Sunday, June 14, 2020

Maxaan Ka Welwallaynaa?




Marka hore ila daawo akhrina laba sawir oo midna xaaladda #Puntland ka hadlayo midna shirka #Djibouti. Marka xiga hoos u raac oo ila akhri qoraalkaan aan uga faallooday shirka #Djibout.

Waxa ina welwel gelinaya ma ahan in Soomaali heshiiso ee waxa ina welwel gelinayaa in aanay ha’adaheenii dowliga ahaa aqoon waxa #Djibouti ka socda iyo sababta ay u aadeen madaxdii sare ee dalku.

Waxaa ina welwel gelinaya in #Djibouti ay ka soo baxaan go’aamo saamayn mustaqbal ku yeesha mandiqadda Geeska Africa, kuwaas oo lagu wax yeelaynayo jiritaanka, midnimada iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ognahay in Maraykanku labo ujeedo oo kaliya ka leeyahay mashruuca Is-dhexgalka Geeska Africa (Horn of Africa Integration program):

a)     In uu halkaa ka waardiyeeyo China iyo Ruushka uuna Geeska oo dhan ku soo koobo hal boton oo uu marna xiro marna furo.

b)    In uu halkaa ka xoojiyo mashruuca la dagaalanka argagixisada.

Waxaad moodaa go’aamo badan oo quseeya masiirka #Somalia in dowladda Maraykanku gaarto. Tusaale ahaan, in Madaxweynaha Somalia casumo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka oo la filayo in dhawaan xarunta Xalane shir uga furmo, in aqoonsi ku meel gaar ah la siiyo Ahmed Madoobe si uu shirkaas uga soo qeybgalo iyo in dhammaan go’aamadaan soo baxaan inta aanu furmin shirka Djibouti.

In go’aamada masiiriga ah ee dalkaaga ay qaataan dowlado shisheeye waa waxa ugu weyn ee dadka Soomaalida ah cabsigelinaya, isla markaasna abuuraysa welwelka ah maxaa shirka #Djibouti ka soo bixi doona.

Nasiib darada ugu weyn, waxay haysataa xukuumadda #Puntland oo korkeeda ciyaar farsamaysan lagu dheelay iyo iyadii oo ku guul darraysatay in ay hesho xogta shirka #Djibouti oo ay kala mid ahayd shacabka Soomaaiyeed ilaa iyo hadana kala mid ah.

Cabsidu ma ahan in Soomaalidu heshiiso iyo in wax weyn oo lama filaan ah la isku quuro waana istaahillaa taa. Cabsidu waa in ay dhacaan wax weyn oo aayaha iyo mustaqbalka jiritaanka Somalia khatar ku ah.

Aynu rajeyno guul taxaddar huwan.


Mohamed Baldho 

Sunday, May 31, 2020

BAAQ XALINTA KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND

                                                                                                      








                                                                                                                 Taariikh: 31.05.2020

BAAQ XALINTA KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND

Golaha Puntland Current Trend (PCT) oo ay ku midaysan yihiin aqoon yahan, siyaasiyiin iyo ganacsato rag iyo haweenba leh oo reer Puntland ah waxay muujinayaan sida aadka ah ee ay uga xunyihiin khilaafka soo wajahay hay’adda fulinta dowladda Puntland. 

Goluhu wuxuu aad uga xun yahay iyadoo wadanku ku jiro xaalado adag sida daadadkii soo rogmaday, cudurada aduunka saameeyey sida Covid19 iyo xaalado amni iyo kuwa siyaasadeed in khilaaf soo kala dhexgalo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, isla markaana uu niyad jab iyo jaah wareer ku abuuro shacabka Puntland dal iyo dibadba.

Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhammaan qaybihii isku dayey xalinta khilaafka madaxdda sare ee Puntland. Goluhu wuxuu walaac ka muujinaynaa inaan ilaa hadda wax xal ah laga gaarin khilaafka jira. Waxaa sidoo kale goluhu soo dhaweynayaa dadaalka bilowga ah ee ay wadaan qeybo ka mida Isimadda Puntland.

