Friday, February 10, 2017

Guushii Farmajo


Somalia waxay dooratay Madaxweyne cusub, Mohamed Abdullahi Farmajo. Ma ahan markii ugu horaysay ee Farmajo uu ka soo dhex muuqdo saaxada siyaasadda Somalia, waxay ahayd markii Ra’iisal wasaare loo magacaabay sanadkii 2010 kii.
Intii Farmajo uu Ra’iisal wasaaraha ahaa oo ahayd mudd kooban wuxuu soo dhisay xukuumad kooban oo lagu tilmaamo in ay ahayd mid tayo wanaagsan. Wuxuu noqday Ra’iisal wasaare la soo baxay siyaasad cusub oo u muuqatay inay tahay mid wadaninimo (Nationalist policy), wuxuu si weyn uga hor yimid nidaamkii 4.5 asaga oo muujiyey inaanu nidaamkaas u qalmin dadka Somalida, sidoo kale wuxuu  muujiyey in siyaasadaha ay dowladaha dariska ah Somaia kula dhaqmaan aanay ahayn mid u cuntanta. Farmaajo wuxuu cod dheer ku sheegay inuu beesha caalamka kula xisaabtamayo dhaqaalaha magaca Somalia lagu bixiyo iyo sida loo maamulo. Wuxuu amray ha’adaha caalamiga ah iyo Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa inay usoo guuraan dalka gudihiisa. Waxay tahay in la sheego in ururka Al-shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho intii uu Farmaajo Ra’iisal wasaaraha ahaa taas oo u ahayd guul uu ku faano xilligi ololaha doorashadiisa.
Heeshiiskii Kampala
2011 kii heshiis ka dhacay Kampala, dalka Uganda, kaas oo lagu soo ebyey nidaamkii tubta kumeel gaarka (Road map) Somalia looga saarayey, xukuumaddiina waqti loogu kordhiyey, ayaa si lama filaan ah looga taqalusay mudane Farmajo. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhawaa Farmajo,  markii hore waa diiday inuu heshiiskaas aqbalo, balse culays ka yimid urur goboleedka IGAD ayaa meesha looga saaray. Eryiddaas farmaajo wuxuu ku kasbaday kalsooni badan oo shacbiyadeed iyada oo magaalada Xamar laga mudahaaraaday taageero weyna loo muujiyey. Doorashadii 2012kii, Farmaajo wuxuu u tartamay xilka Madaxweynaha Somalia kumase guulaysan isaga oo kaalin aad u hoosaysa galay.
Guushii Farmaajo
Iyadoo maskaxda lagu hayo dedaalo dhawr ah oo lagu aamaanay xukuumaddiisii xilligi yaraa ee uu Ra’iisal wasaaraha ahaa, qaabkii xilka looga qaaday oo aanay shacabka Somalida badankiisu ku qancin, faragelintii dowladaha darisku ay ku sameeyeen doorashada iyo hab dhaqankii maamul goboleedyada oo aan la jeclaysan, Musuq maasuqii xukuumadihii dalka soo maray oo laga daalay iyo iyaga  oo ku guul daraystay in ay amniga wax ka qabtaaan, waxay u sahashey Farmaajo inuu si lama filaan ah ku guulaysto noqdana madaxweyne loo hanweyn yahay.
Dabaal daggii
Dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Somalia waxaa looga dabaal degay si aan wali loo arag oo ku cusub saaxadda siyaasadda ee dalka. Waxaa si laabyleh looga dabaal dagay magaalada Xamar iyadoo ciidamadii ammaanka iyo dadweynihii ay iska ilaalin jireen is dhex galeen iyagoo la fuulay gadiidkii ciidanka. Somalida ku nool dalalka dibadda ayaa iyaguna si weyn u dabaal degay.
Maxaa laga baran kara doorashadaan
Walow doorashadaan ay lahayd tilmaamo cusub oo u gaar ah, hadana shacabka Soomaaliyeed, waxay culays ku saareen baarlamankii ay soo doorteen in ay sameeyaan is bedel siyaasadeed. Doorashadaan waxay muujisay;
·      In Somalidu dowlad u baahantahay.
·      In aan reer loo eegin qofka dadku dantooda ka dhex arkaan.
·      Waxay dowladaha darisku barteen in Somalia wali noshahay oo damiir u harsan yahay cidda ay iyagu rabaana dooran karaan.
·      Waxaa si wanaagsan loo bartay in lacag la bixiyo qofkii aan la doonayn aanay waxba ka dhigi karin.
·      Waxay dad badan oo Somali ah gaar ahaan dhalinta dareemeen rajo Somalinimo iyo in qaranimadoodii dib u soo laaban karto.
Maxaa laga filaya Madaxweynaha cusub
Farmajo looma dooran xafiiska aqalka cad ee Maraykanka ama dowladaha horay u maray, ee waxaa loo doortay xafiis dal ay daashadeen dagaalo sookeeye, urur diimeedyo ku xiran aragti shisheeye, tahriib dhalin yaradii dalku ku dhammaadeen, musuqmaasuq meel walba halakeeyey, abaaro ku dhuftay goboladii dalka kuwaas oo dad iyo duunyaba wax yeeleeyey. Dowlado shisheeyo oo ay ugu horeeyaan kuwa dariska ah oo dano gaar ah oo kala duwan Somalia ka leh. Ugu yaraan Madaxweynaha waxaa laga filaya inuu wajaho dhammaan qodobadaas kor ku xusan ugana jawaabo sida ugu macqoolsan ee mid walba u gaar ah.

