Monday, August 31, 2015

Hawlgalka Galkacyo iyo saamaynta uu shacabka ku yeeshay.


Horudha:
22/08/2015 waxa bartamaha magaalada Galkacyo ka bilowday hawlgal ballaaran oo loogu magacdaray qorshaynta iyo dib u habaynta magaalada.  Waxaa si gaar ah bartilmaameedku ahaa xaruntii baanka ee gobolka, gurigii gobolka iyo in ay gacanta dowladda ku soo laabtaan dhammaan xarumihii dowladdii hore kuwaas oo in ka badan 25 sano ku jiray gacanta shacabka


Waxaan guud ahaan soo dhaweynaya qorshaha dib u soo celinta bilicda magaalada, furidda waddooyinkii xirmay iyo bixinta wadooyin cusub oo magaaladu yeelato. Waxaan kale oo aan ku talin lahaa in magaalada loo sameeyo biyo mareeno si looga baaqsado cudurada iyo nadaafad darrada ay sababaan biyaha maagalada dhex fariista xilli roobaadka.
Guud ahaan shacabka Galkacyo way soo dhaweeyeen hal abuurka dowladda wayna u dhega nuglaadeen baaqii ahaa banaynta xarumahaas, waxayna si hanbalaalaq iyo kala carar leh uga gurteen alaabtoodii goobihi la duminayey. Sidoo kale waxaa shacabka lagu aamaanay rabitaanka waxqabad dowli ah oo gobolka ka hirgala iyo martigelintii fiicnayd ee ay u sameeyeen ergadii ka qeyb gashay shir weynihii dhacay.
Khaladaadka dhacay
Saacado ka dib markuu Madaxweynuhu soo galay magaalada wuxuu magacaabay saddex guddi oo uu ka midyahay kan uu u xilsaaray bilicda magaalada iyo hantida dowladda. Run ahaantii guddigu ma ahayn mid aqoon ahaan iyo khibraad ahaanba isku miisaaman waxaadna mooda in ay mararka qaarkood lahaayeen ujeedooyin iska hor imaanaya.
Guddigaas aniga oo ku aamanaya waxyabaha wanaagsan ee ay qabteen hadana waxaa ka mid ahaa khaladaadka ay galeen:
·        Guddiga iyo dowladda hoose midkoodna ma soo bandhigin sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan, sidoo kale shaqadii dowladda hoose waxa  la wareegay xubno guddiga ka mid ah.

·        Guddigu ma samayn qorshe magaalo (Town plan) kaas wata naqshadii iyo habka ay doonayeen in ay magaaladu u ekaado hawlgalka ka dib.
·        Guddigu ma samayn la tashi bulshada gobolka sidoo kalana uma soo bandhigin qorshaha haduuba jiray iyo sida ay doonayaan in ay magaalada wax uga qabtaan
·        Dadka laga duminayey xarumaha ganacsi ama deegaan lama siin waqti ku filan oo ay ku baneeyaan ama hantidooda ku uruursadaan
·        Waxaa la dumiyey xarumo dowladeed oo aysan jirin sabab cad oo loo dumiyey maadaama ay dhisme ahaan ahaayeen kuwo adag dowladduna siyaabo kale uga faa’iidaysan kartay, hadii loo baahdana dayactir yar u baahna.
·        Waxa in badan shacabku ka cabanayaan in la dumiyey ama la calaamadiyey guryo ganacsi ama deegaan oo leh sharciyad dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay bixisay ama ka hor kuwaas oo aan ku fadhiyin wado, hor ool xarun dowladeed guddiguna sharixi karin sababta loo dumiyey
·        Waxa aad u hoosaysa wada shaqaynta ka dhaxaysa guddiga dhexdiisa iyagoo marar badan ku murma iskuna khilaafa hawlmaalmeedkooda, taasna waxa sabab u ah guddiga oo aan qorshe guud dejin ee taa badalkeeda ku hawlgala hadba waxa subaxaa horyaal.
·        Waxa jira xubno si gaar ah uga soo dheereeyey guddiga kuwaas oo mararka qaarkood ka xoogbadiya guddiga intiisa kale iyo dowladda hoosaba.
·        Mararka qaarkood go’anka guri lagu duminayo wuxuu ka go’a dhalinta calaamadinaysa iyagoo isku qabsada calaamadi kan iyo mayee ka daa oo hadii mid ku adkayso sidaas lagu dumiyo hanti qofeed iyadoo aan sharciyad iyo qurxin magaalo midna loo eegin.
·        In aan waxba laga qaban wadooyinkii xirnaa ee ay ahayd horaantiiba in wax laga qabto, indhihii dowladdana lagu jeediyey meelo aan bilicda iyo wadooyinka midna wax u dhimayn.
·        Shacabka oo ka dacwoonayey in aan hab cadaalad ah wax loo wadin iyadoo meelaha qaar ka hordhisan xarun dowlo ama waddo aan wax laga qaban.
·        Naafooyin iyo dad jilicsan oo meelihii ay ku noolaayeen dowladdu ka saartay ama dumisay oo aan wax qorshe ah loo samayn.

