Sunday, June 14, 2015

Riyo maalmeedka cadaado


Dadka ku nool gobolka Mudug gaar ahaan Puntland, waxay aamin san yihiin soona dhaweynayaan cid walba oo maamul iyo kala danbayn samaysanaysa. Waxay aaminsanyihiin nidaamka hoos ka dhis kur u dhis (bottom up approach). Waxay doonayaan nabad, horumar iyo xasiloni siyaasadeed.
Waxay doonayaan dowlad iyo midnimo Soomaaliyeed. Waxay doonayaan Somalia oo gacmaha is qabsata, federal ah maamulka iyo adeegyada dowladuna gaaraan deegaanada ka fog magaalooyinka. Marna kuma talin qeybna kama qaadan dadkaan dhibka iyo burburka walaalaha Soomaaliyeed.

Badalkeeda, dhanka konfurta Galkacyo iyo wixi ka koonfureeya waxaa ka socda wax u muuqda in ay caqabad ku yihiin inta kor ku xusan. Waxa qebyo qoraalka dastuurka cadaado lagu qoray in  maamulka imaan doona uu xaduud la yeelan doono konfurta gobolka Nugaal! http://www.codkamudug.com/daawo-sawiradagudiga-farsamada-maamul-usameenta-gobolada-dhexe-oo-bulshada-gaalkacyo-usoo-bandhigay-dastuurka-maamulka-uuyeelanayo-si-ay-uga-doodaan/ Waa riyo maalmeed aan dhib mooyee wax wanaag ah u siyaadin doonin kuwa doortay in ay khalkhaliyaan nabadda iyo xasiloonida mudada dheer lagu caano maalay iyagana la jecla in ay helaan mid la mida.

Waxaan oran lahaa dadka Soomaaliyeed luggooyada ka daaya. Ha u horseedinana burbur iyo dagaal sokeeye oo hor leh. Ogaada dadka aad xadkooda sheeganaysaan waxay tashadeen dowladna samaysteen 17 sano ka hor. Hadii la doonayo in xoog wax lagu qaatana horay u suurobi weyday oo waan wada ognahay. Sheegashadiinu waa uun suurad xumeeyn nidaamka federaliga ah ee lagu heshiiyey iyo qiil u raadin burburintiisa.

Waxaa nasiib darro iyo niyad jab ah, in dadkii ka shaqeeyey burburkii, gumaadkii iyo xasuuqii umadda Soomaaliyeed loo gaystay ay maanta mar kale u xiiso iyo hamuun qabaan in ay gaystaan wixii dhacay wax ka sii xun. Waxaan dareen sanahay cidda nidaamkii Somalia burbursay, hortaagnayd in ay dalka ka hirgasho dib u heshisiin iyo dowlad shaqeeysa ay wali hormuud u yihiin maleegidda wixii ay gaysteen wax la mida.

Iminka waxa idiin furan in aad doorataan wadada nabadgelyada ama wadada halaagga iyo burburka umadda Soomaaliyeed. Hadii aad tan hore doorataan waan wada libaanayna dalkuna tartiib tartiib ayuu u dhismi doona, hadiise aad qaadataan tan labaad wax aan hungo ahayn ka dhaxli maysaan waxayna hog dheer ku ridaysan in dalka nabad lagu soo dabaalo.

Ugud danbayntii Galkacyo waa meeshii Puntland laga dhisay, hadii ay meel kale aadaysana ma jiri doonto cid talada u gaarasa. Wixii talo iyo wanaag ah ee ku saabsan maqaamka, horumarka iyo ku wada noolaansha Galkacyo waan soo dhaweynayna, balse cidina yeysan isku dayin wax aan waxba uga kor dhayn dadka aad madaxda u tihiina been ha u sheegina.

Wa billahi towfiiq



Saturday, May 16, 2015

Gobanimadu waa guul


15 dhalin yaro ah, ay yarayd hawl-fududaynta  ay haysteen waxay u istaageen ujeedo weyn wayna ku guulaysteen. Walow dadka ay u adeegayeen ay ahaayeen isku af, diin iyo dhaqan hadana waxaa marwalba jirtay xaraaradda qabyaaladda gumaystuhuuna taas wuu dhiiri gelinyey si uu u qaybiyo dabadeedna u xukumo, iyaguse waa ka gudbeen caqabadaas.

