska leh dowladda imaaradda Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka Carabta. Sida lagu sheegay bogga shirkaddu leedahay, waxay samaysa maalgelin iyo adeegyo gaar ah. Adeegyada ay shirkaddu bixiso waxaa ka mida maalgelinta dekedaha, adeegyada dekedaha la xiriira, nidaamka containerka, kala wareejinta badeecadaha iyo dejinta iyo xanaanaynta badeecadaha kala gooshaya.

Muxuu ku saabsan yahay heeshiisku?
 Sida aan ka soo xigtay bogga shirkaddu internetka ku leedahay, waxay shirkaddu ku guulaystay heeshiis ku siman muddo 30 sano ah oo ay kala saxiixdeen Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Abdiweli Mohamed Ali iyo Maamulaha Shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxaana xafladda saxiixa lagu qabtay magaalada Dubai. Eeg bogga Shirkadda

Dhismaha mashruucu wuxuu noqon doona dhismaha 450m oo ah meesha ay maraakiibtu ku xirtaan, 12m oo hoos u qodan iyo 5 hectare oo kayd ah. Waxaa maalgelin iyo casriyeyn lagu samaynaya sida heshiisku dhigayo qaybta ITda iyo saldhigga maamulka iyo fududaynta adeegyada dekedda. Waxay shirkaddu sheegaysa in danyarta dekedda ku dhex nool loo samayn doono dibuh dejin hadiiba ay dhacdo in goobta laga raro.

Fa’iidooyinka heshiiska.
Marka laga yimaado shaqo abuurka tooska ah ee mashruuca laga helay, waxaa fa’iidooyinka ka mida:
1.    Shaqo abuur guud oo Bosaso iyo gobolka oo dhan ah.
2.    Ceelal biyood mashruucu qodayo oo dadka iyo duunyaduba ka helayaan  biyo nadiif ah.
3.    Adeegga caafimaadka guurguura
4.    Abuuris Warshado kaluunka diyaarsan dhoofiya (Fish processing factories)
5.    Abuurid goobo adeeg wax kala gudbin (Free Zone)
6.    Diyaarin adeeg daryeel bulsho.


Gabagabo
Hadii sida ku cad bogga ay shirkaddu leedahay ama xukuumadda Puntland ay shacabka u sheegtay xaalku ku dhammaado, mashruucaan wuxuu fa’iido weyn u yeelan doona horumarinta iyo isku filaanshaha ganacsiga shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Somalida ee ku xiran adeegyada dekeddu bixiso. Waxy dekeddu awood u yeelanaysa in ay marti geliso ganacsi balaaran, maraakiib waaweyn iyo systemka container ka. Ganacsatada Puntland oo in badan cabasho ka muujiyed xukuumadihii kala duwanaana ku eedeeyey inaanay dekedda waxba ka qaban, waxay ka raysan doonaan ku tiirsanaanta dekedo kale.


Mohamed Abdi Baldho
Email: baldho@gmail.com  Twitter: @m_baldho Skype: mbaldho