Waxayaaba ka dhalan kara:


·        In kalsoonida shacabku ay dowladdooda ku qabaan dhunto kuwaas oo markii hore si hididiilo iyo wanaag leh u soo dhaweeyey hawlgalka dowladda
·        In dad shacab ah oo aan wax lug ah ku lahayn ku habsashada hantida dowladda lagu xadgudbo hantidoodiina sidaa lagu dumiyo waliba iyagoon waxba kala bixin.
·        In fashil ku yimaado hawlgalkii dowladda maadaama uusan qorshe fadhiya lahayn dadka iyo xukuumadduna iska horyimaadaan
·        In dadka qaarkood ka horyimaadaan hawlkgalka marka ay arkaan in aan guddigu hab cadaalad ah iyo hab qorshaysan midna wax ku wadin

Gunaanad:
Ugu danbayntii, xukuumadda, dolwadda hoose iyo guddiga loo xilsaaray dib u qaabaynta magaaladu waxay u baahan yihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda, sidoo kalana ay ka dhigaan nidaamkooda mid isku xiran. Waxaa muhiim ah in xaafadaha magaalada iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada talada wax laga siiyo, sidoo kalana lala socodsiiyo waxa ay dowladdu ka damacsan tahay xarumaha la banneeyey iyo sababta loo dumiyey kuwa la dumiyey. Waxa su’alo ka imaanayaan qofwalbana ay tahay inuu isweydiiyo goobaha la dumiyey ma dib baa loo dhisaya oo shacabka ayaa looga fa’iidaynaya mise waxa jira qorshayaal kale oo dowladda wali u qarsoon?