Ma haysan shahaadooyin waaweyn, tignoolagiyadda wax sahasha ma jirin, malahayn gadiidk casriga ah kaas oo u sahla fulinta qorshohooda. Isgaarsiini ma jirin haday jirtana looma ogolayn. Waxay isticmaali jireen xoolaha ilaahay dalkaan ku manaystay sida awrta, dameerada iyo fardaha.

Dadka Somalidu meel walba ha joogaane gacanbaa la siiyoo, waa la sooray, xoolahaa la siiyey garab iyo gaashaanba waa loo noqday. Iyagu qabiil ma lahayn oo meel bay iska dhigeen dadkoodana waa ka waaniyeen.  Waxay wax walba ka hor mariyeen ujeedadoodii  wayna gaareen, waan hellay xornimadii siday ahaydse ugama fa’iidaysan iyagiina uguma abaal gudin.

Hadaba maxaan SYL ka baran karna?

1.      Yeelasho ujeedo weyn iyo gaariddeed
2.      Ku gaarista ujeedadaada hab nabad ah
3.      Midnmo iyo isku tanaasul
4.      Ka hormarin danta guud tan gaarka ah
5.      Is jeclayl iyo isku quurid
6.      Necbaanshaha cadowga Somalida iyo waxyaabo kale oo badan.


Dhalinta manta waxay haystaan dhammaan intii u fududayn lahayd gaaristay haday ujeedo yeeshaan. Waxay leeyihiin aqoon, waxay haystaan isgaarsiin casri ah, waxay haystaan gaadiid waxaase ka maqan hamigii iyo ku dhicidii. Ma jirto gool aan godad ka sokayn waase xallin kartaaye xalli. Aamin naftaada, isku kalsoonow, yeelo hiigsi iyo cid aad ku dayato SYL waxay kuu noqon karta calaamad aad hiigsato.  Waxay ahaayeen koox ku dayasho mudan ee ku dayo.

Gabogabo

Kuma filla SYL oo kale xaflado la qabto 15 ka May. Waxay u baahantahay in la la qoro taariikhdoodii, la baro ubadka lana dhigo maxfadyada qaranka wax loogu kaydiyo. Waan ognahay burburka dalka ku dhacay walina ka jira balse hadii aan hadda la isku dayin goorma ayaa la isu dayin. Waa la jooga waqtigii la isku dayi lahaa.

Mohamed Abdi

Thursday, May 14, 2015

Dadnimadu waa sharaf


Wakiilka xoghaya guud ee Somalia Nicholas Kay wuxuu dhawaan ka dhawaajey macquulnimada ciidan ka socda AMISOM oo Puntladn la geeyo. Walow la oran karo arrimo siyaasadeed kama marna hadalka wakiilku hadana wuxuu cuskaday arrimo ammaan. In ka badan labaatan kun ciidan AMISOM ah ayaa koonfurta Somalia jooga. Waxaa kale oo la sheega in ay dalka joogaan ciidamo aan la cayimin oo ka socda dalal kale oo shisheeye.

Ciidanka intaa le’eg meelaha ay joogan ammaan la isku hallayn karo kuma soo dabaalin. Puntland waxay leedahay ciidan hanan kara ammaanka hadii dib u habayn lagu sameeyo, la qalabeeyo lana siiyo xuquuqda ay mudanyihiin.

Xukuumadda Dr Gaas iyo dadka Puntland si isku mid ah ayey ugu gacan sayreen suurtagalnimada warkaas, waxaase is weydiin leh ujeedad  .ka danbaysa hadalka Kay.

