Thursday, May 7, 2020

Doorashooyinka Somalia iyo Khatarta soo Fool leh


Somalia in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah (one person one vote) suuragal ma ahan xilli doorasheedkaan 2020/21. Sidoo kale suuragal ma ahan meeshana sooma geli karto, ugu yaraan sida hadda wax yihiin, in hay’adaha dastuuriga ah ee dalka kuwooda doorashooyinka ku yimid xil kordhin loo sameeyo.

Dowladda federaalka ah  ee Somalia waxaa looga fadhiyey iyada oo kaashanaysa, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, in laga shaqeeyo sidii hannaan hufan oo doorasho xor iyo xalaal ah dalka looga qaban lahaa. Suuragalnimada in laga wada shaqeeyo hannaan lagu midaysan yahay oo dalka doorasho looga qabto ayaa ah mid aad u yar. Sidaas daradeed waxaa muuqata in dalku geli doono qalalaase siyaasadeed (Political crises), kolka ay ay soo idlaato muddo sharciyeedka jiritaanka hay’daha dowliga ah ee doorashooyinka ku yimid.

Doorashooyinkii 2016/17 iyo Madashii Hoggaanka Qaranka





Hadaan dib u milicsano doorashooyinkii dalka ka qabsoomay sanadihii 2016/17 ee lagu soo doortay labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweyaha iminka talada haya, waxaa hadaa oo kale dalku ku jiray jawi doorasho (Election mode), iyadoo ay Madashii Hoggaanka Qaranku (National Leadership Forum) iyo saaxibada Somalia ee caalamiga ah, si wada jir ah uga shaqaynayeen hannaanka ugu haboon ee dalka doorasho looga qaban karo. Walow hannaankii doorasho ee 2016/17 aanu ahayn midkii ugu haboonaa ee doorasho dalka looga qaban karay, hadana wuxuu ahaa midkii ugu wanaagsanaa fursadihii markaas jiray.

Waxaa mudnaan iyo mahad gaar ah leh Madaxweynihii xilligaas ee dowladda federalka Somalia  Mudane Hassan Sh Mohamud, golihii xukuumadda ee Cumar Cabdirashiid iyo madaxdii maamuladii dalka ka jiray ee sida wada jirka ah uga shaqeeyey inaanay dalka ka dhicin maqnaansho dhanka awoodda ah (Power vacuum) kuna dedaalay in dalka doorasho ka dhacdo.

Waxaa kale oo ammaan mudnaa bulshada caalamka ee sida dhow ula shaqaysay Madsha Hoggaanka Qaranka iyo odayaasha dhaqanka si loo helo doorasho waqtigeedii dhacda.

Xildhibaanada hada jira waxaa lagu soo doortay nidaamkii 51 ergo ee odayaashu soo xuleen dabadeedna iyagu doortay xilibaanka beeshaas ku matalaya qaranka Soomaaliyeed, halka xubnaha aqalka sare ay soo magacaabeen madaxdii dowlad goboleedyadu dabadeedna barlamaanka dowlad goboleedku cod ku kala saaray xubnihii loo soo gudbiyey.

Hadaba, waxaa is weydiin leh, hadii madaxda federalku ay ku guul darraystaan in ay abaabulaan sidii dalka doorasho uga dhici lahayd maxa dhici kara? 

Waxaa dhici karta sidii aan qoraalka qaybtiisa kore ku xusay in uu dhaco qalalaase siyaasadeed oo dalka hareeya iyo in xukuumadda federaalka iyo labada aqal ee dalkuba lumiyaan sharciyadda ay iminka ku fadhiyaan, taas oo macna tiraysa jiritaankooda dalkana gelin karta xaalad khatar ah.

Si dalku uga badbaado inuu galo xaalad noocaas ah, waxaa la gudboon madaxda federalku inay talada dhulka dhigaan si deg-deg ahna u bilaabaan wadahadalo una raadiyaan wadiiqadii dalku uga badbaadi lahaa inuu galo qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur.

Talo soo jeedinta Puntland






Xukuumadda Puntland waxay soo jeedisay nidaam doorasho oo la yiraahdo 2016 plus, kaas oo aad u qeexaya meeshii laga aadi lahaa isgooyska khatarta ah ee dalku maanta taagan yahay. Waxaan ku talin lahaa in nidaamkaas la qaato ama asaga lagu dul dhiso nidaam waafi ah oo dalka doorasho uga dhici karto. Sidoo kale waxaa mudnaan leh in la dhagaysto talooyinka ay soo jeedinayaan madaxda mucaaradka qaarkood, kuwaas oo iyaguna qaba welwelka aan qabno mid la mida.

Waan garan karnaa laxawga iyo xanuunka ay leedahay hannaan doorasho oo aan ku dhisnayn nidaamka qof iyo cod, waxaase xaqiiq ah in dowladda federaalku ku guul darraysatay hirgelinta nidaamkas dastuuriga ah iyo inay diyaarin weyday jawigii doorasho dalka uga dhici lahayd oo amnigu ugu horreyo. Taasi saamixi mayso in golayaasha maanta jira laga ogolaado inay waqtiga dheeraystaan iyo in ay dalka qalalaase siyaasadeed geliyaan.

Qadarin,

Mohamed Baldho



No comments:

Post a Comment