Monday, July 6, 2015

Jahadiiba iga halowdoo jid aan u baxaanan hayn!


Guud ahaan xaaladda Somalia ay ku sugan tahay ma ahan mid ka farxinaysa muwading kasta oo jecel in uu arko wadankiisa oo nabad ah cagtana saaray wadadii dib u soo kabashada iyo horumarka. Marka aad dib u eegto dhacdooyin dhawr ah oo dalka soo wajahay asbuucyadii la soo dhaafay ayna ugu weynayd jabkii ciidanka Burundi, banayntii AMISOM degaano muhiim ah, kala xiriir furashada dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dhammaan arrimahaas waxay ku tusinaysa in xukuumadda Hasan Sh Mohamud uu gabalkeedu sii dhacayo.
Maanta, waxay baarlamaanka federalku ansixiyeen laba guddi oo kal ah guddiga xuduudaha iyo kan doorashoooyinka. Waa laba guddi oo muhiim u ah dowladnimada dalka, dib u heshisiin iyo soo kabasho qaran Somaliyeed.
Waxa muuqata in magacaabista guddiyadaan aan loo marin wado is qancin iyo wada tashi, ansixintooduna ay u dhacday sidaas si la mid ah. Puntland iyo Jubaland labaduba waa ka horyimadeen Koonfurgalbeedna ma hubo in ay ku qanacsanyihiin.
Marka laga eego muhiimadda shaqada guddiyadaan looga fadhiyo halbeeggooda kowaad waa kalsoonidda cidda ay u garqaadayaan. Guddi cid gaar ah magacaabatay uma garqaadi karaan dad colaadi ka dhaxayso waxna isku haysta. Hadii arrinka dalku sidaas u sahlan yahay sheekaduba halkaas ma soo gaarteen.
Dhanka kale marka aad eegto xukuumadda uu Hasan Shiekh garwadeenka ka yahay, waxaad mooda in ay iska dhaga tirayso xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta dibna aysan u daraasayn marxaladihii la soo maray oo ay joob joog u ahaayeen. Si ula kac ay ayey qas iyo qalaalaso uga abuureen Gobolka Mudug iyada oo si dhab ah u og xasaasiyadda ka jirta.
Tusaale ahaan Galmudug oo loola jeedo Mudug iyo Galguduud, waxaa qalalaaso ula kac ah la dhexdhigaya dad walaalo ah oo daris wanaag ku noola muddo dheer oo dalka nabad la’ani ka jirtay. Hadii loola jeedo Galguduud iyo Koonfurta Mudugna waa sharci darro maadaama dastuurku farayo laba gobol iyo wax ka badan. Bal xujadaas adigu fur!
 Hadii dowladda federalka ay dhab ka tahay wajahidda iyo wax ka qabashada xaalka Mudug waxay u dayn lahayd reer Mudug in ay xallistaan iyaduna ku gacan siiso. Markaa ama Mudug meel bay isku raaci lahayd ama waxa soo bixi lahaa in loo sameeyo maqaam gaar ah sida dunidaba uga dhacda in meelaha qaarkood la siiyo maqaam gaar ah. Mudug inteeda badan waxay wax ka dhisatay Puntland muddo laga joogo 17 sano walina diyaar bay u tahay in ay ka sii mid ahaato.
Marka aad eegto guud ahaan arrimaha kor ku xusan waxa kuu soo baxaysa xil kasnimo la’aanta iyo qar iska tuuridda maamulka Madaxweynane Xasan Sheekh waana mid aan wadanka meella gaynayn.
Dhamaad

Mohamed Abdi


Saturday, July 4, 2015

Doorashada Guuleed


Abdikarim Hussien Guled oo soo noqday wasiirkii arrimha gudaha iyo kii Amniga ee dowladda Hasan Shiek ayaa hada loo doortay xilka Madaxweynaha shirkii ka socday Cadaado. Wuxuu ku guulaystay 49  isagoo ka guulaystay la tartamihii ay isku soo hareen wareegga saddexaad 40 cod kaas oo asna horay u ahaa Madaxa Sirdoonka ee dowladdii Sheikh Shariif Sh Ahmed.