Dhammaad
Mohamed Abdi Baldho


Thursday, July 30, 2015

Hanaanka kala guurka 2016-ka iyo Hardanka saamilayda



Guddoonka golaha wakiiladda dowladda federaliga ah ee Somalia waxaay soo saareen go’an ay isla qaateen sida ku cad qoraalkooda hay’adaha federaliga ah, kaas oo looga dooday go’anna looga gaaray doorashooyinkii ku astaysna in ay dalka ka dhacaan sanada 2016. Go’anka golayaasha dowladdu wuxu ku soo aaday iyadoo maalin ka dib uu shirweyn ka furmay magaalada Xamar. Fur lifaaqaan si aad u hesho go’anka baarlamaanka.  http://somali.raxanreeb.com/2015/07/goaan-ka-soo-baxay-guddoonka-baarlamaanka-soomaaliya-ee-doorashada-2016-ka-akhri/
Madaxweynaha, xukuumadda iyo baarlamaanka midkoodna ma oran dalka doorasho ka dhici mayso balse waxaay ku adkaysteen in aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Iyada oo arrinkani yahay mid dalka muhiimad gaar ah u leh hadana wada tashi iyo munaqisho ku filan lagalama samayn go’amadaan masiiriga ah ciddi ay quseeysay oo dhan, lagumana casumin dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka.
Hadalka wakiilka xoghayaha guud
Dhanka kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay arrimaha Somalia u qaabilsan Nicholas Kay, wuxuu sheegay in ay dalka ka dhacayso doorasho ka duwanaan doonta middii sanadka 2012 dalka ka dhacday. Waxuu carabka ku dhuftay in la isla qiray marna inaysan dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod wuxuuse taa badelkeeda sheegay in nuuc doorasho ah ay dalka ka dhici doonto. Eeg hadalka Kay http://somali.raxanreeb.com/2015/07/nicholas-kay-soomaaliya-waxaa-ka-dhaceysa-2016-ka-doorasho-ka-duwan-midii-2012-dhacday/
Dareenka dowlad goboleedyada
Puntland iyo Jubba land oo labaduba saamiley xoog iyo miisnba ku leh siyaasadda, amniga iyo danaha Somalia midkoodna ma tagin shirka Xamar ka socda xiriirka iyaga oo dowladda federalka ka dhexeeyana wuxuu maraya meeshii ugu hoosaysay. Puntland waxa gaar u ah inay ku dhawaaqday shirweyne looga xaajaysto geedisocodka iyo hanaanka ugu haboon ee dalka doorasho uga dhici karto.  Eeg lifaaqaan si aad u aragto hadalka Puntland arrinkaas ka soo saartay. http://horseedmedia.net/wpcontent/uploads/2015/07/PUNTLAND%E2%80%99S-POSITION-ON-THE-HLPF-MEETING-HELD-IN-MOGADISHU-ON-THE-29-OF-JULY-2015-PDF.pdf  Jubbaland iyana waxay muujisay diidmo taa la mid ah.
Doorashada iyo 2016-ka
Hadaan doorashada u soo laabto, qof walba oo siyaasadda iyo ammaanka Somalia xog ogaal u ah si dhowna ula socda wuu dareen san yahay in aanay doorasho hal qof iyo hal cod (one man one vote) dalka ka dhici karin. Waxa jira noocyo badan oo doorashooyin oo dunidu isticmaasho, waxaase is weydiin leh habka ugu macquulsan ee dhinacyada ay dheeshu ka dhaxayso ku wada qanci karaan, ugu yaraan wax uun wada raali galiya dhinacyadaas dalka uga dhici lahayeen.
Wadooyinka Furan:
1.      In waqtiga loo dheereey baarlamaanka iyo xukuumadda hada shaqeeya si ay dalka u gaarsiiyaan doorasho rasmi ah, taas oo aan mujtamaca inta badan, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka iyo beesha caalamka midna u cuntamayn
2.      In baarlamaanka waqtiga loo kordhiyo ka dibna la doorto madaxweyne asna uu xukuumad soo dhiso. Tan laftigeeda way ka dabacsan tahay tii hore balse iyaduna waxay u egtahay mid aan la aqbali karin.
3.      In la soo xulo ergo ku miisaaman habkii kuwii ansixisay dastuurka ku meel gaarka ah loo soo xulay dabadeedna ay doortaan barlamaan, baarlamaankaas uu doorto madaxweyne, madaxweynuhuna uu xukuumad soo dhiso.
4.      Talada afraad waa in la soo xulo ergo dabadeedna ay iyagu madaxweynaha doortaan.
5.      Waxaa jiri kara habab kale oo aanan meesha ka saari karin.
Dhankii loo dhigaaba iyo mid walba oo qodobadaan la qaataba waxay fulideedu ku xiran tahay hadba sida ay ugu qancaan saami layda siyaasadda Somalia. Sida ay tanaasul dhexdooda ah u sameeyaan iyo sida ay ugu naxaan dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.

Dhammaad

Soo dhaweynta Faroole iyo dareenka dowladda Gas



Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) waa Madaxweynihii Puntland ee ka horeeyey  xilkana ku wareejiyey Madaxweynaha iminka talada haya Abdiwali M Ali Gas. Faroole shalay ayuu dalka dib ugu soo noqday isaga oo ka maqna muddo sanad iyo bar ka badan. Waxa gegidda diyaaradaha ee Garowe ku soo dhaweeyey boqolaal qof oo ubadan dadweynaha Garowe iyo  qeybo kale oo isugu jira xubno xukuumaddiisa hore ka tirsana uuna ugu horeeyo Madaxweyne ku xigeenkii Cabdisamad Ali Shire oo marka aad eegto sida ay isku garab socdeen magaaladana ugu dhex lugeeyeen aad ugu ekayd xilligii ay talada hayeen.