Puntland waxaa lagu soo dhisay laguna soo maamuley midnimo, tixgelin, turniimo iyo heshiis bulsho, kaas oo ay u dhammaayeen hoggaanka dhaqanka iyo kan siyaasadduba. Waxaa marwalba tixgelin gaar ah la siin jiray duruufaha amni, siyaasdeed iyo midnimada guud. Sidaas darteed, waxaa annagoo ku hadlayna magaca dhammaan dadka ay ku weyn tahay dhul udug, isla markaana daneynayna wanaagga iyo wada jirka Puntland, ugu baaqaynaa madaxdda sare ee Puntland inay ilaaliyaan wada jirka iyo deganaanshaha dalka.

Goluhu waxaa uu ku talinaya:
1.     In khilaafka hoos loo dhammeeyo danta guudna laga hormariyo danaha gaarka ah.
2.     In midnimada, deganaanshaha iyo wada jirka shacabka reer Puntland la ilaaliyo taladana wax laga siiyo dhamman waxgaradka sida isimadda, siyaasiyiinta, aqoon yahanka, qurba joogta ururada bulshada, ganacsatada iyo gabdhaha Puntland.
3.     In bulshada reer Puntland oo ay ugu horreeyaan isimadu qaataan kaalintooda ku aadan xallinta khilaafka aloosan si looga baaqsado in khilaafku sii daba dheeraado iyo in uu sababo cawaaqib xumo ka dhalan karta sii jiitankiisa.
4.     In Isimadu ay la tashiyo la sameeyaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Puntland ka hor inta aanay kulamo la samayn darafyada khilaafku ka dhexeeyo.
5.      Inaan marna dhinacuu doono ha noqdee la isku deyin in ismaan dhaafkaan lagu xalliyo mooshinno iska soo horjeeda oo la horgeeyo Golaha Wakiilada Puntland isla markaana golaha Wakiiladu ka dhawrsadaan  ku milanka xiisadda ka taagan waaxda fulinta.
6.     In dhammaan wixii khilaafka sababay loo xalliyo si wada jir, wada tashi iyo isla ogol ah laguna saleeyo dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal. 
7.     In la sameeyo Maxkamaddii Dastuuriga ahayd si hadda ka dib loo helo marjac markii khilaaf dastuuri ahi yimaado loo laabto.



Puntland Current Trend (PCT) waa madal ay ku mideysan yihiin aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah, kuwaas oo kala jooga dunida daafaheeda. Waxaa madashu u dhisan tahay ka doodista, odoroska iyo abla-ableynta iyo talo-bixinta xaaladaha taagan, tagtada iyo timadaada guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaanna Puntland.

Dhammaad.


KAAHOW U KAADSO.



Marka la tixgeliyo duruufaha qallafsan ee dalku ku sugan yahay, suuragal ma ahan in Puntland laga hirgeliyo xisbiyo siyaasadeed. 

Si loo helo axsaab siyaasadeed waxaa lagama maarmaan ah in la helo tirarkii ay ku istaagi lahaayeen oo ay ugu horrayso nidaam qeexan oo la raaco, guddi doorasho iyo in loo sinaado warbaahinta dowladda. 

Waxaas oo dhan waxa ka muhiimsan inuu jiro amni la isku hallayno karo iyo xuduudaha dalka ama state ka oo sugan kuna jira gacanta dowladda. Waxaa muhiim ah in la helo tirakoob dadweyne, diiwaangelin shacab iyo kala xadaynta goboladii iyo degmooyinkii Puntland abuurtay.

Waxa haatan Puntland ka socdaa ma ahan hirgelin ururo siyaasadeed kuwaas oo hadhowna ay ka soo bixi doonaan xisbiyo rasmiya. Ururka siyaaseedka #KAAH oo ah mid ay xukuumaddu samaysatay, wuxuu si cad u baalmaray shuruucdii iyo xeerarkii qabyada ahaa ee loo dajiyey inay ku socdaan ururada siyaasadda Puntland. 