Waxa shirka soo camiray wasiirada dowladda Federalka oo ay ka midyihiin Odowa iyo Caynte. Waxa kale oo ka soo qayb galay odayaasha beelaha hawiye.  Waxa iyana fadhiyey siyaasiyiin  saamayntooda lehWaxaa iska muuqatay in Wasiirada dowladdu cidiyaha ku dagaalameen si ay Mr Guuleed usoo saaraan, taas oo aad moodo in ay ku guulaysteen. Waxa si cad u muuqatay in hardangku u dhexeeyo Damjadiid iyo Alla Sheekh oo iska dhaxlay xukunka dalka. 

Cabdi Qaybdiid oo isagu u haraaday dhismaha maamulkan kuna taamayey in xuduudka Galmudug laga dhigo xadka Nugaal ayaan isagu soo hoyin guul la taaban karo, walow oo markii danbe ku faylay kooxda Cabdikarim.

Sida aan horayba u sheegay dowladda Federalku waxay shirkaan galisay waqti, dhaqaalo iyo juhdi aad u fara badan. Waxa ugu weyn ee la oran karo way ka leedahayna waa in ay la shir tagto 2016 ka in ay baahisay maamulkii dalka, soo dhistay qeyb ka mida dowladihii qeybta ka noqon laha dowladda federalka ah iyo ujeedada ugu weyn oo ah in ay hesho jaal siyaasadeed oo ku garab istaaga  hanashada xukunka dalka mar labaad.

Isku soo duubo Abdikarim H Guled waxa hortaal hawl aad u baaxadweyn oo ay ka mid tahay, nabadaynta beelaha dega Galguduud iyo Konfurta Mudug, qaadista isbaarooyinka sharcidaradda ah, ammaanka, abuurista ila dhaqaale iyo tan ugu weyn oo ah qancinta iyo la xaajoodka Ahlu Sunna Wal Jameeca oo iyaguna horaantii asbuucaan Madaxweyne ku doortay caasimadda Galguduud ee Dhuusa Mareeb. Waxa kale oo xujo weyn ku noqon doonta inuu dadka uu madaxda u yahay ka dhaadhiciyo inuusan xukumin Mudug ee halka loo doortay ay tahay Galguduud iyo Konfurta Mudug.


Waxaan u rajaynaya maamulkaas dhismay nabad, horumar iyo daris wanaag.

Mohamed Abdi

Wednesday, July 1, 2015

Maxaan ku xasuusana 1da Luulyo?



1da Luulyo waa maalin ku weyn dadka Soomaalida. Waa maalintii ay xornimada qataday qaybtii la oran jiran Italian Somaliland. Waa maalintii ay midoobeen labadii goobood ee ay kala haysteen gumaystaha Ingiriiska iyo Talyaanigu. Dad badan way ka murugoodaan maqalka maalintaas waxayna u arkaan in aan dalku ka fa’iidaysan fursaddaas qaaliga ahayd ee in badani u hureen naftoodii iyo maalkoodiba.

Wallow badi mujtamacu xornimada doonayeen, iyadoo aysan jirin wax xornimo ka qaalisan marka islaanimada laga reebo hadana waxa jiray kuwo Soomaali ah oo u arkayey in gumaystuhu dalka sii joogo Soomaliduna aanay ahayn kuwo is maamuli kara. Ra’yigaas in badanba maanta u guuxay!