Waxaa oo si weyna uga dhex muuqday soo dhaweynta Faroole Gen Muhyidiin Ahmed oo dhawaan ka soo galay gadood ciidan kuna soo xarooday qorshe uu ka soo shaqeeyey Ra’isal Wasaare CCC. Waxa kale oo soo dhaweynta qeyb ka ahayd inkastoo ayan si fiican uga dhex muuqan xukuumadda hada jirta wasiiro ka mid ah iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga ka yimid kuwaas oo xiisa gaar ah lahaa.

Walow uu Faroole Madaxweyne hore yahay xaqna u leeyahay ilaalinta amnigiisa iyo soo dhaweyn xushmadaysan, hadana waxaa shalay muuqatay soo dhaweyn siyaasadaysan. Tusaale ahaan marka aad eegto baraha internetka ay ku leeyihiin qaybo ka mida dadkii soo dhaweyey, hadaaqa iyo hadalada in badan oo bulshada ka mida waxa loo fasiran karay in ay fariin adag u dirayeen xukuumadda Gas laguna muujinayey in aysan dalka gaarsiin halkii laga filayey amaba markii hore looga tagay.

Hadaan u soo laabto hadalkii Madaxweyne Faroole oo sida uu sheegayba dalka u yimid tacsi qoys, hadana wuxuu ku cel celiyey in aanu shar wadin wax dhib ahna la socon. Madaxweyne Faroole  wuxuu sheegay in uu wax wanaagsan ka tagay wax wanaagsanna rajaynayo inuu dalka kala kulmmo. Wuxuu kale oo sheegay in uu sixi doono wixii awoodiis ah ee uu sixi karo.

Iyadoo aan meesha laga saari karin hadalka Madaxweyne Faroole iyo socdaalkiisuba in aanay siyaasad ka saan la’ayn, hadana waxaa iska cad in ay jiraan xoogag kale oo siyaasadeed kuwaas oo ka fa’iidaysanaya safarkiisa si ay fariin adag ugu diraan xukuumadda

Mareegta uu sida gaarka ah u leeyahay Madaxweyne Faroole waxay sheegtay, in xukuumaddu saxaafadda dowladda ka joojisay in ay dadka ka haqab tirto soo dhaweyntii Madaxweynaha hore taas oo dhanka kale muujinaysa dareenka aan fiicnayn ee xukuumaddu ka qabto imaansha Faroole. Eeg lifaaqaan oo ingiriis ku qoran. http://www.garoweonline.com/page/show/post/3238/somalia-puntland-bars-media-from-covering-expresidents-hero-welcome-home hada jirta.

FG. Xuquuqda Sawirka, Ducale waxaana ka soo qaatay baraha internetka

Dhammaad



Monday, July 6, 2015

Jahadiiba iga halowdoo jid aan u baxaanan hayn!