Waxaa muuqata in urur siyaasadeedka #KAAH uu la midyahay urursiyaasadeedkii “HORSEED, kaas oo isku dayey inuu si farsamaysan ku boobo doorashaadii #Puntland ka dhacday 2014kii.

Waxaa la xaqiijinayaa in urur siyaasadeedka #KAAH uu si aan loo meel dayin u isticmaalayo hantida shacabka reer #Puntland, taas oo halkii canshuurta dada loogu adeegi lahaa loo adeegsaday furitaanka iyo qabalaynta xafiisyada ururka ee gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyadoo godomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka la faray inay ururka qeyb ka noqdaan isla markaasna degmo waliba bixiso kharaska ku baxaya hawlaha xafiiskeeda, sababtu waa iyadoon xubnaha ururka laga qaadin wax lacag ah (Membership fee). Sidaa si la mida, waxaa shaqaalaha dowladda lagu khasbayaa inay xubin ka noqdaan ururka #KAAH.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), waxay soo jeediyeen dhammaadkii bisha April in la hakiyey muddo labo bilood ah hawlihii guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland isla markaasna waxay ku amreen ururadii isdiiwaangeliyey inay shaqadooda hakiyaan iyagoo sabab uga dhigay cudurka #Covid19. Waxaad moodaa inaan dheg jalaq loo siin soo jeedintii iyo habraacii guddiga doorashooyinka, taas oo meesha ka saaraysa kalsoonidii lagu qabay oo awalba hoosaysay hadii ay hawlaha #KAAH sidooda ku aqbalaan.

waxaa xusid mudan in aan loo sinayn warbaahinta dowladda #Puntland oo aan ururada kale ilaa iyo hada u adeegsan karin si la mida sida ururka #KAAH.

Dhanka kale, waxaynu ognahay in ay #Puntland ka jirto xaalad deganaansho la’aan siyaaseed, taas oo u baahan inta aan laga hadlin ururo siyaasadeed oo si gacan ku rimis ah ku yimaada in la mideeyo dadka #Puntland isla markaasna laga shaqeeyo amnigooda iyo arkaanta kale ee muhiimka u ah in dalka laga hirgeliyo ururo siyaasadeed oo dadku wada aqbali karaan.

FG. Anigu kama mid ahi ururada iminka Puntland looga dhawaaqay iimana qorshaysna inaan ka mid noqdo inta wax laga qabanayo qodobada kor ku xusan.

Mohamed Baldho

Saturday, May 9, 2020

Aafada Covid19 iyo ilduufka Soomaalida



Somalia waxaa faraha ka sii baxaya xogta iyo xakamaynta cudurka #Covid19. Magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa laga soo warinayaa inay dadku u daadsanyihiin xanuun aan la garanayn balse leh calaamadihii #Covid19 oo ay ugu horrayso qandho qofka ka waalinaysa. Waxaa kale oo aad u kordhay dadka dhimanaya oo aan la aqoon sababta geeridooda. Taas waxaad ka garan kartaa tacsida baraha bulshada.

Dhanka kale, dadku waxay iska diideen inay u hoggaansamaan talooyinka bahda caafimaadka. Waxaa xanuunkii loo rogay mid utun iyo ceeb leh (stigma). Waxaa dadku iska diideen inay tagaan goobaha wax lagu baaro iyo kuwa dadka lagu gooni sooco (Quarantine Centres) sababa dhawr ah awgood:


1. Awoodda hay’adaha caafimaadka iyo aqoontooda la xiriirta Covidka oo aad u hoosaysa, sidaas darteedna qofku aanu ku kalsoonayn inuu helayo adeegga caafimaad ee uu u baahan yahay iyo nolosha xarumaha dadka lagu gooni sooco aad u hoosaysa meelaha qaarkood.