Ugu danbayntii hawsha ugu culus ee madaxweynaha cusub hortaal, waa siduu u maamuli lahaa rajada iyo filayashada dadka oo aad u sarayso, taas oo dhanka kale caqab noqon karta hadii aanu sida ugu macquulsan u wajihin.

Dhammaad.

Mohamed Abdi Baldho



Tuesday, October 25, 2016

Goobaha shacabka oo la beegsada waa denbi dagaal.

http://caasimadda.com/daawo-sawirada-khasaaraha-ka-dhashay-dagaalka-ka-dhacay-gaalkacyo/

Wednesday, December 9, 2015

Xiriirka Federalka iyo Puntland, Dhismihii Galmudug iyo Dagaalkii Galkacyo iyo Hanaanka doorashada 2016



Xiriirka Puntland iyo Federalka
Tan iyo intii ay talada qabatay xukuumadda Madaxweyne Abdiweli Ali Gaas waxaa jirtay is weydiin ku saabsan nooca iyo habka uu u shaqeeyo xiriirka u dhexeeya dowladda Puntland iyo federalka. Waxaan marna heer fiican gaarin xiriirkii u dhexeeyey xukuumaddii Madaxweyne Farole iyo xukuumadihii isaga danbeeyey federalka.
Ka dib doorashadii Puntland 08/01/2014, waxaa si qabow ku bilowday xiriir cusub oo dhex mara Puntland iyo Federalka. Xiriirkaasu wuxuu meeshii ugu xumayd gaaray kolkii dowladda federalku bilowday yagleelidii maamulka gobolada dhexe. Dadka Mudug dagen qeyb ka mida waxay ka midyihiin Puntland oo maamul la dhisteen 1998 dii. Waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Puntland ee haatan uu ka soo jeedo gobolka Mudug.
Waxaan qoraalkaan ku eegi doona aniga oo dhacdooyinka uun iftiiminaya heerarkii uu soo maray xiriirka Puntland iyo federalka laga soo bilaabo hindisidii dhismaha maamulka Galmudug iyo saamaynta uu ku yeeshay dagaalkii Galkacyo.
Dhismihii Galmudug
30/07/2014 Waxaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis dhigayey in maamul midaysan loo sameeyo gobolada Mudug iyo Galguduud. Yagleelidda maamulkaas wax talo ah lagama siin dadka iyo xukuumadda Puntland midkoodna.
01/08/2014 Puntland iyada oo ka ashtakoonaysa ku daridda gobolka Mudug oo dhan, waxay xiriirka u jartay xukuumadda Xamar. Shir deg-deg ah oo ay wada yeesheen Golaha wasiirada Puntland ayaa laga soo saaray in Puntland qaadacday heshiiska maamulka loogu samaynayo gobolada Galgaduud iyo Mudug. Madaxweyne Gaas ayaa 15 Cisho u qabtay Masuuliyiinta Puntland u dhashay ee ku jira Xukumadda dhexe ee Somalia, xubnaha baarlamaanka iyo xubintii ugu jirtay guddiga dastuurka inay iska soo xaadiriyaan Garowe.
Go’aanka Puntland soo saartay wuxuu ka koobna, iyadoo Puntland tixraacaysa qodobada dastuuriga ah ee la jabiyey 7 qodob, waxaana ka mid ahaa:
1.      In Puntland kasoo hor-jeedsatay heshiiskii maamulka loogu sameynayey goblolada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka Soomaaliya.
2.      In ay aad uga xun tahay ka qayb-galka shirka ee xubnihii ka socday beesha calaamka.
3.      In ay nasiib-darro tahay in madaxdii sare ee dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor-imanaya dastuurka, iskana hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah.
20/08/2014 Dowladda Puntland markii ay wada tashi qoto dheer la yeelatay xubnihii ay uga yeeratay Xamar waxay soo saartay war murtiyeed ay ku xaqiijinayso inay xiriirkii dowladda federalka kala dhexeeyey goysay (1)