Guud ahaan xaaladda Somalia ay ku sugan tahay ma ahan mid ka farxinaysa muwading kasta oo jecel in uu arko wadankiisa oo nabad ah cagtana saaray wadadii dib u soo kabashada iyo horumarka. Marka aad dib u eegto dhacdooyin dhawr ah oo dalka soo wajahay asbuucyadii la soo dhaafay ayna ugu weynayd jabkii ciidanka Burundi, banayntii AMISOM degaano muhiim ah, kala xiriir furashada dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dhammaan arrimahaas waxay ku tusinaysa in xukuumadda Hasan Sh Mohamud uu gabalkeedu sii dhacayo.
Maanta, waxay baarlamaanka federalku ansixiyeen laba guddi oo kal ah guddiga xuduudaha iyo kan doorashoooyinka. Waa laba guddi oo muhiim u ah dowladnimada dalka, dib u heshisiin iyo soo kabasho qaran Somaliyeed.
Waxa muuqata in magacaabista guddiyadaan aan loo marin wado is qancin iyo wada tashi, ansixintooduna ay u dhacday sidaas si la mid ah. Puntland iyo Jubaland labaduba waa ka horyimadeen Koonfurgalbeedna ma hubo in ay ku qanacsanyihiin.
Marka laga eego muhiimadda shaqada guddiyadaan looga fadhiyo halbeeggooda kowaad waa kalsoonidda cidda ay u garqaadayaan. Guddi cid gaar ah magacaabatay uma garqaadi karaan dad colaadi ka dhaxayso waxna isku haysta. Hadii arrinka dalku sidaas u sahlan yahay sheekaduba halkaas ma soo gaarteen.
Dhanka kale marka aad eegto xukuumadda uu Hasan Shiekh garwadeenka ka yahay, waxaad mooda in ay iska dhaga tirayso xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta dibna aysan u daraasayn marxaladihii la soo maray oo ay joob joog u ahaayeen. Si ula kac ay ayey qas iyo qalaalaso uga abuureen Gobolka Mudug iyada oo si dhab ah u og xasaasiyadda ka jirta.
Tusaale ahaan Galmudug oo loola jeedo Mudug iyo Galguduud, waxaa qalalaaso ula kac ah la dhexdhigaya dad walaalo ah oo daris wanaag ku noola muddo dheer oo dalka nabad la’ani ka jirtay. Hadii loola jeedo Galguduud iyo Koonfurta Mudugna waa sharci darro maadaama dastuurku farayo laba gobol iyo wax ka badan. Bal xujadaas adigu fur!
 Hadii dowladda federalka ay dhab ka tahay wajahidda iyo wax ka qabashada xaalka Mudug waxay u dayn lahayd reer Mudug in ay xallistaan iyaduna ku gacan siiso. Markaa ama Mudug meel bay isku raaci lahayd ama waxa soo bixi lahaa in loo sameeyo maqaam gaar ah sida dunidaba uga dhacda in meelaha qaarkood la siiyo maqaam gaar ah. Mudug inteeda badan waxay wax ka dhisatay Puntland muddo laga joogo 17 sano walina diyaar bay u tahay in ay ka sii mid ahaato.
Marka aad eegto guud ahaan arrimaha kor ku xusan waxa kuu soo baxaysa xil kasnimo la’aanta iyo qar iska tuuridda maamulka Madaxweynane Xasan Sheekh waana mid aan wadanka meella gaynayn.
Dhamaad

Mohamed Abdi


Saturday, July 4, 2015

Doorashada Guuleed


Abdikarim Hussien Guled oo soo noqday wasiirkii arrimha gudaha iyo kii Amniga ee dowladda Hasan Shiek ayaa hada loo doortay xilka Madaxweynaha shirkii ka socday Cadaado. Wuxuu ku guulaystay 49  isagoo ka guulaystay la tartamihii ay isku soo hareen wareegga saddexaad 40 cod kaas oo asna horay u ahaa Madaxa Sirdoonka ee dowladdii Sheikh Shariif Sh Ahmed.

Waxa shirka soo camiray wasiirada dowladda Federalka oo ay ka midyihiin Odowa iyo Caynte. Waxa kale oo ka soo qayb galay odayaasha beelaha hawiye.  Waxa iyana fadhiyey siyaasiyiin  saamayntooda lehWaxaa iska muuqatay in Wasiirada dowladdu cidiyaha ku dagaalameen si ay Mr Guuleed usoo saaraan, taas oo aad moodo in ay ku guulaysteen. Waxa si cad u muuqatay in hardangku u dhexeeyo Damjadiid iyo Alla Sheekh oo iska dhaxlay xukunka dalka. 

Cabdi Qaybdiid oo isagu u haraaday dhismaha maamulkan kuna taamayey in xuduudka Galmudug laga dhigo xadka Nugaal ayaan isagu soo hoyin guul la taaban karo, walow oo markii danbe ku faylay kooxda Cabdikarim.

