Tuesday, July 28, 2020
Saturday, June 27, 2020
Choices have consequences
Every decision you made today may have impact on you and the people you decide for-both in the short and the long run- Effective leaders do not make decisions hastily, based on their emotions and personal interests, but make decisions using decision making process while consulting all the concerned parts and those their decisions will have an effect. It’s equally important to weigh all the pros and cons of your decisions.
Comparing your options and choosing the right one is fundamental requirement in decision making process. If you don’t have the ability to choose one from two bad options, then you are not a decision maker. If you don’t have the ability to decide, then you are not a leader. If you are not a leader, perhaps, you are like a shipmaster without navigation. Obviously, your ship will eventually flounder and drowns.
In Somalia’s context, every decision we made today will have either direct or indirect influence on generations to come. The country is gradually recovering from 21 years of dictatorship, 30 years of brutal civil war, failed state and anarchism. We are in the process of state building where every government level has a role to play.
In this critical time, the decision-making process is equally important as the decisions you are making. If you don’t have the ability to include the process to all stakeholders, or you are intentionally denying them to have their say, then you are making bad decisions and the choices will have bad consequences. Think twice!
Mohamed Baldho
Wednesday, June 24, 2020
Sunday, June 14, 2020
Maxaan Ka Welwallaynaa?
Marka hore ila daawo akhrina laba sawir oo midna xaaladda #Puntland ka hadlayo midna shirka #Djibouti. Marka xiga hoos u raac oo ila akhri qoraalkaan aan uga faallooday shirka #Djibout.
Waxa ina welwel gelinaya ma ahan in Soomaali heshiiso ee waxa ina welwel gelinayaa in aanay ha’adaheenii dowliga ahaa aqoon waxa #Djibouti ka socda iyo sababta ay u aadeen madaxdii sare ee dalku.
Waxaa ina welwel gelinaya in #Djibouti ay ka soo baxaan go’aamo saamayn mustaqbal ku yeesha mandiqadda Geeska Africa, kuwaas oo lagu wax yeelaynayo jiritaanka, midnimada iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa ina welwel gelinaya in #Djibouti ay ka soo baxaan go’aamo saamayn mustaqbal ku yeesha mandiqadda Geeska Africa, kuwaas oo lagu wax yeelaynayo jiritaanka, midnimada iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan ognahay in Maraykanku labo ujeedo oo kaliya ka leeyahay mashruuca Is-dhexgalka Geeska Africa (Horn of Africa Integration program):
a) In uu halkaa ka waardiyeeyo China iyo Ruushka uuna Geeska oo dhan ku soo koobo hal boton oo uu marna xiro marna furo.
b) In uu halkaa ka xoojiyo mashruuca la dagaalanka argagixisada.
Waxaad moodaa go’aamo badan oo quseeya masiirka #Somalia in dowladda Maraykanku gaarto. Tusaale ahaan, in Madaxweynaha Somalia casumo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka oo la filayo in dhawaan xarunta Xalane shir uga furmo, in aqoonsi ku meel gaar ah la siiyo Ahmed Madoobe si uu shirkaas uga soo qeybgalo iyo in dhammaan go’aamadaan soo baxaan inta aanu furmin shirka Djibouti.
In go’aamada masiiriga ah ee dalkaaga ay qaataan dowlado shisheeye waa waxa ugu weyn ee dadka Soomaalida ah cabsigelinaya, isla markaasna abuuraysa welwelka ah maxaa shirka #Djibouti ka soo bixi doona.
Nasiib darada ugu weyn, waxay haysataa xukuumadda #Puntland oo korkeeda ciyaar farsamaysan lagu dheelay iyo iyadii oo ku guul darraysatay in ay hesho xogta shirka #Djibouti oo ay kala mid ahayd shacabka Soomaaiyeed ilaa iyo hadana kala mid ah.
Cabsidu ma ahan in Soomaalidu heshiiso iyo in wax weyn oo lama filaan ah la isku quuro waana istaahillaa taa. Cabsidu waa in ay dhacaan wax weyn oo aayaha iyo mustaqbalka jiritaanka Somalia khatar ku ah.