10/10/2014 Waxaa magaalada Garowe soo gaaray RW hore mudane Abdiweli Sh Ahmed oo markaas khilaaf kala dhexeeyey madaxweynaha Somalia si uu wada hadal ula furo xukuumadda Puntland. (2)
14/10/2014 Xukuumaddii RW Abdiweli Sh Amed iyo Puntland waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban 14 qodob ayna ka mid tahay in cidda maamulka gobolada dhexe loo dhisaya ay tahay Galguduud iyo koonfurta Mudug oo kaliya, lagana wada hadlo arrimaha kale ee la isku hayo sida dhamistirka dastuurka, dhismaha ciidan qaran, heshiiyadii horay loo galay iyo qeybsiga deeqaha caalamiga ah, waxaana lagu dhawaaqay in khilaafkii la soo afjaray.
16/04/2015 Madaxweyne Hasan Shiek Mohamud ayaa si rasmi ah uga furay degmada Cadaado shirkii maamul u samaynta Mudug iyo Galguduud wuxuuna ergooyinkii shirka ka qeyb galayey u sheegay inay soo dhistaan maamul ay u wada dhanyihiin. (3)
14/06/2015 waxaa la ansixiyey xuduudda maamulka Galmudug oo lagu sheegay in dhankeeda waqooyi yahay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.
14/06/2015 Mudaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland kuwaas oo looga soo horjeedo madaxda sare ee dowladda federalka iyo ergayga gaarka ah ee qarmada midoobay u qaabilsan Somalia, waxaana mar kale circa isku sii shareeray xiriirkii laba dhan ee Puntland iyo federalka.
04/07/2015 Waxaa si rasmiya loo doortay mudane Abdikarim Huseen Guleed inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug. (4)
12/07/2015 Baarlamaanka Puntland oo dood dheer ka yeeshay khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo maamulka Puntland, ayaa soo saaray go’aammo ka kooban shan qodob, waaxana ka mid ahaa: In dastuurka lixda saxiix leh iyo Xoghayaha guud ee QM oo makhraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ah, in xeerarka baarlamaanka federaalku ansixiyay ee aan laga tashan Puntland aysan sharci ahayn iyo inaysan sharci ahayn saddexda guddi ee kala ah:
A.     Gudiga dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Somalia
B.       Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
C.      Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federaalka iyo qodobo kale oo muhiim ah. (5)
Hanaanka doorashada 2016
Hanaanka doorashada 2016 ku wuxuu bilowday iyadoo sida kor ku xusan aanu wanaagsanayn xiriirka labad dhinac. Puntland waxay horaantiiba qaadacday in ay ka qeyb gasho shirkii ka dhacay Xamar 29-30 Luulyo.
29-30/07/2015 Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shirkii madaxda sare ee Somalia kaas oo looga hadlayey hanaanka doorasho ee sanadka 2016 ka iyado aanay Puntland ka qeybgelin. (6)
29/07/2015 Isla maalintaas Puntland waxay soo saartay qoraal ay ku qaadacayso shirka Xamar iyo in aanay qusayn wixii ka soo baxa. (7)
31/07/2015 Dowlada Puntland waxay soo saartay qoraal ay ku diidan tahay wixii ka soo baxay shirkii madaxda sare ee ku soo dhammaaday Muqdisho, iyadoo ku sababaysay dastuurkii oo lagu xadgudbay. (8)
04/08/2015 War saxaafadeed ay soo saartay Puntland, waxay soo dhaweysay wixii ka soo baxay shirkii madasha wada tashiga ee  ka dhacay Muqdisho 29-30 bishii luulyo. (9)
