Sunday, June 14, 2020

Maxaan Ka Welwallaynaa?




Marka hore ila daawo akhrina laba sawir oo midna xaaladda #Puntland ka hadlayo midna shirka #Djibouti. Marka xiga hoos u raac oo ila akhri qoraalkaan aan uga faallooday shirka #Djibout.

Waxa ina welwel gelinaya ma ahan in Soomaali heshiiso ee waxa ina welwel gelinayaa in aanay ha’adaheenii dowliga ahaa aqoon waxa #Djibouti ka socda iyo sababta ay u aadeen madaxdii sare ee dalku.

Waxaa ina welwel gelinaya in #Djibouti ay ka soo baxaan go’aamo saamayn mustaqbal ku yeesha mandiqadda Geeska Africa, kuwaas oo lagu wax yeelaynayo jiritaanka, midnimada iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ognahay in Maraykanku labo ujeedo oo kaliya ka leeyahay mashruuca Is-dhexgalka Geeska Africa (Horn of Africa Integration program):

a)     In uu halkaa ka waardiyeeyo China iyo Ruushka uuna Geeska oo dhan ku soo koobo hal boton oo uu marna xiro marna furo.

b)    In uu halkaa ka xoojiyo mashruuca la dagaalanka argagixisada.

Waxaad moodaa go’aamo badan oo quseeya masiirka #Somalia in dowladda Maraykanku gaarto. Tusaale ahaan, in Madaxweynaha Somalia casumo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka oo la filayo in dhawaan xarunta Xalane shir uga furmo, in aqoonsi ku meel gaar ah la siiyo Ahmed Madoobe si uu shirkaas uga soo qeybgalo iyo in dhammaan go’aamadaan soo baxaan inta aanu furmin shirka Djibouti.

In go’aamada masiiriga ah ee dalkaaga ay qaataan dowlado shisheeye waa waxa ugu weyn ee dadka Soomaalida ah cabsigelinaya, isla markaasna abuuraysa welwelka ah maxaa shirka #Djibouti ka soo bixi doona.

Nasiib darada ugu weyn, waxay haysataa xukuumadda #Puntland oo korkeeda ciyaar farsamaysan lagu dheelay iyo iyadii oo ku guul darraysatay in ay hesho xogta shirka #Djibouti oo ay kala mid ahayd shacabka Soomaaiyeed ilaa iyo hadana kala mid ah.

Cabsidu ma ahan in Soomaalidu heshiiso iyo in wax weyn oo lama filaan ah la isku quuro waana istaahillaa taa. Cabsidu waa in ay dhacaan wax weyn oo aayaha iyo mustaqbalka jiritaanka Somalia khatar ku ah.

Aynu rajeyno guul taxaddar huwan.


Mohamed Baldho 

No comments:

Post a Comment