Dad badani waxay aamin sanyihiin in ay jiraan xoogag dowladda federalka ka mid ah, Cabdi Qaybdiid iyo dad fikirka ku raacsan in ay in badan ku taamayeen in Galkacyo la keeno ciidan AMISOM ah. Kooxaasu waxay aaminsan yihiin hadii Galkacyo ciidan AMISOM ah la keeno in ay siyaasaddeeda iyo awoodeeda maamul gacan ku yeelanayaan gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale Konfurta Mudug iyo dowladda Federalkuba waxay aaminsan yihiin in la dhiso wax la yiraahdo Mudug iyo Galguduud. Waxay u muuqataa siyaasadda ka danbaysa AMISOM hala keeno inay hordhac u tahay fiditaanka maamulka dhismi doona oo dadka deegaanada Puntland aanay aqbali doonin.

Hadii la tayeeyo ciidanka Somalida gobolkasta ha joogaane waxaa xaqiiqo ah in ay ka dhiiranyihiin kana waxqabad wanaagsanyihiin kuwa AMISOM. Maxaa loo tayeyn la’yahay ciidanka Somalida si ay u xoojiyaan amniga ka jira meelaha aan AMISOM joogin? waa su'al jawaab u baahan.

Dhawaan Puntland iyo dowladda federalku waxay isla garteen ciidan ilaa saddex kun ah Puntland in loo qoondeeyo  daryeelkoodana federalku la wareego. Waxaa kale oo la isla aqbalay dhismaha ciidan qaran oo dalka oo dhan ka hirgala hawshiisiina way ka bilaabatay Xamar. Hadaba waxaan oran lahaa dadnimadu waxay ku jirta in maamul iyo shacabba iyagu sharafkooda ilaashadaan maankoodana ka saaraan in cid kale qaban doonto wax ay iyagu qaban waayeen.

Mohamed Abdi



dadnimdu waa sharaf

In a meeting convened to Puntland cabinet ministers have invalidated any possible AMISOM forces in Puntland in the morning of 13/05. “Puntland cabinet members hereby confirm that AMISOM troops can’t be brought to Puntland. We made our standpoint clear to the international partners and people of Puntland that the government is capable of defending its borders and territories,” read the press statement. A2/ http://horseedmedia.net/2015/05/13/puntland-guddiyada-dowladda-federaalku-magacabtey-lama-shaqeyneyno-puntland-ma-imaan-karaan/

Sunday, April 12, 2015

http://www.wupr.org/2014/04/18/the-new-face-of-somalia/ 
XOOGGA DALKA.

Maanta waa maalintii la unkay ciidanka xoogga dalka Somaliyeed. Waa maalin qiimo badan in la xasuustana mudan. Dhanka kale waa maalin murugo oo dalkeenii uu burbursanyahay lana daala dhacayo dhibaatooyin dhinacyo badan. 

Maanta waxaan xasuusan doona farxaddii asaaska xooga iyo difaacii dalka loo soo maray, sidoo kale waxaan xasuusan doona murugadii iyo halaagii dalka ka dhacay walina ka jiro. Waxaan xasuusnaan doona afganbigii military iyo wuxuu dalka dhaxalsiiyey oo dhib iyo dheefba lahaa. Waxaan xasuusnaan doona qiyamkii iyo qiimihii ciidanka Soomaaliyeed dunida kulahaa iyo sidii loo cisayn jiray, waxaan kale oo xasuusnaan doona sidii ay uga qeyb qaateen burburkii dalka ka dhacay uguna biireen beelihii ay ka soo jeedeen. Waxaan xasuusnaan doona kartidoodii iyo aqoontoodii sare, waxaan kale oo xasuusnaan doona askari labisan astaantii xooga dalka oo hadana dadkiisii dhibaataynaya.


Waxaan hada goob jog ka nahay banaanshaha ciidan Soomaaliyeed oo umadda u adeega. Waxaan kale oo arkayna rajo wanaagsanna ka qabna ifafaalo soo kabasho iyo dib u amaamud aan kalsooni ku qabo in ay maruun sharaftoodii iyo karaamadoodii ciidan soo ceshan doonaan. 

Waan u hanbalyeynaya dadkii ciidanka ahaan jiray, kuwa hada jira iyo kuwa mustaqbalka ku biiridoonama. Hanbalyo.