21/09/2015 Dowladda Puntland waxay shuruud la’an uga qeyb gashay shirkii Xamar ka furmay, iyadoo ay halkaas gaareen wafti balaaran oo isugu jira, xukuumadda, Baarlamaanka iyo xubno ka socday bulshada rayidka. (10)
21/09/2015 Waxay dowladdu soo saartay war saxaafadeed lagu yiri “Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka” (11)
Shirkii talagelinta
Ka dib shirar dhawr mar Moqdisho ka dhacay oo looga hadlay hanaanka doorashada soo socota iyo sida ugu haboon ee lagu geli karo, waxaa maamul goboleedyada loo qeybiyey ergo 150 dowlad walba
16-17/11/2015 Shirkii wada tashiga hanaanka doorashada 2016 ayaa lagu qabtay lix magaalo oo Puntland ah iyadoo magaalo walba ay ka soo qeyb galeen ergo gaaraysa 100 qof isku darkana ka dhigaysa 600 oo ergay, ka dib markii dowladdu ku gacan sayrtay qoondadii la siiyey oo hayd 150 qof. Ergadii  waxay is aqlabiyad leh u cadeeyeen in ay ka soo horjeedaan nidaamka 4.5 ayna doonayaan nidaamka degmooyinka (12)
18/11/2015 Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda federalka mudane Abdirahman odowa oo waraysi siiyey TVga Somali channel ayaa sheegay in 600 ee Puntland ay ka dhigan yihiin, waxna aanay ka badalayn qoondadii la siiyey dowlad goboleeyada kale oo ahayd 150. (13)
Dagaalkii Galkacyo.
Waxaa magaalada Galkacyo ka dhacay dagaalo aad u xun. Dagaaladaas oo isku dar ay ku dhinteen kontameeyo qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxay ka bilowdeen wado 120 mr ah. Dagaaladaas waxaa ku barakacay sida QM sheegtay in ka badan 42 kun oo qoys halka dadka intiisa badan aaminsan yihiin in tiradu intaas aad uga badan tahay, waxaa ku burburay hanti badan, waxaa xirmay iskuuladii iyo goobihii gancsiga ilaa iyo iminka waxaa jira dad aan guryohoodii ku soo laaban oo banaanada daadsan.
 Dad badani waxay qabaan in muranka wadadaas hab silmiya lagu xallin karay dagaalla laga baaqsan karay. Sidoo kale in badan waxay aaminsan tahay in dagaalkaasu ahaa mid siyaasadeed oo aad uga duwana dagaalo marar hore magaalada ka dhacay.
Waxaad mooda in Puntland aanay gaarin ujeedkii dagaalkaas la sheegay in loo galay oo ahayd in wadadaas wax laga qabto, halka la aamin san yahay Galmudug in ay dagaalkaas u gashay in ay Puntland ka hesho ixtiraam iyo aqoonsi la mid ah kan ay ka heshay maamulada kale ee Somalia ka jira. In badani waxay qabtaa in Galmudug gaartay ujeedkeedii.
Ugu danbayn labada maamul waxay kala saxiixdeen heshiis, waxayna ugu danbayntii iyaga oo gacmaha is haysta isku raaceen shirka hiigsiga hanaanka 2016 ka. Waxa wax u dheceen sidan:
22/11/2015 Waxaa magaalada Galkacyo ka qarxay dagaalkii 1aad dagaalo is xig xigay oo magaalada ka dhacay. (14)
22/11/2015 Puntland waxay soo saartay war saxaafadeed dagaalka ku saabsan. (15)
24/11/2015 Odayaasha iyo ganacsatada labada dhan waxay isla gaareen heshiis qabyo ah oo dhigaya in xabad joojin rasmiya lagu dhawaaqo, in ciidamada la kala durkiyo iyo in wada hadal la isaga yimaado waxyaabaha la isku hayo.
24/11/2015 Labada dhanba waxay bilaabeen in ciidamo xoog leh magaalada ku soo daabulaan, taas oo sababtay in ay qaxaan badi dadkii ku noolaa magaalada.