Dhanka kale waxa jira dad ku dooda xuska maalinta iyo habka loo weyneeyo in aanu ahayn mid ka wada tarjumi kara dareenka dadka iyo wayahoodii kala duwana xilligii gobanimo doonka iyo kolkii la helay ka gadaalba. Waxay dadkaasu ku doodayaan in xaflado la qabta iyo heeso la qaada aanay wax weyn ka tarayn taariikhda umadda balse ay haboonaan lahayd in ay dadku arkaan wixii ay u halgamayeen kuwii geeriyoodayna ubadkoodu goostaan mirihii ay aabayaashood beereenk. ka sheekaynta taariikhdii halgamayaasha iyo dhib iyo dheef wixii la soo maray Iyana waa arrin kale oo muhiimaddeeda lahaan lahayd.

Isku soo duuboo Somalia oo ka mid ahayd dalalkii xornimada Africa ugu horqaatay maantana u dabaal degaysa 55 guradii maalintaas qiimaha badnayd, ma aanay helin wixii ay gayday dadkeeduna wuxuu ku kala firdhay daafaha dunida iyagoo aanan haysan xushmadda iyo karaamada asaagood ku naaloodaan ayna ugu horayso ammaanka, dhawrista sharafka mudaadinka, codaynta iyo doorashada madaxtooda. 55 sano ka dib dadku ma haystaan xornimo dhaqaale, mid siyaasadeed, wax barasho iyo mid aayo ka talin toona.

Waxaan jeclaan lahaa in aan u dabaal dego xornimo buuxda, ciid iyo calan camiran,  leh xuquuq qof ahaaneed, dhaqaale, waxbarasho, iyo hiigsasho horumar. Waxaan marlabaad idiinku hanbalyeynaya xornimo sharaf leh iyo in aan isku taagno helidda xornimo aan gayno.

Alla Mahad leh.


Mohamed Abdi

Sunday, June 14, 2015

Riyo maalmeedka cadaado


Dadka ku nool gobolka Mudug gaar ahaan Puntland, waxay aamin san yihiin soona dhaweynayaan cid walba oo maamul iyo kala danbayn samaysanaysa. Waxay aaminsanyihiin nidaamka hoos ka dhis kur u dhis (bottom up approach). Waxay doonayaan nabad, horumar iyo xasiloni siyaasadeed.
Waxay doonayaan dowlad iyo midnimo Soomaaliyeed. Waxay doonayaan Somalia oo gacmaha is qabsata, federal ah maamulka iyo adeegyada dowladuna gaaraan deegaanada ka fog magaalooyinka. Marna kuma talin qeybna kama qaadan dadkaan dhibka iyo burburka walaalaha Soomaaliyeed.

Badalkeeda, dhanka konfurta Galkacyo iyo wixi ka koonfureeya waxaa ka socda wax u muuqda in ay caqabad ku yihiin inta kor ku xusan. Waxa qebyo qoraalka dastuurka cadaado lagu qoray in  maamulka imaan doona uu xaduud la yeelan doono konfurta gobolka Nugaal! http://www.codkamudug.com/daawo-sawiradagudiga-farsamada-maamul-usameenta-gobolada-dhexe-oo-bulshada-gaalkacyo-usoo-bandhigay-dastuurka-maamulka-uuyeelanayo-si-ay-uga-doodaan/ Waa riyo maalmeed aan dhib mooyee wax wanaag ah u siyaadin doonin kuwa doortay in ay khalkhaliyaan nabadda iyo xasiloonida mudada dheer lagu caano maalay iyagana la jecla in ay helaan mid la mida.

Waxaan oran lahaa dadka Soomaaliyeed luggooyada ka daaya. Ha u horseedinana burbur iyo dagaal sokeeye oo hor leh. Ogaada dadka aad xadkooda sheeganaysaan waxay tashadeen dowladna samaysteen 17 sano ka hor. Hadii la doonayo in xoog wax lagu qaatana horay u suurobi weyday oo waan wada ognahay. Sheegashadiinu waa uun suurad xumeeyn nidaamka federaliga ah ee lagu heshiiyey iyo qiil u raadin burburintiisa.