2. Qofkii looga shakiyo xanuunka oo lagu samaynayo gooni sooc iyadoo aan dib loo eegayn gurigii uu ka soo toosay. Caadiyan xanuunkaan calaamadihiisu waxay qofka ka soo bixi karaan muddo u dhaxaysa asbuuc ilaa labo asbuuc, waxaana muhiim ah in qofka xanuunka lagu arkay lala gooni sooco dhammaan dadkii uu la noola ama uu xiriirka la sameeyey ugu yaraan labadaas asbuuc. Khasab ma ahan in meel loo kexeeyo ee waxay isku gooni sooci karaan guriga ay ku nool yihiin. Tanu Somalia suuragal kama ahan waqtiga aan joogno.

3. Dadka xanuunsan badankooda oo ah kuwo qoysaskooda usoo dhiciyaa nolol maalmeedka, oo hadii lagu sameeyo gooni sooc aaminsan in qoysaskoodu cidlo ku soo dhacayaan.

4. Dowladda ama maamulada  dalka ka jira oo aan lahayn awood dhaqaale oo ay dadka la gooni soocay qoysaskooda ku taakulayn karaan.

5. Dhaqanka iyo madax adaygga qofka Soomaaliga ah oo meel walba oo uu dunida uga nool yahay, inkirsan jiritaanka xanuunka diidayna inuu u hogaansamo talooyinka dadka lagu samata bixinayo.


Sababahaas aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale, waxay kallifeen inaan dadku tagin goobaha caafimaadka ama xanuunka qarsadaan. 



Dhanka kale, waxaa dadku ma dhalays u arkaan bandhowga habeenkii ah iyadoo dadku maalintii isku dhex jiraan, taas oo iyada laftigeedu hada ay u muuqato inay shaqayn wayday oo noloshii magaalooyinku xilliga habeenka si caadi ah ku soo noqonayso.

Tallaabooyinka ugu haboon ee la qaadi karo


Hadaba si loo yareeyo dadka ku halaagsamayaa masiibada #Covid19, waxaa haboon in la qaado tallaaboyinkaan soo socda:

  • In qof walba dhankiisa masuuliyad isaga saaro caafimaadkiisa, kan qoyskiisa iyo kan bulshadiisa.
  •  In dadku iyaga oo dhacsanaya nolol maalmeedkooda, hadana u hogaansamaan talooyinka bahda caafimaadka sida kala si kashada, af-xirashada iyo nadaafadda jirka, gaar ahaan fara dhaqashada.
  •  In dowladdu ku dedaasho sidii lagu tayeyn lahaa goobaha caafimaadka si loola tacaalo dadka cudurku soo ridanayo, gaar ahaan kuwa u baahan qalabka lagu neefsado.
  •   In la xoojiyo wacyigelinta ku aadan khatarka xanuunka iyo sida looga hortagi karo.
  •   In madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamauladu ka run sheegaan xaaladda khatarta ah ee xanuunku leeyahay iyo sida baahsan ee uu dalka u aafeeyey iyo in aanay awoodin baaritaan waafi ah iyo la tacaalidda dadka xanuunku soo rito.



Allah ha sakhiro.

Mohamed Baldho






Thursday, May 7, 2020

Doorashooyinka Somalia iyo Khatarta soo Fool leh


Somalia in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah (one person one vote) suuragal ma ahan xilli doorasheedkaan 2020/21. Sidoo kale suuragal ma ahan meeshana sooma geli karto, ugu yaraan sida hadda wax yihiin, in hay’adaha dastuuriga ah ee dalka kuwooda doorashooyinka ku yimid xil kordhin loo sameeyo.