28/11/2015 Waxaa mar kale qarxay dagaal xoog leh iyadoo la sugayo inuu magaalada soo gaaro RW CCC kaas oo shirar madaxda maamulada kula soo qaatay Cadaado iyo Garowe.
29/11/2015 Puntland waxay Federalka ku eedaysay dagaalka Galkacyo, iyadoo nasiib darro ku tilmaantay in wixii qaranka ka dhexeeyey ciidan iyo qalabba si masuuliyad darro ah loo adeegsaday loogana fa’iidaystay hurin colaadeed iyo wax yeelaynta Puntland. (16)
29/11/2015 PM CCC, Madaxda Jubbaland, ISWA, iyo wafti ballaran oo ay hogaaminayaan ayaa ka kala dagay Galkacyo iyo Garowe si ay nabad ugu soo dabaalaan xaaladda Galkacyo. Isla maalinkaas waxaa Galkacyo soo gaaray madaxweynaha Galmudug Abdikarin Hussien Guled.
01/12/2015 Madaxda federalka oo uu Ra’asal wasaaruhu hogaaminayo, madaxda Punltnad, Jubbaland, ISWA iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa kulan uga furmay garoonka diyaradaha Galkacyo.
02/12/2015 Waxa mar kale shir ka dhacay garoonka waxaana shirkaas ka soo baxay heshiis ay dhinacyadu saxiixeen oo dhigaya: In xabadda la joojiyo, cidamada la kala qaado, barakacayaasha la soo celiyo iyo in la galo wada hadal aan wax shuruud ah ku xirnayn. (17)
03/12/2015 Waxaa mar kale magaalada ka qarxay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dhaliyeyna dhimasho dhaawac iyo barakac hor leh, sidoo kalana ay hanti badan ku burburtay. (18)
04/12/2015 Mar kale waxaa lagu kulmay garoonka diyaadaha waxayna madaxdii ka soo qeyb gashay isla xaqiijiyeen hirgelinta heshiiskii ka koobna afarta qodob ee dhinacyadu saxiixdeen.
05/12/2105 Madaxda labada dhan iyo dowladda federalka oo fududaynaysay waxay isaga gudbeen magaalada labadeeda dhan waxayna si kal iyo laab ah iskula qireen inaan mar danbe loo ogolaan in magaalada dagaal ka dhaco. (19)
07/12/2015 Wafti ballaran oo ka kooban maamul goboleedyada iyo dowladda federalka oo uu hogaaminayo RW CCC ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Galkacyo iyagoo ku sii jeeda magaalada Xamar si ay halkaas uga qeyb galaan shirka madasha wada tashiga hanaanka doorashada 2016-ka. (20)
07/12/2015 War saxaafaddu qortay waxaa lagu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland yiri “Dowlada Puntland marna ma aqbali doonto nidaamka 4.5 hadii lagu saleeyo doorashada soo socotana in Puntland ay dadkeeda talada ku soo celin doonto”, wuxuuna nidaamkaan ku tilmaamay mid xaaraan ah oo horseeday inuu dalku dib u laabto. (21)
Gunaanad
Anigoo ka xun dheerarka qormadaan oo runtii ay ii suurageli wayday in aan intaas ka soo yareeyo, waxaan ku soo dabraya su’aalo aan jeclaan lahaa in akhristuhu is weydiiyo ama jawaab u helo. Maxaad ku sifayn lahayd xiriirka federalka iyo Puntland? Dhismihii Galmudug iyo dgaalka Galkacyo?  Muxuu ku salaysna dagaalkii Galkacyo? Maxaa loo galay mase la baajin karay? Madaxeyne Hasan saamaynt intee le’eg buu ku lahaa dagaalkii Glk? goorma ayuu ka hadlay muxuuse ka yiri? Sidee Pl u maamushay dagaalkii Glk, ma isleedahay si ka haboon ayaa jirtay? Xukuumadda Pl side u xaliisay go’aankii baarlamaanka? Shirkii wada tashiga Puntland qabatay ee hanaanka doorashada 2016 ka Puntland ma ku adkaysan doonta aragtida shacabkeeda hadii 4.5 la keeno?