Waxaa nasiib darro iyo niyad jab ah, in dadkii ka shaqeeyey burburkii, gumaadkii iyo xasuuqii umadda Soomaaliyeed loo gaystay ay maanta mar kale u xiiso iyo hamuun qabaan in ay gaystaan wixii dhacay wax ka sii xun. Waxaan dareen sanahay cidda nidaamkii Somalia burbursay, hortaagnayd in ay dalka ka hirgasho dib u heshisiin iyo dowlad shaqeeysa ay wali hormuud u yihiin maleegidda wixii ay gaysteen wax la mida.

Iminka waxa idiin furan in aad doorataan wadada nabadgelyada ama wadada halaagga iyo burburka umadda Soomaaliyeed. Hadii aad tan hore doorataan waan wada libaanayna dalkuna tartiib tartiib ayuu u dhismi doona, hadiise aad qaadataan tan labaad wax aan hungo ahayn ka dhaxli maysaan waxayna hog dheer ku ridaysan in dalka nabad lagu soo dabaalo.

Ugud danbayntii Galkacyo waa meeshii Puntland laga dhisay, hadii ay meel kale aadaysana ma jiri doonto cid talada u gaarasa. Wixii talo iyo wanaag ah ee ku saabsan maqaamka, horumarka iyo ku wada noolaansha Galkacyo waan soo dhaweynayna, balse cidina yeysan isku dayin wax aan waxba uga kor dhayn dadka aad madaxda u tihiina been ha u sheegina.

Wa billahi towfiiq



Saturday, May 16, 2015

Gobanimadu waa guul


15 dhalin yaro ah, ay yarayd hawl-fududaynta  ay haysteen waxay u istaageen ujeedo weyn wayna ku guulaysteen. Walow dadka ay u adeegayeen ay ahaayeen isku af, diin iyo dhaqan hadana waxaa marwalba jirtay xaraaradda qabyaaladda gumaystuhuuna taas wuu dhiiri gelinyey si uu u qaybiyo dabadeedna u xukumo, iyaguse waa ka gudbeen caqabadaas.

Ma haysan shahaadooyin waaweyn, tignoolagiyadda wax sahasha ma jirin, malahayn gadiidk casriga ah kaas oo u sahla fulinta qorshohooda. Isgaarsiini ma jirin haday jirtana looma ogolayn. Waxay isticmaali jireen xoolaha ilaahay dalkaan ku manaystay sida awrta, dameerada iyo fardaha.

Dadka Somalidu meel walba ha joogaane gacanbaa la siiyoo, waa la sooray, xoolahaa la siiyey garab iyo gaashaanba waa loo noqday. Iyagu qabiil ma lahayn oo meel bay iska dhigeen dadkoodana waa ka waaniyeen.  Waxay wax walba ka hor mariyeen ujeedadoodii  wayna gaareen, waan hellay xornimadii siday ahaydse ugama fa’iidaysan iyagiina uguma abaal gudin.

Hadaba maxaan SYL ka baran karna?

1.      Yeelasho ujeedo weyn iyo gaariddeed
2.      Ku gaarista ujeedadaada hab nabad ah
3.      Midnmo iyo isku tanaasul
4.      Ka hormarin danta guud tan gaarka ah
5.      Is jeclayl iyo isku quurid
6.      Necbaanshaha cadowga Somalida iyo waxyaabo kale oo badan.


Dhalinta manta waxay haystaan dhammaan intii u fududayn lahayd gaaristay haday ujeedo yeeshaan. Waxay leeyihiin aqoon, waxay haystaan isgaarsiin casri ah, waxay haystaan gaadiid waxaase ka maqan hamigii iyo ku dhicidii. Ma jirto gool aan godad ka sokayn waase xallin kartaaye xalli. Aamin naftaada, isku kalsoonow, yeelo hiigsi iyo cid aad ku dayato SYL waxay kuu noqon karta calaamad aad hiigsato.  Waxay ahaayeen koox ku dayasho mudan ee ku dayo.