Aynu rajeyno guul taxaddar huwan.
Mohamed Baldho
Sunday, May 31, 2020
BAAQ XALINTA KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND
Taariikh: 31.05.2020
BAAQ XALINTA KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND
Golaha Puntland Current Trend (PCT) oo ay ku midaysan yihiin aqoon yahan, siyaasiyiin iyo ganacsato rag iyo haweenba leh oo reer Puntland ah waxay muujinayaan sida aadka ah ee ay uga xunyihiin khilaafka soo wajahay hay’adda fulinta dowladda Puntland.
Goluhu wuxuu aad uga xun yahay iyadoo wadanku ku jiro xaalado adag sida daadadkii soo rogmaday, cudurada aduunka saameeyey sida Covid19 iyo xaalado amni iyo kuwa siyaasadeed in khilaaf soo kala dhexgalo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, isla markaana uu niyad jab iyo jaah wareer ku abuuro shacabka Puntland dal iyo dibadba.
Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhammaan qaybihii isku dayey xalinta khilaafka madaxdda sare ee Puntland. Goluhu wuxuu walaac ka muujinaynaa inaan ilaa hadda wax xal ah laga gaarin khilaafka jira. Waxaa sidoo kale goluhu soo dhaweynayaa dadaalka bilowga ah ee ay wadaan qeybo ka mida Isimadda Puntland.
Puntland waxaa lagu soo dhisay laguna soo maamuley midnimo, tixgelin, turniimo iyo heshiis bulsho, kaas oo ay u dhammaayeen hoggaanka dhaqanka iyo kan siyaasadduba. Waxaa marwalba tixgelin gaar ah la siin jiray duruufaha amni, siyaasdeed iyo midnimada guud. Sidaas darteed, waxaa annagoo ku hadlayna magaca dhammaan dadka ay ku weyn tahay dhul udug, isla markaana daneynayna wanaagga iyo wada jirka Puntland, ugu baaqaynaa madaxdda sare ee Puntland inay ilaaliyaan wada jirka iyo deganaanshaha dalka.
Goluhu waxaa uu ku talinaya:
1. In khilaafka hoos loo dhammeeyo danta guudna laga hormariyo danaha gaarka ah.
2. In midnimada, deganaanshaha iyo wada jirka shacabka reer Puntland la ilaaliyo taladana wax laga siiyo dhamman waxgaradka sida isimadda, siyaasiyiinta, aqoon yahanka, qurba joogta ururada bulshada, ganacsatada iyo gabdhaha Puntland.
3. In bulshada reer Puntland oo ay ugu horreeyaan isimadu qaataan kaalintooda ku aadan xallinta khilaafka aloosan si looga baaqsado in khilaafku sii daba dheeraado iyo in uu sababo cawaaqib xumo ka dhalan karta sii jiitankiisa.
4. In Isimadu ay la tashiyo la sameeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Puntland ka hor inta aanay kulamo la samayn darafyada khilaafku ka dhexeeyo.
5. Inaan marna dhinacuu doono ha noqdee la isku deyin in ismaan dhaafkaan lagu xalliyo mooshinno iska soo horjeeda oo la horgeeyo Golaha Wakiilada Puntland isla markaana golaha Wakiiladu ka dhawrsadaan ku milanka xiisadda ka taagan waaxda fulinta.
6. In dhammaan wixii khilaafka sababay loo xalliyo si wada jir, wada tashi iyo isla ogol ah laguna saleeyo dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal.
7. In la sameeyo Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si hadda ka dib loo helo marjac markii khilaaf dastuuri ahi yimaado loo laabto.
Puntland Current Trend (PCT) waa madal ay ku mideysan yihiin aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah, kuwaas oo kala jooga dunida daafaheeda. Waxaa madashu u dhisan tahay ka doodista, odoroska iyo abla-ableynta iyo talo-bixinta xaaladaha taagan, tagtada iyo timadaada guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaanna Puntland.
Dhammaad.
KAAHOW U KAADSO.