Tixraac

Tuesday, September 8, 2015

Daabacadda shilinka iyo dareenka shacabka



Suuqyada magaalooyinka waa weyn ee Puntland waxaa laga dareemay kunka shilin Soomaaliga ah ee cas kaas oo la sheegay in ay daabacatay xukuumadda Puntland laguna daabacay dalka gudihiisa. Waxa la sheegaya in dowladdu laba ujeedo ka leedahay daabacadda shilinka kuwaas oo kala ah:
1.      In ay soo buuxiso booskii u baneeyey shilingkii baaba’ay kaas oo uusan jirin sida la sheegay bangi dhexe oo soo buuxiya lacagta siyaabaha kala duwan suuqa uga baxday, aakhirkiina sababtay in ay dalka lacag yaraani soo food saarto.
2.      Waxa kale oo xukumadda culays uga yimid bixinta mushaharooyinka ciidamada, shaqaalaha iyo adeegyada dowladda taas oo iyana ay xukuumaddu doonayso in ay daboosho.
Dooda xukuumadda
Xukuumaddu waxay ku doodaysa in soo daabacadda lacagtaan ay keentay baahi dhab ah oo ka jirta dhanka shilinka iyo xukuumaddi ama bankgii dhexe ee Somalia oo isagu masuul ka ahaa soo daabicidda, siyaasadda iyo meel marinta lacagta uu ku guul darraystay inuu soo daabaco lacag, sidaa daraadeedna ay xukuumadda Puntland iyadu masuuliyaddaas qaadatay.
Banka dhexe ee Somalia
Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somalia mudane Bashir Isse oo isagu ah madaxa ugu sareeya nidaamka lacagta Somalia, wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Puntland in ay baal martay nidaamka caalamiga ah ee u degsan lacagta aduunka iyo kan Soomaaliga ahba, sidoo kalana ay jabisey dastuurka Federalka oo Puntland qeyb ka tahay. Wuxuu kale oo mudane Bashir sheegay in bankiga dhexe ee Somalia iyo hay’adda lacagta aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IMF ay ku hawlan yihiin sidii Somalia daynta looga dhaafi lahaa loona soo daabici lahaa lacag rasmi ah oo uu dalku yeesho. Halkaan ka eeg hadalka gudoomiyaha. http://www.garoweonline.com/page/show/post/3575/somalia-central-bank-criticizes-puntland-over-counterfeit-currency
Qiimaha dollarka iyo saamaynta lacagta cusub
Qiimaha dollarku wuxuu ahaa mudooyinkii danbe mid fadhiya dhawrsanadoodna wuxuu u dhexeeyey halka dollar ee Maraykanka ah 22 ila 22.5 kun shilinka Soomaaliga ah. Waxa mar hore suuqyada sarrifka laga dareemay isbedel ku yimid qiimaha dollarka oo kor u kacay lana filayo bilaha soo socda inuu sii kordho.
Xuduudaha Puntlad iyo lacagta soo galaya
Waxaa jira xogo rasmi ah oo sheegaya in marhoraba shaqsiyaad gaar ah oo ku dhaqan deegaano Puntland ka baxsan ay bilaabeen daabacadda lacago faalso ah aadna ugu eg tan xukuumaddu soo daabacatay. Waxa kale oo hubaal ah in aanay xukuumaddu gacanta ku wada hayn xuduudaha Puntland hubinna karin in aanay lacagtaasu soo gelin gudaha. Gaar ahaan waxaan lacagtaas laga ilaalin karin gobolka Mudug oo isagu qeybsan xuduud dheerna la leh deeganada konfurta Somalia.
Danyarta iyo dollarka
Waxaa sidii horayba u dhacday sanadihii 2006 ilaa 2008 la saadaalinaya in khalkhal xoogleh ku yimaado badeecadaha daruuriga ah iyo quud maalmeedka. Arrinkaasu wuxuu si weyn u saamayn doona danyarta iyo inta tabarta daran ee aan awoodin in ay dollar wax ku iibsadaan amaba helaan.
Xukuumadihii hore ee Puntland:
Xukuumaddii ugu horaysay ee Puntland way soo daabacday lacagta Soomaaliga ah iyadoo xilligaas loo qabay baahi mug weyn sida hadaba jirta, balse lacagtaas laguma daabicin dalka gudihiisa dowlad dhexe oo la aqoonsanyahayna dalka kama jirin. Xukuumaddii ku xigtay waxay iyadu lacag ku daabacday dalka gudihiisa, waxaa dabacaddaas ka dhashay burbur dhaqaale iyo kacdoon shacab ugu danbayntiina waa la joojiyey. Xukuumaddii ugu danbaysay iyadu ma soo daabicin lacagtaas, mar ayse isku dayday waxaa ka hor yimid diidmo qayaxan wayna joojisay isku daygaas. Waxaa isweydiin mudan, arrimahaas lagu joojijay in lacag la daabaco meesha ma ka bexeen mise wali waa jiraan?
Sharciyadda lacagta:
Xukuumadda Puntland, iyo tan federalka ah ee Somalia, labaduba waxay isku waafaqsan yihiin in masuuliyadda daabacadda lacagta uu bankiga dhexe leeyahay. Dastuurka Puntland qaybtiisa shanaad, xubintiisa 2aad, qodobka 111aad xarafaha b iyo t waxaa ku cad in awoodda hirgelinta siyaasadda lacagta iyo daabacadda uu leyahay bankiga dhexe. Hadaba waxa dhankaas Puntland ka soo wajahaya caqabad sharci iyo sidii ay mashruucaan ugu qancin lahayd hay’adaha sharciga.
Gunaanad
Waxaa marag ma doonto ah in loo baahanyahay lacag shilin Soomaali ah oo cusub. Waxaase isweydiin mudan habka ugu haboon ee lagu heli karo lacag sharci ah, hadiiba gudoomiyaha bankiga dhexe uu lacagtaan sharci darro ku tilmaamay. Waa jawaabta laga wada eegayo dhanka xukuumadda Pl iyo baanka dhexe ee Somalia labadaba. Waxa xukuumadda Pl si gaar ah looga eegaya, sidii ay ugu damaanad qaadi lahayd shacabkeeda oo kolkii horaba la liitay dhaqaalaha oo hooseeya, in aan culays dhaqaale oo horleh fuulin.

