Saturday, May 9, 2020

Aafada Covid19 iyo ilduufka Soomaalida



Somalia waxaa faraha ka sii baxaya xogta iyo xakamaynta cudurka #Covid19. Magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa laga soo warinayaa inay dadku u daadsanyihiin xanuun aan la garanayn balse leh calaamadihii #Covid19 oo ay ugu horrayso qandho qofka ka waalinaysa. Waxaa kale oo aad u kordhay dadka dhimanaya oo aan la aqoon sababta geeridooda. Taas waxaad ka garan kartaa tacsida baraha bulshada.

Dhanka kale, dadku waxay iska diideen inay u hoggaansamaan talooyinka bahda caafimaadka. Waxaa xanuunkii loo rogay mid utun iyo ceeb leh (stigma). Waxaa dadku iska diideen inay tagaan goobaha wax lagu baaro iyo kuwa dadka lagu gooni sooco (Quarantine Centres) sababa dhawr ah awgood:


1. Awoodda hay’adaha caafimaadka iyo aqoontooda la xiriirta Covidka oo aad u hoosaysa, sidaas darteedna qofku aanu ku kalsoonayn inuu helayo adeegga caafimaad ee uu u baahan yahay iyo nolosha xarumaha dadka lagu gooni sooco aad u hoosaysa meelaha qaarkood.

2. Qofkii looga shakiyo xanuunka oo lagu samaynayo gooni sooc iyadoo aan dib loo eegayn gurigii uu ka soo toosay. Caadiyan xanuunkaan calaamadihiisu waxay qofka ka soo bixi karaan muddo u dhaxaysa asbuuc ilaa labo asbuuc, waxaana muhiim ah in qofka xanuunka lagu arkay lala gooni sooco dhammaan dadkii uu la noola ama uu xiriirka la sameeyey ugu yaraan labadaas asbuuc. Khasab ma ahan in meel loo kexeeyo ee waxay isku gooni sooci karaan guriga ay ku nool yihiin. Tanu Somalia suuragal kama ahan waqtiga aan joogno.

3. Dadka xanuunsan badankooda oo ah kuwo qoysaskooda usoo dhiciyaa nolol maalmeedka, oo hadii lagu sameeyo gooni sooc aaminsan in qoysaskoodu cidlo ku soo dhacayaan.

4. Dowladda ama maamulada  dalka ka jira oo aan lahayn awood dhaqaale oo ay dadka la gooni soocay qoysaskooda ku taakulayn karaan.

5. Dhaqanka iyo madax adaygga qofka Soomaaliga ah oo meel walba oo uu dunida uga nool yahay, inkirsan jiritaanka xanuunka diidayna inuu u hogaansamo talooyinka dadka lagu samata bixinayo.


Sababahaas aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale, waxay kallifeen inaan dadku tagin goobaha caafimaadka ama xanuunka qarsadaan. 



Dhanka kale, waxaa dadku ma dhalays u arkaan bandhowga habeenkii ah iyadoo dadku maalintii isku dhex jiraan, taas oo iyada laftigeedu hada ay u muuqato inay shaqayn wayday oo noloshii magaalooyinku xilliga habeenka si caadi ah ku soo noqonayso.

Tallaabooyinka ugu haboon ee la qaadi karo


Hadaba si loo yareeyo dadka ku halaagsamayaa masiibada #Covid19, waxaa haboon in la qaado tallaaboyinkaan soo socda:

  • In qof walba dhankiisa masuuliyad isaga saaro caafimaadkiisa, kan qoyskiisa iyo kan bulshadiisa.
  •  In dadku iyaga oo dhacsanaya nolol maalmeedkooda, hadana u hogaansamaan talooyinka bahda caafimaadka sida kala si kashada, af-xirashada iyo nadaafadda jirka, gaar ahaan fara dhaqashada.
  •  In dowladdu ku dedaasho sidii lagu tayeyn lahaa goobaha caafimaadka si loola tacaalo dadka cudurku soo ridanayo, gaar ahaan kuwa u baahan qalabka lagu neefsado.
  •   In la xoojiyo wacyigelinta ku aadan khatarka xanuunka iyo sida looga hortagi karo.
  •   In madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamauladu ka run sheegaan xaaladda khatarta ah ee xanuunku leeyahay iyo sida baahsan ee uu dalka u aafeeyey iyo in aanay awoodin baaritaan waafi ah iyo la tacaalidda dadka xanuunku soo rito.



Allah ha sakhiro.

Mohamed Baldho






No comments:

Post a Comment