Sunday, May 31, 2020

KAAHOW U KAADSO.



Marka la tixgeliyo duruufaha qallafsan ee dalku ku sugan yahay, suuragal ma ahan in Puntland laga hirgeliyo xisbiyo siyaasadeed. 

Si loo helo axsaab siyaasadeed waxaa lagama maarmaan ah in la helo tirarkii ay ku istaagi lahaayeen oo ay ugu horrayso nidaam qeexan oo la raaco, guddi doorasho iyo in loo sinaado warbaahinta dowladda. 

Waxaas oo dhan waxa ka muhiimsan inuu jiro amni la isku hallayno karo iyo xuduudaha dalka ama state ka oo sugan kuna jira gacanta dowladda. Waxaa muhiim ah in la helo tirakoob dadweyne, diiwaangelin shacab iyo kala xadaynta goboladii iyo degmooyinkii Puntland abuurtay.

Waxa haatan Puntland ka socdaa ma ahan hirgelin ururo siyaasadeed kuwaas oo hadhowna ay ka soo bixi doonaan xisbiyo rasmiya. Ururka siyaaseedka #KAAH oo ah mid ay xukuumaddu samaysatay, wuxuu si cad u baalmaray shuruucdii iyo xeerarkii qabyada ahaa ee loo dajiyey inay ku socdaan ururada siyaasadda Puntland. 

Waxaa muuqata in urur siyaasadeedka #KAAH uu la midyahay urursiyaasadeedkii “HORSEED, kaas oo isku dayey inuu si farsamaysan ku boobo doorashaadii #Puntland ka dhacday 2014kii.

Waxaa la xaqiijinayaa in urur siyaasadeedka #KAAH uu si aan loo meel dayin u isticmaalayo hantida shacabka reer #Puntland, taas oo halkii canshuurta dada loogu adeegi lahaa loo adeegsaday furitaanka iyo qabalaynta xafiisyada ururka ee gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyadoo godomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka la faray inay ururka qeyb ka noqdaan isla markaasna degmo waliba bixiso kharaska ku baxaya hawlaha xafiiskeeda, sababtu waa iyadoon xubnaha ururka laga qaadin wax lacag ah (Membership fee). Sidaa si la mida, waxaa shaqaalaha dowladda lagu khasbayaa inay xubin ka noqdaan ururka #KAAH.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), waxay soo jeediyeen dhammaadkii bisha April in la hakiyey muddo labo bilood ah hawlihii guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland isla markaasna waxay ku amreen ururadii isdiiwaangeliyey inay shaqadooda hakiyaan iyagoo sabab uga dhigay cudurka #Covid19. Waxaad moodaa inaan dheg jalaq loo siin soo jeedintii iyo habraacii guddiga doorashooyinka, taas oo meesha ka saaraysa kalsoonidii lagu qabay oo awalba hoosaysay hadii ay hawlaha #KAAH sidooda ku aqbalaan.

waxaa xusid mudan in aan loo sinayn warbaahinta dowladda #Puntland oo aan ururada kale ilaa iyo hada u adeegsan karin si la mida sida ururka #KAAH.

Dhanka kale, waxaynu ognahay in ay #Puntland ka jirto xaalad deganaansho la’aan siyaaseed, taas oo u baahan inta aan laga hadlin ururo siyaasadeed oo si gacan ku rimis ah ku yimaada in la mideeyo dadka #Puntland isla markaasna laga shaqeeyo amnigooda iyo arkaanta kale ee muhiimka u ah in dalka laga hirgeliyo ururo siyaasadeed oo dadku wada aqbali karaan.

FG. Anigu kama mid ahi ururada iminka Puntland looga dhawaaqay iimana qorshaysna inaan ka mid noqdo inta wax laga qabanayo qodobada kor ku xusan.

Mohamed Baldho

No comments:

Post a Comment