Marka la tixgeliyo duruufaha qallafsan ee dalku ku sugan yahay, suuragal ma ahan in Puntland laga hirgeliyo xisbiyo siyaasadeed.
Si loo helo axsaab siyaasadeed waxaa lagama maarmaan ah in la helo tirarkii ay ku istaagi lahaayeen oo ay ugu horrayso nidaam qeexan oo la raaco, guddi doorasho iyo in loo sinaado warbaahinta dowladda.
Waxaas oo dhan waxa ka muhiimsan inuu jiro amni la isku hallayno karo iyo xuduudaha dalka ama state ka oo sugan kuna jira gacanta dowladda. Waxaa muhiim ah in la helo tirakoob dadweyne, diiwaangelin shacab iyo kala xadaynta goboladii iyo degmooyinkii Puntland abuurtay.
Waxa haatan Puntland ka socdaa ma ahan hirgelin ururo siyaasadeed kuwaas oo hadhowna ay ka soo bixi doonaan xisbiyo rasmiya. Ururka siyaaseedka #KAAH oo ah mid ay xukuumaddu samaysatay, wuxuu si cad u baalmaray shuruucdii iyo xeerarkii qabyada ahaa ee loo dajiyey inay ku socdaan ururada siyaasadda Puntland.
Waxaa muuqata in urur siyaasadeedka #KAAH uu la midyahay urursiyaasadeedkii “HORSEED, kaas oo isku dayey inuu si farsamaysan ku boobo doorashaadii #Puntland ka dhacday 2014kii.
Waxaa la xaqiijinayaa in urur siyaasadeedka #KAAH uu si aan loo meel dayin u isticmaalayo hantida shacabka reer #Puntland, taas oo halkii canshuurta dada loogu adeegi lahaa loo adeegsaday furitaanka iyo qabalaynta xafiisyada ururka ee gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyadoo godomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka la faray inay ururka qeyb ka noqdaan isla markaasna degmo waliba bixiso kharaska ku baxaya hawlaha xafiiskeeda, sababtu waa iyadoon xubnaha ururka laga qaadin wax lacag ah (Membership fee). Sidaa si la mida, waxaa shaqaalaha dowladda lagu khasbayaa inay xubin ka noqdaan ururka #KAAH.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), waxay soo jeediyeen dhammaadkii bisha April in la hakiyey muddo labo bilood ah hawlihii guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland isla markaasna waxay ku amreen ururadii isdiiwaangeliyey inay shaqadooda hakiyaan iyagoo sabab uga dhigay cudurka #Covid19. Waxaad moodaa inaan dheg jalaq loo siin soo jeedintii iyo habraacii guddiga doorashooyinka, taas oo meesha ka saaraysa kalsoonidii lagu qabay oo awalba hoosaysay hadii ay hawlaha #KAAH sidooda ku aqbalaan.
waxaa xusid mudan in aan loo sinayn warbaahinta dowladda #Puntland oo aan ururada kale ilaa iyo hada u adeegsan karin si la mida sida ururka #KAAH.
Dhanka kale, waxaynu ognahay in ay #Puntland ka jirto xaalad deganaansho la’aan siyaaseed, taas oo u baahan inta aan laga hadlin ururo siyaasadeed oo si gacan ku rimis ah ku yimaada in la mideeyo dadka #Puntland isla markaasna laga shaqeeyo amnigooda iyo arkaanta kale ee muhiimka u ah in dalka laga hirgeliyo ururo siyaasadeed oo dadku wada aqbali karaan.
FG. Anigu kama mid ahi ururada iminka Puntland looga dhawaaqay iimana qorshaysna inaan ka mid noqdo inta wax laga qabanayo qodobada kor ku xusan.
Mohamed Baldho
Saturday, May 9, 2020
Aafada Covid19 iyo ilduufka Soomaalida
Somalia waxaa faraha ka sii baxaya xogta iyo xakamaynta cudurka #Covid19. Magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa laga soo warinayaa inay dadku u daadsanyihiin xanuun aan la garanayn balse leh calaamadihii #Covid19 oo ay ugu horrayso qandho qofka ka waalinaysa. Waxaa kale oo aad u kordhay dadka dhimanaya oo aan la aqoon sababta geeridooda. Taas waxaad ka garan kartaa tacsida baraha bulshada.