Gabogabo

Kuma filla SYL oo kale xaflado la qabto 15 ka May. Waxay u baahantahay in la la qoro taariikhdoodii, la baro ubadka lana dhigo maxfadyada qaranka wax loogu kaydiyo. Waan ognahay burburka dalka ku dhacay walina ka jira balse hadii aan hadda la isku dayin goorma ayaa la isu dayin. Waa la jooga waqtigii la isku dayi lahaa.

Mohamed Abdi

Thursday, May 14, 2015

Dadnimadu waa sharaf


Wakiilka xoghaya guud ee Somalia Nicholas Kay wuxuu dhawaan ka dhawaajey macquulnimada ciidan ka socda AMISOM oo Puntladn la geeyo. Walow la oran karo arrimo siyaasadeed kama marna hadalka wakiilku hadana wuxuu cuskaday arrimo ammaan. In ka badan labaatan kun ciidan AMISOM ah ayaa koonfurta Somalia jooga. Waxaa kale oo la sheega in ay dalka joogaan ciidamo aan la cayimin oo ka socda dalal kale oo shisheeye.

Ciidanka intaa le’eg meelaha ay joogan ammaan la isku hallayn karo kuma soo dabaalin. Puntland waxay leedahay ciidan hanan kara ammaanka hadii dib u habayn lagu sameeyo, la qalabeeyo lana siiyo xuquuqda ay mudanyihiin.

Xukuumadda Dr Gaas iyo dadka Puntland si isku mid ah ayey ugu gacan sayreen suurtagalnimada warkaas, waxaase is weydiin leh ujeedad  .ka danbaysa hadalka Kay.

Dad badani waxay aamin sanyihiin in ay jiraan xoogag dowladda federalka ka mid ah, Cabdi Qaybdiid iyo dad fikirka ku raacsan in ay in badan ku taamayeen in Galkacyo la keeno ciidan AMISOM ah. Kooxaasu waxay aaminsan yihiin hadii Galkacyo ciidan AMISOM ah la keeno in ay siyaasaddeeda iyo awoodeeda maamul gacan ku yeelanayaan gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale Konfurta Mudug iyo dowladda Federalkuba waxay aaminsan yihiin in la dhiso wax la yiraahdo Mudug iyo Galguduud. Waxay u muuqataa siyaasadda ka danbaysa AMISOM hala keeno inay hordhac u tahay fiditaanka maamulka dhismi doona oo dadka deegaanada Puntland aanay aqbali doonin.

Hadii la tayeeyo ciidanka Somalida gobolkasta ha joogaane waxaa xaqiiqo ah in ay ka dhiiranyihiin kana waxqabad wanaagsanyihiin kuwa AMISOM. Maxaa loo tayeyn la’yahay ciidanka Somalida si ay u xoojiyaan amniga ka jira meelaha aan AMISOM joogin? waa su'al jawaab u baahan.

Dhawaan Puntland iyo dowladda federalku waxay isla garteen ciidan ilaa saddex kun ah Puntland in loo qoondeeyo  daryeelkoodana federalku la wareego. Waxaa kale oo la isla aqbalay dhismaha ciidan qaran oo dalka oo dhan ka hirgala hawshiisiina way ka bilaabatay Xamar. Hadaba waxaan oran lahaa dadnimadu waxay ku jirta in maamul iyo shacabba iyagu sharafkooda ilaashadaan maankoodana ka saaraan in cid kale qaban doonto wax ay iyagu qaban waayeen.

Mohamed Abdi



dadnimdu waa sharaf

In a meeting convened to Puntland cabinet ministers have invalidated any possible AMISOM forces in Puntland in the morning of 13/05. “Puntland cabinet members hereby confirm that AMISOM troops can’t be brought to Puntland. We made our standpoint clear to the international partners and people of Puntland that the government is capable of defending its borders and territories,” read the press statement. A2/ http://horseedmedia.net/2015/05/13/puntland-guddiyada-dowladda-federaalku-magacabtey-lama-shaqeyneyno-puntland-ma-imaan-karaan/