Sida aan horayba u sheegay dowladda Federalku waxay shirkaan galisay waqti, dhaqaalo iyo juhdi aad u fara badan. Waxa ugu weyn ee la oran karo way ka leedahayna waa in ay la shir tagto 2016 ka in ay baahisay maamulkii dalka, soo dhistay qeyb ka mida dowladihii qeybta ka noqon laha dowladda federalka ah iyo ujeedada ugu weyn oo ah in ay hesho jaal siyaasadeed oo ku garab istaaga  hanashada xukunka dalka mar labaad.

Isku soo duubo Abdikarim H Guled waxa hortaal hawl aad u baaxadweyn oo ay ka mid tahay, nabadaynta beelaha dega Galguduud iyo Konfurta Mudug, qaadista isbaarooyinka sharcidaradda ah, ammaanka, abuurista ila dhaqaale iyo tan ugu weyn oo ah qancinta iyo la xaajoodka Ahlu Sunna Wal Jameeca oo iyaguna horaantii asbuucaan Madaxweyne ku doortay caasimadda Galguduud ee Dhuusa Mareeb. Waxa kale oo xujo weyn ku noqon doonta inuu dadka uu madaxda u yahay ka dhaadhiciyo inuusan xukumin Mudug ee halka loo doortay ay tahay Galguduud iyo Konfurta Mudug.


Waxaan u rajaynaya maamulkaas dhismay nabad, horumar iyo daris wanaag.

Mohamed Abdi

Wednesday, July 1, 2015

Maxaan ku xasuusana 1da Luulyo?



1da Luulyo waa maalin ku weyn dadka Soomaalida. Waa maalintii ay xornimada qataday qaybtii la oran jiran Italian Somaliland. Waa maalintii ay midoobeen labadii goobood ee ay kala haysteen gumaystaha Ingiriiska iyo Talyaanigu. Dad badan way ka murugoodaan maqalka maalintaas waxayna u arkaan in aan dalku ka fa’iidaysan fursaddaas qaaliga ahayd ee in badani u hureen naftoodii iyo maalkoodiba.

Wallow badi mujtamacu xornimada doonayeen, iyadoo aysan jirin wax xornimo ka qaalisan marka islaanimada laga reebo hadana waxa jiray kuwo Soomaali ah oo u arkayey in gumaystuhu dalka sii joogo Soomaliduna aanay ahayn kuwo is maamuli kara. Ra’yigaas in badanba maanta u guuxay!

Dhanka kale waxa jira dad ku dooda xuska maalinta iyo habka loo weyneeyo in aanu ahayn mid ka wada tarjumi kara dareenka dadka iyo wayahoodii kala duwana xilligii gobanimo doonka iyo kolkii la helay ka gadaalba. Waxay dadkaasu ku doodayaan in xaflado la qabta iyo heeso la qaada aanay wax weyn ka tarayn taariikhda umadda balse ay haboonaan lahayd in ay dadku arkaan wixii ay u halgamayeen kuwii geeriyoodayna ubadkoodu goostaan mirihii ay aabayaashood beereenk. ka sheekaynta taariikhdii halgamayaasha iyo dhib iyo dheef wixii la soo maray Iyana waa arrin kale oo muhiimaddeeda lahaan lahayd.

Isku soo duuboo Somalia oo ka mid ahayd dalalkii xornimada Africa ugu horqaatay maantana u dabaal degaysa 55 guradii maalintaas qiimaha badnayd, ma aanay helin wixii ay gayday dadkeeduna wuxuu ku kala firdhay daafaha dunida iyagoo aanan haysan xushmadda iyo karaamada asaagood ku naaloodaan ayna ugu horayso ammaanka, dhawrista sharafka mudaadinka, codaynta iyo doorashada madaxtooda. 55 sano ka dib dadku ma haystaan xornimo dhaqaale, mid siyaasadeed, wax barasho iyo mid aayo ka talin toona.