Dhanka kale, dadku waxay iska diideen inay u hoggaansamaan talooyinka bahda caafimaadka. Waxaa xanuunkii loo rogay mid utun iyo ceeb leh (stigma). Waxaa dadku iska diideen inay tagaan goobaha wax lagu baaro iyo kuwa dadka lagu gooni sooco (Quarantine Centres) sababa dhawr ah awgood:
1. Awoodda hay’adaha caafimaadka iyo aqoontooda la xiriirta Covidka oo aad u hoosaysa, sidaas darteedna qofku aanu ku kalsoonayn inuu helayo adeegga caafimaad ee uu u baahan yahay iyo nolosha xarumaha dadka lagu gooni sooco aad u hoosaysa meelaha qaarkood.
2. Qofkii looga shakiyo xanuunka oo lagu samaynayo gooni sooc iyadoo aan dib loo eegayn gurigii uu ka soo toosay. Caadiyan xanuunkaan calaamadihiisu waxay qofka ka soo bixi karaan muddo u dhaxaysa asbuuc ilaa labo asbuuc, waxaana muhiim ah in qofka xanuunka lagu arkay lala gooni sooco dhammaan dadkii uu la noola ama uu xiriirka la sameeyey ugu yaraan labadaas asbuuc. Khasab ma ahan in meel loo kexeeyo ee waxay isku gooni sooci karaan guriga ay ku nool yihiin. Tanu Somalia suuragal kama ahan waqtiga aan joogno.
3. Dadka xanuunsan badankooda oo ah kuwo qoysaskooda usoo dhiciyaa nolol maalmeedka, oo hadii lagu sameeyo gooni sooc aaminsan in qoysaskoodu cidlo ku soo dhacayaan.
4. Dowladda ama maamulada dalka ka jira oo aan lahayn awood dhaqaale oo ay dadka la gooni soocay qoysaskooda ku taakulayn karaan.
5. Dhaqanka iyo madax adaygga qofka Soomaaliga ah oo meel walba oo uu dunida uga nool yahay, inkirsan jiritaanka xanuunka diidayna inuu u hogaansamo talooyinka dadka lagu samata bixinayo.
Sababahaas aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale, waxay kallifeen inaan dadku tagin goobaha caafimaadka ama xanuunka qarsadaan.
Dhanka kale, waxaa dadku ma dhalays u arkaan bandhowga habeenkii ah iyadoo dadku maalintii isku dhex jiraan, taas oo iyada laftigeedu hada ay u muuqato inay shaqayn wayday oo noloshii magaalooyinku xilliga habeenka si caadi ah ku soo noqonayso.
Tallaabooyinka ugu haboon ee la qaadi karo
Hadaba si loo yareeyo dadka ku halaagsamayaa masiibada #Covid19, waxaa haboon in la qaado tallaaboyinkaan soo socda:
- In qof walba dhankiisa masuuliyad isaga saaro caafimaadkiisa, kan qoyskiisa iyo kan bulshadiisa.
- In dadku iyaga oo dhacsanaya nolol maalmeedkooda, hadana u hogaansamaan talooyinka bahda caafimaadka sida kala si kashada, af-xirashada iyo nadaafadda jirka, gaar ahaan fara dhaqashada.
- In dowladdu ku dedaasho sidii lagu tayeyn lahaa goobaha caafimaadka si loola tacaalo dadka cudurku soo ridanayo, gaar ahaan kuwa u baahan qalabka lagu neefsado.
- In la xoojiyo wacyigelinta ku aadan khatarka xanuunka iyo sida looga hortagi karo.
- In madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamauladu ka run sheegaan xaaladda khatarta ah ee xanuunku leeyahay iyo sida baahsan ee uu dalka u aafeeyey iyo in aanay awoodin baaritaan waafi ah iyo la tacaalidda dadka xanuunku soo rito.
Allah ha sakhiro.
Mohamed Baldho
Subscribe to:
Posts (Atom)