Dowladda federaalka ah  ee Somalia waxaa looga fadhiyey iyada oo kaashanaysa, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, in laga shaqeeyo sidii hannaan hufan oo doorasho xor iyo xalaal ah dalka looga qaban lahaa. Suuragalnimada in laga wada shaqeeyo hannaan lagu midaysan yahay oo dalka doorasho looga qabto ayaa ah mid aad u yar. Sidaas daradeed waxaa muuqata in dalku geli doono qalalaase siyaasadeed (Political crises), kolka ay ay soo idlaato muddo sharciyeedka jiritaanka hay’daha dowliga ah ee doorashooyinka ku yimid.

Doorashooyinkii 2016/17 iyo Madashii Hoggaanka Qaranka





Hadaan dib u milicsano doorashooyinkii dalka ka qabsoomay sanadihii 2016/17 ee lagu soo doortay labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweyaha iminka talada haya, waxaa hadaa oo kale dalku ku jiray jawi doorasho (Election mode), iyadoo ay Madashii Hoggaanka Qaranku (National Leadership Forum) iyo saaxibada Somalia ee caalamiga ah, si wada jir ah uga shaqaynayeen hannaanka ugu haboon ee dalka doorasho looga qaban karo. Walow hannaankii doorasho ee 2016/17 aanu ahayn midkii ugu haboonaa ee doorasho dalka looga qaban karay, hadana wuxuu ahaa midkii ugu wanaagsanaa fursadihii markaas jiray.

Waxaa mudnaan iyo mahad gaar ah leh Madaxweynihii xilligaas ee dowladda federalka Somalia  Mudane Hassan Sh Mohamud, golihii xukuumadda ee Cumar Cabdirashiid iyo madaxdii maamuladii dalka ka jiray ee sida wada jirka ah uga shaqeeyey inaanay dalka ka dhicin maqnaansho dhanka awoodda ah (Power vacuum) kuna dedaalay in dalka doorasho ka dhacdo.

Waxaa kale oo ammaan mudnaa bulshada caalamka ee sida dhow ula shaqaysay Madsha Hoggaanka Qaranka iyo odayaasha dhaqanka si loo helo doorasho waqtigeedii dhacda.

Xildhibaanada hada jira waxaa lagu soo doortay nidaamkii 51 ergo ee odayaashu soo xuleen dabadeedna iyagu doortay xilibaanka beeshaas ku matalaya qaranka Soomaaliyeed, halka xubnaha aqalka sare ay soo magacaabeen madaxdii dowlad goboleedyadu dabadeedna barlamaanka dowlad goboleedku cod ku kala saaray xubnihii loo soo gudbiyey.

Hadaba, waxaa is weydiin leh, hadii madaxda federalku ay ku guul darraystaan in ay abaabulaan sidii dalka doorasho uga dhici lahayd maxa dhici kara? 

Waxaa dhici karta sidii aan qoraalka qaybtiisa kore ku xusay in uu dhaco qalalaase siyaasadeed oo dalka hareeya iyo in xukuumadda federaalka iyo labada aqal ee dalkuba lumiyaan sharciyadda ay iminka ku fadhiyaan, taas oo macna tiraysa jiritaankooda dalkana gelin karta xaalad khatar ah.

Si dalku uga badbaado inuu galo xaalad noocaas ah, waxaa la gudboon madaxda federalku inay talada dhulka dhigaan si deg-deg ahna u bilaabaan wadahadalo una raadiyaan wadiiqadii dalku uga badbaadi lahaa inuu galo qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur.

Talo soo jeedinta Puntland






Xukuumadda Puntland waxay soo jeedisay nidaam doorasho oo la yiraahdo 2016 plus, kaas oo aad u qeexaya meeshii laga aadi lahaa isgooyska khatarta ah ee dalku maanta taagan yahay. Waxaan ku talin lahaa in nidaamkaas la qaato ama asaga lagu dul dhiso nidaam waafi ah oo dalka doorasho uga dhici karto. Sidoo kale waxaa mudnaan leh in la dhagaysto talooyinka ay soo jeedinayaan madaxda mucaaradka qaarkood, kuwaas oo iyaguna qaba welwelka aan qabno mid la mida.

