Sunday, May 31, 2020

BAAQ XALINTA KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND

                                                                                                      








                                                                                                                 Taariikh: 31.05.2020

BAAQ XALINTA KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND

Golaha Puntland Current Trend (PCT) oo ay ku midaysan yihiin aqoon yahan, siyaasiyiin iyo ganacsato rag iyo haweenba leh oo reer Puntland ah waxay muujinayaan sida aadka ah ee ay uga xunyihiin khilaafka soo wajahay hay’adda fulinta dowladda Puntland. 

Goluhu wuxuu aad uga xun yahay iyadoo wadanku ku jiro xaalado adag sida daadadkii soo rogmaday, cudurada aduunka saameeyey sida Covid19 iyo xaalado amni iyo kuwa siyaasadeed in khilaaf soo kala dhexgalo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, isla markaana uu niyad jab iyo jaah wareer ku abuuro shacabka Puntland dal iyo dibadba.

Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhammaan qaybihii isku dayey xalinta khilaafka madaxdda sare ee Puntland. Goluhu wuxuu walaac ka muujinaynaa inaan ilaa hadda wax xal ah laga gaarin khilaafka jira. Waxaa sidoo kale goluhu soo dhaweynayaa dadaalka bilowga ah ee ay wadaan qeybo ka mida Isimadda Puntland.

Puntland waxaa lagu soo dhisay laguna soo maamuley midnimo, tixgelin, turniimo iyo heshiis bulsho, kaas oo ay u dhammaayeen hoggaanka dhaqanka iyo kan siyaasadduba. Waxaa marwalba tixgelin gaar ah la siin jiray duruufaha amni, siyaasdeed iyo midnimada guud. Sidaas darteed, waxaa annagoo ku hadlayna magaca dhammaan dadka ay ku weyn tahay dhul udug, isla markaana daneynayna wanaagga iyo wada jirka Puntland, ugu baaqaynaa madaxdda sare ee Puntland inay ilaaliyaan wada jirka iyo deganaanshaha dalka.

Goluhu waxaa uu ku talinaya:
1.     In khilaafka hoos loo dhammeeyo danta guudna laga hormariyo danaha gaarka ah.
2.     In midnimada, deganaanshaha iyo wada jirka shacabka reer Puntland la ilaaliyo taladana wax laga siiyo dhamman waxgaradka sida isimadda, siyaasiyiinta, aqoon yahanka, qurba joogta ururada bulshada, ganacsatada iyo gabdhaha Puntland.
3.     In bulshada reer Puntland oo ay ugu horreeyaan isimadu qaataan kaalintooda ku aadan xallinta khilaafka aloosan si looga baaqsado in khilaafku sii daba dheeraado iyo in uu sababo cawaaqib xumo ka dhalan karta sii jiitankiisa.
4.     In Isimadu ay la tashiyo la sameeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Puntland ka hor inta aanay kulamo la samayn darafyada khilaafku ka dhexeeyo.
5.      Inaan marna dhinacuu doono ha noqdee la isku deyin in ismaan dhaafkaan lagu xalliyo mooshinno iska soo horjeeda oo la horgeeyo Golaha Wakiilada Puntland isla markaana golaha Wakiiladu ka dhawrsadaan  ku milanka xiisadda ka taagan waaxda fulinta.
6.     In dhammaan wixii khilaafka sababay loo xalliyo si wada jir, wada tashi iyo isla ogol ah laguna saleeyo dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal. 
7.     In la sameeyo Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si hadda ka dib loo helo marjac markii khilaaf dastuuri ahi yimaado loo laabto.



Puntland Current Trend (PCT) waa madal ay ku mideysan yihiin aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah, kuwaas oo kala jooga dunida daafaheeda. Waxaa madashu u dhisan tahay ka doodista, odoroska iyo abla-ableynta iyo talo-bixinta xaaladaha taagan, tagtada iyo timadaada guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaanna Puntland.

Dhammaad.


No comments:

Post a Comment