Mohamed Abdi Baldho

Dhammaad

Monday, August 31, 2015

Hawlgalka Galkacyo iyo saamaynta uu shacabka ku yeeshay.


Horudha:
22/08/2015 waxa bartamaha magaalada Galkacyo ka bilowday hawlgal ballaaran oo loogu magacdaray qorshaynta iyo dib u habaynta magaalada.  Waxaa si gaar ah bartilmaameedku ahaa xaruntii baanka ee gobolka, gurigii gobolka iyo in ay gacanta dowladda ku soo laabtaan dhammaan xarumihii dowladdii hore kuwaas oo in ka badan 25 sano ku jiray gacanta shacabka


Waxaan guud ahaan soo dhaweynaya qorshaha dib u soo celinta bilicda magaalada, furidda waddooyinkii xirmay iyo bixinta wadooyin cusub oo magaaladu yeelato. Waxaan kale oo aan ku talin lahaa in magaalada loo sameeyo biyo mareeno si looga baaqsado cudurada iyo nadaafad darrada ay sababaan biyaha maagalada dhex fariista xilli roobaadka.
Guud ahaan shacabka Galkacyo way soo dhaweeyeen hal abuurka dowladda wayna u dhega nuglaadeen baaqii ahaa banaynta xarumahaas, waxayna si hanbalaalaq iyo kala carar leh uga gurteen alaabtoodii goobihi la duminayey. Sidoo kale waxaa shacabka lagu aamaanay rabitaanka waxqabad dowli ah oo gobolka ka hirgala iyo martigelintii fiicnayd ee ay u sameeyeen ergadii ka qeyb gashay shir weynihii dhacay.
Khaladaadka dhacay
Saacado ka dib markuu Madaxweynuhu soo galay magaalada wuxuu magacaabay saddex guddi oo uu ka midyahay kan uu u xilsaaray bilicda magaalada iyo hantida dowladda. Run ahaantii guddigu ma ahayn mid aqoon ahaan iyo khibraad ahaanba isku miisaaman waxaadna mooda in ay mararka qaarkood lahaayeen ujeedooyin iska hor imaanaya.
Guddigaas aniga oo ku aamanaya waxyabaha wanaagsan ee ay qabteen hadana waxaa ka mid ahaa khaladaadka ay galeen:
·        Guddiga iyo dowladda hoose midkoodna ma soo bandhigin sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan, sidoo kale shaqadii dowladda hoose waxa  la wareegay xubno guddiga ka mid ah.