Waan garan karnaa laxawga iyo xanuunka ay leedahay hannaan doorasho oo aan ku dhisnayn nidaamka qof iyo cod, waxaase xaqiiq ah in dowladda federaalku ku guul darraysatay hirgelinta nidaamkas dastuuriga ah iyo inay diyaarin weyday jawigii doorasho dalka uga dhici lahayd oo amnigu ugu horreyo. Taasi saamixi mayso in golayaasha maanta jira laga ogolaado inay waqtiga dheeraystaan iyo in ay dalka qalalaase siyaasadeed geliyaan.

Qadarin,

Mohamed Baldho



Wednesday, April 15, 2020

Qof gaajaysan iyo guriga joog #Covid19




Cudurka #Covid19 waa tijaabadii ugu adkayd ee dunida soo food saarta tan iyo dagaalkii labaad ee dunida (WWII). Madaxda aduunku waxay awooddoodii oo dhan isugu geeyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen yaraynta dhibaatada nafeed iyo dhaqaale burbur ee cudurkanu reebay. Waxay si joogto ah wacyigelin u siiyaan shacabkooda, iyaga oo uga xog warama hadba meesha wax marayaan, tallaabooyinka ay qaadeen ee ay tahay in la fuliyo iyo gurmadka iyo gargaarka dowladuhu shacabkooda u fudiyaan.

Dalka Somalia oo 30 sano aanay dowladnimo shaqaysaa ka jiran, waxaa aad u burburay kaabayaasha caafimaadka. Dakhaatiirta Soomaalidu waxay isugu jiraan in gabowday iyo dhalinyaro dedaalaysa balse khibradoodu yartahay aanna haysan tas-hiilaad caafimaad oo ay ugu babac dhigi karaan cudurkaan khatarta badan. Taasu waxay sababtay sida meelo badan oo dunida ka dhacday in shaqaalihii caafimaadku noqdaan dhibanayaasha kowaad ee xanuunkaan.

Waxaa kale oo xujo iyo xaalad adag ka taagan tahay, qaab nololeedka bulshadeena oo si walba u diidan inuu la jaanqaado amarada maamulada dalka ka jira iyo talooyinka bahda caafimaadka. Waxaa jira dhaqaale xumo baahsan, iyada oo dadka intooda badan ku tiirsan yihiin soo dhacsiga nolol maalmeedkooda. Taasu waxay meesha ka saartay guryaha jooga oo ruux gaajaysan guri kuma jiri karo. Ma jirto dowlad gargaar dhaqaale bixin karta oo dadku ku tiirsanaan karaan. Dhanka kale qeybo badan oo bulshada ka mida ma awoodaan inay faraha dhaqdaan, waayo ma haystaan biyo ay ku dhaqaan oo waxayba la’yihiin kuwo ay cabbaan saabuunta lagu faraxashana warkeeda daa. Dhaqanka Soomaalida reer magaalka ah, wuxuu ina baray isku dhex milan bulshada iyaga oo wax walba wadaaga, haba ugu horrayaan maasaajidda, madaarista, iskuulada, mukhaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Mar hadii dhaqan dhaqaalaha soomaalidu aanu la jaanqaadi karin xaaladaha lagu maarayn karo ka hortagga iyo faafidda xanuunkaan dilaaga ah, waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed inay raacaan talooyinkaan inta karaankood ah:

  1. Raac talooyinka bahda caafimaadka iyo maamulada dalka ka jira.

  1. Isku day hadaad heli karto inaad faraha dhaqdo adiga oo saabuun isticmaalaya.

  1. Marka aad wax iibsanaysaan kala fogaada ugu yaraan labo mitir.

  1. Joojia salaanta gacanta oo adeegso tan islaamka.

  1. Isku day inaad sanka xiratid adiga oo isticmaalaya cimaamaddaada ama khamaarkaaga.

  1. Ku dadaal inaad lacagta mobile kaaga ku bixisid intii suuragal ah.



Mohamed Baldho