Waxaan jeclaan lahaa in aan u dabaal dego xornimo buuxda, ciid iyo calan camiran,  leh xuquuq qof ahaaneed, dhaqaale, waxbarasho, iyo hiigsasho horumar. Waxaan marlabaad idiinku hanbalyeynaya xornimo sharaf leh iyo in aan isku taagno helidda xornimo aan gayno.

Alla Mahad leh.


Mohamed Abdi

Sunday, June 14, 2015

Riyo maalmeedka cadaado


Dadka ku nool gobolka Mudug gaar ahaan Puntland, waxay aamin san yihiin soona dhaweynayaan cid walba oo maamul iyo kala danbayn samaysanaysa. Waxay aaminsanyihiin nidaamka hoos ka dhis kur u dhis (bottom up approach). Waxay doonayaan nabad, horumar iyo xasiloni siyaasadeed.
Waxay doonayaan dowlad iyo midnimo Soomaaliyeed. Waxay doonayaan Somalia oo gacmaha is qabsata, federal ah maamulka iyo adeegyada dowladuna gaaraan deegaanada ka fog magaalooyinka. Marna kuma talin qeybna kama qaadan dadkaan dhibka iyo burburka walaalaha Soomaaliyeed.

Badalkeeda, dhanka konfurta Galkacyo iyo wixi ka koonfureeya waxaa ka socda wax u muuqda in ay caqabad ku yihiin inta kor ku xusan. Waxa qebyo qoraalka dastuurka cadaado lagu qoray in  maamulka imaan doona uu xaduud la yeelan doono konfurta gobolka Nugaal! http://www.codkamudug.com/daawo-sawiradagudiga-farsamada-maamul-usameenta-gobolada-dhexe-oo-bulshada-gaalkacyo-usoo-bandhigay-dastuurka-maamulka-uuyeelanayo-si-ay-uga-doodaan/ Waa riyo maalmeed aan dhib mooyee wax wanaag ah u siyaadin doonin kuwa doortay in ay khalkhaliyaan nabadda iyo xasiloonida mudada dheer lagu caano maalay iyagana la jecla in ay helaan mid la mida.

Waxaan oran lahaa dadka Soomaaliyeed luggooyada ka daaya. Ha u horseedinana burbur iyo dagaal sokeeye oo hor leh. Ogaada dadka aad xadkooda sheeganaysaan waxay tashadeen dowladna samaysteen 17 sano ka hor. Hadii la doonayo in xoog wax lagu qaatana horay u suurobi weyday oo waan wada ognahay. Sheegashadiinu waa uun suurad xumeeyn nidaamka federaliga ah ee lagu heshiiyey iyo qiil u raadin burburintiisa.

Waxaa nasiib darro iyo niyad jab ah, in dadkii ka shaqeeyey burburkii, gumaadkii iyo xasuuqii umadda Soomaaliyeed loo gaystay ay maanta mar kale u xiiso iyo hamuun qabaan in ay gaystaan wixii dhacay wax ka sii xun. Waxaan dareen sanahay cidda nidaamkii Somalia burbursay, hortaagnayd in ay dalka ka hirgasho dib u heshisiin iyo dowlad shaqeeysa ay wali hormuud u yihiin maleegidda wixii ay gaysteen wax la mida.

Iminka waxa idiin furan in aad doorataan wadada nabadgelyada ama wadada halaagga iyo burburka umadda Soomaaliyeed. Hadii aad tan hore doorataan waan wada libaanayna dalkuna tartiib tartiib ayuu u dhismi doona, hadiise aad qaadataan tan labaad wax aan hungo ahayn ka dhaxli maysaan waxayna hog dheer ku ridaysan in dalka nabad lagu soo dabaalo.

Ugud danbayntii Galkacyo waa meeshii Puntland laga dhisay, hadii ay meel kale aadaysana ma jiri doonto cid talada u gaarasa. Wixii talo iyo wanaag ah ee ku saabsan maqaamka, horumarka iyo ku wada noolaansha Galkacyo waan soo dhaweynayna, balse cidina yeysan isku dayin wax aan waxba uga kor dhayn dadka aad madaxda u tihiina been ha u sheegina.

Wa billahi towfiiq