·        Guddigu ma samayn qorshe magaalo (Town plan) kaas wata naqshadii iyo habka ay doonayeen in ay magaaladu u ekaado hawlgalka ka dib.
·        Guddigu ma samayn la tashi bulshada gobolka sidoo kalana uma soo bandhigin qorshaha haduuba jiray iyo sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan
·        Dadka laga duminayey xarumaha ganacsi ama deegaan lama siin waqti ku filan oo ay ku baneeyaan ama hantidooda ku uruursadaan
·        Waxaa la dumiyey xarumo dowladeed oo aysan jirin sabab cad oo loo dumiyey maadaama ay dhisme ahaan ahaayeen kuwo adag dowladduna siyaabo kale uga faa’iidaysan kartay, hadii loo baahdana dayactir yar u baahna.
·        Waxa in badan shacabku ka cabanayaan in la dumiyey ama la calaamadiyey guryo ganacsi ama deegaan oo leh sharciyad dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bixisay ama ka hor kuwaas oo aan ku fadhiyin wado, hor ool xarun dowladeed guddiguna sharixi karin sababta loo dumiyey
·        Waxa aad u hoosaysa wada shaqaynta ka dhaxaysa guddiga dhexdiisa iyagoo marar badan ku murma iskuna khilaafa hawlmaalmeedkooda, taasna waxa sabab u ah guddiga oo aan qorshe guud dejin ee taa badalkeeda ku hawlgala hadba waxa subaxaa horyaal.
·        Waxa jira xubno si gaar ah uga soo dheereeyey guddiga kuwaas oo mararka qaarkood ka xoogbadiya guddiga intiisa kale iyo dowladda hoosaba.
·        Mararka qaarkood go’anka guri lagu duminayo wuxuu ka go’a dhalinta calaamadinaysa iyagoo isku qabsada calaamadi kan iyo mayee ka daa oo hadii mid ku adkayso sidaas lagu dumiyo hanti qofeed iyadoo aan sharciyad iyo qurxin magaalo midna loo eegin.
·        In aan waxba laga qaban wadooyinkii xirnaa ee ay ahayd horaantiiba in wax laga qabto, indhihii dowladdana lagu jeediyey meelo aan bilicda iyo wadooyinka midna wax u dhimayn.
·        Shacabka oo ka dacwoonayey in aan hab cadaalad ah wax loo wadin iyadoo meelaha qaar ka hordhisan xarun dowlo ama waddo aan wax laga qaban.
·        Naafooyin iyo dad jilicsan oo meelihii ay ku noolaayeen dowladdu ka saartay ama dumisay oo aan wax qorshe ah loo samayn.

Waxayaaba ka dhalan kara:


·        In kalsoonida shacabku ay dowladdooda ku qabaan dhunto kuwaas oo markii hore si hididiilo iyo wanaag leh u soo dhaweeyey hawlgalka dowladda
·        In dad shacab ah oo aan wax lug ah ku lahayn ku habsashada hantida dowladda lagu xadgudbo hantidoodiina sidaa lagu dumiyo waliba iyagoon waxba kala bixin.
·        In fashil ku yimaado hawlgalkii dowladda maadaama uusan qorshe fadhiya lahayn dadka iyo xukuumadduna iska horyimaadaan
·        In dadka qaarkood ka horyimaadaan hawlkgalka marka ay arkaan in aan guddigu hab cadaalad ah iyo hab qorshaysan midna wax ku wadin

Gunaanad:
Ugu danbayntii, xukuumadda, dolwadda hoose iyo guddiga loo xilsaaray dib u qaabaynta magaaladu waxay u baahan yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda, sidoo kalana ay ka dhigaan nidaamkooda mid isku xiran. Waxaa muhiim ah in xaafadaha magaalada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada talada wax laga siiyo, sidoo kalana lala socodsiiyo waxa ay dowladdu ka damacsan tahay xarumaha la banneeyey iyo sababta loo dumiyey kuwa la dumiyey. Waxa su’alo ka imaanayaan qofwalbana ay tahay inuu isweydiiyo goobaha la dumiyey ma dib baa loo dhisaya oo shacabka ayaa looga fa’iidaynaya mise waxa jira qorshayaal kale oo dowladda wali u qarsoon?

Dhammaad
Mohamed Abdi Baldho